SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

"Waa arin laga naxo arinta dowladda midnimada qaran ee Somaliya ay saxiixday heshiis ay ku weyneyso dhul badeedd dhan 38,000-Km/sq" ayuu yiri Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqooyahanadda Somaliyed kuna dhaqan dalka America.

Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mida aqoonyahanada Soomalida ee ku nool dalka dibadiisa ayaa sheegay in heshiiska ay wada gaareen dowladaha Somaliya & Kenya ay Soomaalida dhul weyn oo micno leh ku dhumineyso, hadii aanu hada gudi kontarool adag ku sameya loo hor dhigi wayo.

"Waddan walba wuxu xaq u lahaa dhowr iyo labaatan-Km iney wiixi dhaqaale ah iyada xaq u leedahay, kii ayaa laga dhigaa waxbadan, markaa xadadkii leynkii hore uu mari lahaa la sii dheereyn lahaa Kenya waxey dooratay iney baddasho leynkaasi uuna kor u soo socda xaga Somalida uuna sidii badwyenta caadi ah uu u socon lahaa uuna u socon, taasina waxey sababikaraan in wax badan oo bad ah ay Somaaliya ku weyso" oo ugu baaqay dowladda Federaalka iney dib uga noqoto heshiiskaas, hadii kale sida Falastiin iyo is rail oo kale ayaa nagu dhicidoonto Wallahi hadii hadda aan laga firsan arinkaasi la saxiixday,isagoo shacabka Somaaliyedna ugu baaqay iney ka istaagaan arinkaasi.” Waan la socdaa waxa kaliyah oo shaqeynayo uu yahay lacag ay wado dowladda Kenya lehna intaas oo dollar$ USA ah ayaan siineynaa dowladda Fadaraalka Somaliya hadii !!!!!-ay noo yeesho badeeda in qeyb ka mid ah nagu soo wareejiso” ayuu raciyey prfo Cabdi Ismaaciil Samatar.

Wuxuuna sidoo kale sheegay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar in haddii uu suura galo heshiiskaasi, iney Somaliya ka dumi doonto dhul baaxaddiisu ay aad u weyntahay, oo ku eg ilaa iyo goboladda jubooyinka hoose oo dhan ee isla gudha Soomaaliya ah.

Ugu dambeyntii prof Samatar oo ah ninka kaliyah dhanka siyaasadda Soomaalida, si weyna ula socda arimaha Somaliya, islamarkaana ku dheereeya arimaha Juqraafiga, ayaa ku tilmaamay heshiiskii shalay ay wada saxiixdeen dowladda Somaliya iyo Kenya, mid ay xukumadda Kenya ku yeelaneyso dhul aad muhiim u ah oo ay Somalidu leedahay.
 

Waxa ay sacadihii ugu dambeyey burcad-badeed Somali ah ay ka afduubteen biyaha ka baxsadan Somaliya markab xamuul ah lagana leeyahya wadanka Denmark iyagoona ay sarnayeen dhowr iyo toban bad maxiyiin American ah. sida lagu sheegayo xafiiska ilaaladda amniga badaha ee ururka midowga Yurub.

Waxana la sheegay in markaban laga leeyahay waddanka Denmark oo ay saran yihiin ilaa 22-shaqaale u dhashay wadanka mareykanka ayaa la sheegay in manta ay afduubteen kooxaha buracad-badeeda Somaliya meel aan ka fogeen biyaha Somaliya, waxana ay qeyb ka noqoneysaa hajuumka sii badanaya ee xeebaha gacanka cadmeed iyo tan Somaliya ay ku hayaan burcadda hubeysan ee mayalka adag.

Waxana ay xaqiijiyeen ilo noga timid xaga ilaaladda amniga badaha ee ururka midowga Yurub in markabkaan uu ahaa mid aad u weyn islamarkanaana xamilikara in uu qado ilaa dhowr iyo taban kun tan, in lagu afduubtay meel aan ka fogeen biyaha Somaliya.

Waxana uu sheegay in dhamaan shaqaalaha markabka saran in la aaminsanyahy in ay wax dhib ah soo gaarin xagooda iyo markabka intaba, waxana uu intaasi raaciyey in uu yahy markabkaan markab ugu horeya kooxaha buracd-baddeeda hajuumaadka culus ku haya biyaha calamiga ah kii ugu horeyey marka laga hadlaya markabkaan in uu yahy.

Isku soo wada dubow kooxaha burcad-badeeda Somalida ah waxey maalin ka hor ay gacanta ku soo dhigeen markab kale oo weyn lagana leeyahay wadankaasi ee boqortooyada Ingariiska ka dib markii ay qabsadeen toro lagu sheegay 3-markab oo ka sii horeysay midka bqortooyada Ingariiska, balse xeebaha gacanka cadmeed iyo mida Somaliya ayaa loo soo diray maraakiib iyo elokobtaro kontaroolo culus kaga haya biyahaasi si ay u ciribtiraan kooxaha buracad-badeeda hajuumaadkooda sii darsanaya marba marka ka sii dambeysa.

3-daxdii bilood ee ugu horeysay sanadkaan cusub ee 2009-ka ayaa kooxaha buracad-badeeda Somalida ah sii darsanayey weerardooda ay ku hayaan maraakiibta caalamiga ah iyagoo weydiisanaya marka ay gacanta ku soo dhigaan milkilayaasha markabka iska leh dhowr iyo toban dollr$, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen sanadkaan cusub ilaa sagaal markab oo ay ku afduubteen gacanka cadmeed oo ah mid aad u weyn islana wadagaan qaaradaha Yururb iyo qaradaha kale ee eeshiyaanka.

Waxa ay dowladda Mareykanka ay ka digtay in ay maraakiibta caalamiga ah ee u aada biyaha shaqoyinkooda in ay iska ilaaliyaan maritaanka badahaasi u dhow dhow wadanaka Somaliya.

Saraakiisha ciidamadda xaga badda ee Mareykanka u qabilsan ayaa uga diggay jidadka looga soo hajuumo maraakiibta caalamiga ah ee maraya biyaha Somaliya in ay iska ialaaliyaan oo marin meelaha ay u badan yihiin kooxaha sii darsanaya weerarada ku haya gacanka cadmeed iyo Somaliya gaar ahaan mida u dhow wadanka Somaliya in ay ku fududaan maritaankooda ay la aadaan kooxahaasi ka dib markii ay u badaleen ta’tikadoodii hore lana soo baxay mid casri ah oo kii hore ka cululees

Page internetka ee telofeshinka Aqbaradka dalka America CNN-ka ayaa ka soo xigatay mid ka mid ah saraakiisha badda ciidamadda Mareykanka in sara u kaca howlaha burcad-badeeda ee maalmihii ugu dambeeyey ay xaqiijineyso in ay kooxahaasi ay badaleen qaabkoodii hore iyagoo ka fa’iideysanaya dhowr iyo toban kun meel isku werna ah ee kala qeybisa biyaha furan ee Somaliya halkaasoo ay ku sugneen wax ciidamo caalami ah.

Sarkaalkaasi sare ayaa u xaqiijiyey page internetka mareykanka in kooxaha ay u wereejiyeen meelo aan run ahaantii aanu joogin wax ciidamo caalami ah ee lagu tala galay in ay la dagaalamaan burcada-badeeda hajuumka culus ku haya maraakiibta caalamiga ah ee isticmaala biyaha Somaliya iyo kan gacanka cadmeed.

warkaan oo loo gudbiyey wasaaradda gaashandhiga ee wadanka America ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday inkastoo ciidamo caalami ah ay hada joogaan xeebaha wadanka in aanu awood u laheyn bad-baadinta maraakiibta aanu ka difaaci Karin burcadd-badeeda, iyagoo soo dhiganaya badahaasi ciidamadda caalamiga ah maraakiib dagaal iyo elokobtro si ay u ciribtiraan burcada hajuumka culus ku haya badaha caalamiga ah.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ay ku taliyey maraakiibta calamiga ah ee ku kala safra xeebahaasi in ka leexdaan halka burcada u badan yihiin si ay uga bad badaan weerarada kooxaha burcad-badeeda afeeyey xeebahaasi.

Ugu dambeyntii waxa lagu cadeeyey wararkaaasi in ay gacanta ku soo dhigeen kooxaha burcad-badeeda Somalida ilaa 16-toban markab oo shan ka mid ah maalmihii ugu dambeeyey ay ka qabsadeen xeebaha Somaliya, iyo in ilaa 15-markab oo kuwa milateriga ah oo ay wataan ciidamadda caalamiga ah ee ku sugan xeebaha waddanka Somaliya iyo tan gacanka cadmeen ay hadda halkaaasi ay kontaroolo culus ka hayaan, balse arinkaas ay noqon Karin in la jooji karo falalka afduubka kooxaha burcad-badeeda Somalida ay ku qabsadaan maraakiibta marta biyaha biyaha Somaliya iyo meelaha gacanka cadmeed.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS