SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka Nusoj oo siminaar ku saabsan sidii Raga iyo Dumarka ugu sinaan lahaayeen Howlaha Saxaafadda u qabtey Saxafiyiin ka kala socotey Qaybaha warbaahinta

Waxaa Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho ugu furmey Siminaar Saxafiyiin ka kala socotey Qaybaha warbaahinta oo ka kala yimid Gobolada Dalka Gaar ahaan Gedo, Shabeelada Hoose , Shabeelada Dhexe , Bay iyo Bakool Siminaarkaas oo socon doona Muddo Saddex maalmood waxaana soo qaban qaabiyey Ururka Saxafiyiinta Qaranka soomaaliyeed ee Nusoj National Union of Somali Journalists waxaana lagu baranayaa Casharo la xiriira sidii Ragga iyo Dumarka ugu sinaan lahaayeen dhinaca Shaqada Warbaahinta ha noqoto Doonista wararka , Maamulka iyo shaqooyinka kale ee Saxaafada

Siminaarkan waxaa Furey Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Fowsiya Maxamed Shiikh waxayna ugu horeyntii u mahadcelisey Intii isku soo duba ridey Siminaarka gaar ahaan Ururuka Saxafiyiinta Qaranka soomaaliyeed ee Nusoj oo ay sheegtey in tixgelin gaar ah siiyey Haweenka soomaaliyeed ee ku jira Bahda Warbaahinta waxayna kula dardaarantey Xubnaha ka qaybgalaya siminaar in ay si wanaagsan uga faaiideystaan Casharada la bixinayo Muddada Saddexda maalmood ee halkan joogtaan

waxaa kalloo ka hadley Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Suleymaan Colaad Rooble oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Ururka Nusoj wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in fiiro gaar ah la siiyo Haweenka Suxufiyiinta si ay ula sinaadaan Ragga iyana ku jira Saxaafada wuxuuna kula dardaarmey ka qayb galayaasha in ay ka faaideystaan Casharada halkaan ka qaadanayaan

Siminaarkaa waxaa warbixin ka soo jeediyey Cudbi Suleymaan Mahdi oo ah Xoghayaha Hawwenka ee Ururka saxafiyiinta Qaranka soomaaliyeed oo ah Gabdha isku soo dubaridey siminaarka waxayna warbixinteeda ku sheegtey in ururkooda uu ku howlan yahay sidii ay xaquuqdooda u heli lahaayeen Haweenka ku jira Bahda Saxaafada waxay kaloo sheegtey in sii kordhin doonaana siminarada noocan ah ee ku aadan sidii Ragga iyo Dumarka ugu sinaan lahaayeen Howlaha Saxaafada waxaa kaloo ka hadley Xoghayah warfaafinta ee Ururka Nusoj Cabdiraxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar ) oo isna sheebey in Ururkooda u dadaal ugu jiro sidii Haweenka ku jira Saxaafada ay u helil ahaayeen Xaquuqda Shaqada ee dhinaca warbaahinta

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 8, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS