SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

April 8, 2009

Kooxaha burcad-badeeda Somalida ah oo dar dar geliyey afduubka maraakiibta ajnabiga ah ee adeegsadda marinada ku dhow biyaha Somalia.

koxahaan afduubka maraakiibta ajnabiga cadeystay ayaa waxa ay afduubeen 24 saac ee aynu ka soo tagnay ilaa 6-markab, kuwaasoo u badnaa kuwa badeecooyin kala duwan u siday qaar ka mid ah wadamada Africa.

Kooxaha burcad-badeeda ah ee Somaliyed ayaa dar dar geliyey afduubka & qafaalashada maraakiibta ajnabiga ah ee adeegsada marinada ku dhow xeebaha Soomaaliya.

hajuumaadka burcadda ee saacadihii tagay ayaa waxaa xoog kaga baxsaday oo kaliyah marakab weyn sidayna qalabaad culus oo laga leeyahay dalkaasi boqortooyada Ingiriiska & markab nooca kaluumaysiga ah oo ay leedahay dowladda Taiwan.

Marka ay ugu yartahay 18 markab & shaqaale gaaraya 250 ayaa iminka la rumeysan yahay in ay ku jiraan gacanta kooxaha burcad-badeeda Somalida ah ee sida roobka ugu soo batay badahaasi.

afduubka saacidihii tagay ee ay ku kaceen kooxahan Somalida ah ee shaqada ka dhigtay qafaalashada maraakiibta ajnabiga ayaa waxa ay wax kama jiraan ka soo qaaday sheegashada dalalka awoodda ku faana in ay ciribtirayaan burcadda Somaalida ah ee badda ka qawleesta, iyagoo ka dalbannaya milkiyah iska leh markabka lacago madax furasho ah oo malaayiin dollarka$.

Si kastaba ha noqote markiibta galay gacanta burcadda-badeeda Somaalida 48-kii saac ee ugu dambeeyey ayaa waxaa laga kala leeyahay dalal badan kuwaas oo kala ah, France, Britain, Germany, Taiwan and Yemen. Kuwaasoo habab kala duwan ay u isticmaleen qabsashadooda maraakiibtaasi.

Markab kale lagana leeyahay wadanka France oo saacadihii tagay gacanta u galay kooxo burcad-badeed Somali ah, iyadoo shaqalaha & doontaba loo heysto iminka lacago madax furasho ah.

Markabkaan oo laga afduubtay halka lagu magacaabo Raas-xaafuun ayaa waxa saarnaa ilaa 5-shaqaale ah kuwaas uu u suura galay in ay gacanta ku dhigaan kooxaha burcad badeeda iyaga & doontaba loo haysto iminka lacago madax furasho ah, oo dhowr & toban dollar$.

Isla shalay ayay ahayd markii markab dalka Jarmalka laga leeyahay lagu afduubtay meel u dhow biyaha Somaliya kaa oo siday badeecooyin aad u badan mana jiran hadal ka soo baxay kooxaha wax afduubtay kaasoo ay ku sheegayaan cadadka lacagta madax furasahada ay rabaan.

markabkaan ayay afduubkeeda kooxaha burcada loo kasayo waxay u adeeg sadeen taag laa leeyahay dalka Yemen kaasoo isaga laftiisa ay horey u afduubteen kooxaha-burcad badeeda ah.

Isku soo wada dubow, burcad-badeeda Somalida waxay gacanta ku dhigeen Markab laga leeyahay dalka Faransiiska, iyadoo xeebaha gacanka cadmeed & tan Somaliya ay ku sugan yihiin maraakiib ajnabiga oo kontarool xaga cirka & bariga kaga hayo maraakiib & elekoptaro iyagoo daba jooga sida ay sheegeen kooxaha burcada ahi, si ay uga safeeyaan kooxahaasi fduubka u geysta maraakiibta calamiga ah ee isticmala biyaha geska Africa.

Saxaraha 2-badda dal ee isku dhow Liibiya & Sudan oo dhalinyaro farabadan oo Somali ah lagu xir xiray, iyagoo damacsanaa in ay u safraan wadamada qaarada Yurub.


Dhallinyaradan tahriibayaaha Soomaalida ah oo tiradooda ay gaarayso ilaa 70 ayaa waxay safar dhinaca lugta ah ku socdaalayeen in ka badan 24 saacadood ah si ay u gaaraan xadka dalka Liibiya, balse markii ay taasi suurtoobi wayday ayay tageen xarun ay ciidamada ammaanka dalka Sudan ay leeyihiin, kaddibna ay ciidamadaasi dhigeen saldhig ay halkaasi ku lahaayeen.

Mid ka mid ah dhalinyaradaasi Somaliyed ee ay xireen ciidamadda dalka Sudan ayaa waxa uu u sheegay saxaafada inay doorbideen xabsi intii ay gaajo & harraad saxaraha ugu dhiman lahaayeen, wuxuuna intaasi raaciyey in ay rajaynayaan in dib loogu soo celiyo gudaha magaalada Khartoum kaddibna ay si taxaddar leh dib ugu bilaabaan socdaalkooda dalka Liibiya iyagoo raacaya gaari nadaaam leh.


Dhallinyaro badan oo Tahriibayaal Soomaali ah oo isugu jira rag & dumar ayaa lagu soo warramayaa in ay isu dhiibeen ciidamadda amniga dalka Sudan kaddib markii ay dhibaato ba’an kala kulmeen saxaraha weyn ee kala qeybisa dalalka Sudan & Liibiya, baabuurkii ay la socdeen ay soo gashay cillad dhinaca matoorka ah.

Si kastaba ha noqote, saxaraha dheer ee kala qeybisa dalalka Sudan & Liibiya ayaa waxaa ku maqan boqolaal Soomaali tahriibayaal ah oo halkaasi ugu geeryoday harraad, gaajo & kuleyl, kuwaasoo qaarkood gaarigii ay la socdeen uu cilladoobay, halka kuwo kalena la qiyaameeyay oo halkaasi inta la keenay uu baabuurkii waday uu uga tagay.
 

Gabar yar iyo hooyadeed oo karonto ku qabsatay degmada wanla-weyn ee gobalka shabeellada hoose, ka dib markii ku soo dhacday filo dab maso la heyd gurigoodo.

Gabartan yar iyo hoyaddeed ayaa xalay ku geeriyooday degmadda wanla-weyn ka dib markii ay ku dhagtay karonto ay u xirneyd gurigooda waqti ay 2-badooda ay gurigooda kuwada sugnayeen hoyada iyo gabarteeda yar oo iyadu dhashay.

Karoontadda qabsatay gabadha iyo hooyadeed ayaa la sheegay in ay aheyd mid u xirneyd oo ay ugu jirtay gurigooda, waxana ay markii hore masada keenay in uu ku da’o roob yar islamarkaana keentay in uu ka kaco fili maaso, waxana uu sababay in ay ku dhintaan halkaasi 2-qof oo kala ah gabar iyo hoyadeed.

Si kastaba ha noqotee dadkii dariska ayaa markaasi ka dib ka war helay dhimashada gabadha iyo hoyaddeeda, waxana isla meeshaasi isugu yimid dad aad u badan oo isugu yimid halka uu falka ka dhacay, mana ahan markii ugu horeysay oo dad ku qabsata karoonto isla degmada wanla-weyen ee gobalka shabeelada hoose.

Xarakada islaamiga ah ee Al-Shabaab oo howlgalo amni sugid ah ka wadda magaalada Baydhabo.


Dhaq-dhaqaaqa islaamiga ah ee ka arimiya magaalada Baydhabo ayaa waxa ay howlgal lagu kontarolayey ka bilaway daafaha magaaladda byadhabo ka dib markii ay soo ifbaxeen rag hubeysan oo falal amnidaro ka geysanaya xaafadaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Deegaanada u dhow magaalada Baydhabo iyo meela kale oo ay dhaq-dhaqaaqyada islaamiyiinta ah ee Al-Shabaab ku soo qab-qabtay tiro badan oo rag ah kuwas oo la sheegay in ay ka wadeen amnidaro islamarkaana loo taxaabay xabsiga dhexe ee magaaladdaasi.

howlgaladan ayaa ku soo beegmeysa xili saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay horay u shaciyeen in ay qaadi doonaan talaabooyin xaga amaanka wax looga qabanayo islamarkaana sidoo kale amaro dhowr ah ku soo rugay isla magaalada Baydhabo sida ay ka mamnuuceen muqadaraadka, iyo in la xiro waqtiyadda salaada goobaha ganacsiga, iyo sidoo kale in ay isla raaci Karin gawarida rakaabka raga iyo haweenka, iyadoona si qaas ah ugu baaqeen haweenka aanu wadan xijaabka ayna talaabo adag oo shariciga wafaqsan ay ku qadi doonaan qofti aanu wadan.

Si kastaba ha noqotee,dhaq-dhaqaaqaan islaamiga ah ee dhawaan yimid magaalada Baydhabo waxey ka bilabeen howlo lagu xasilinayo jawiga Baydhabo ka dib markii dhawaan taan ay ciidamadii dhici jiray dadka reer baydhaob ay xoog uga qabsadeen guud ahaan magaalada Baydhabo iyadoo weli ay ku sugan yihiin ciidamaddaasi dowladda KMG qaar ka tirsan isla gobalka.

Kooxaha burcad ah oo afduub u gaystay markab yar lagana leeyahay dalka Yemen.


Kooxahan Soomaalida ah ayaa gacanta ku dhigay markabkan kaddib markii ay ku weerareen dooman dheereeya kuna rideen rasaasta darandooriga u dhacda iyo gantaallo, taasoo keentay in kabtankii markabka uu amar ku siiyo naaquudihii markabka inuu markabka joojiyo si ay iyaga iyo markabkaba uga badbaadaan waxyeello ka soo gaartay rasaasta lagu soo ridayo, waxaana kaddib kooxaha afduubayaaha maraakiibta u suurto gashay inay markabka si fudud ula wareegaan.

Kooxaha Soomaalida ah ee ka qowleysta xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxay xalay gacanta ku dhigeen markab kuwa doomaha jiida ah oo laga leeyahay dalka Yemen xilli uu marayay meel ka baxsan xeebaha badwaynta Indiya, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay wasaaradda arirmaha dibadda ee dalka Yemen.

Si kastaba ha noqotee markabkan oo ah kuwa doomanka jiida ee laga leeyahay dalka Yemen ayaa waxaa la socda 7 shaqaale oo dhamaantood u dhashay dalka Yemen, waxayna wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Yemen ay sheegtay inay markabkaasi iyo shaqaalahaasi ay ku maqan yihiin gacanta kooxahaasu afduubayaasha maraakiibta oo aan la garanayn meel ay ula baxsadeen.

garab ka mid ah dhaq-dhaqaaqa Xisbul-Islaam oo sheegay haddii dowladda midnimada qaran ee Somaliya ay qaadan weyso Sharciga Islaamka ay la dagaalami doonaan.


Garab ka mid ah isbahaysiga Xisbul Islaam oo ay hoggaamiyaan Sheekh Maxamed Xasan Camey iyo Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa kulan ay shalay kulankii dambe magaalada Muqdisho kula qaateen xubno ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxay sheegen inay taageerayaan oo ay difaacayaan dawladda uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed haddii ay si rasmi ah u hirgeliso ku dhaqanka Sharciga Islaamka.

Dhinaca kale Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inaysan ku biirin dawladda oo aysan jago ka dooneyn, balse ay ku taageerayaan wixii wanaag ah oo sameeyaan dowladaasi, balse waxa uu ugu baaqay dawladda midnimada qaran ee Somaliya inay qaadato ku dhaqanka Sharciga Islaamka, ayna jojiso ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye, isagoo ku dhaartay inay la dagaalami doonaan dawladda haddii ay si sax ah u meel dhigi weyso qodobka ku dhaqanka Sharciga Islaamka.

Sheekh Maxamed Xasan Camey waxa uu si kulul u yiri “haddii maanta dawladda ay qaadato ku dhaqanka Sharciga Islaamka, dad baa oran doona, ma oggolin, waanu ka soo horjeednaa, dadkaasi waa iska caddahay inay yihiin kuwo qolo u adeegaya, dad baa waxay rabaan inuusan dalka marna deign, waxaad arkaysaa nin ka imaanaya gobollo ay joogaan cadowga Alle oo Xamar jihaad u imaanaya, maa ka jihaado goobta uu joogo, maxaa Xamar oo kaliya jihaadka ku koobay" oo intaasi ku daray inuu aaminsan yahay in talada iyo aayaha dalkan looga dambeeyo labo qolo oo kala ah: nimankii waday jihaadka barkaysnaa ee dalka looga carararay ee maanta dawladda ka mid noqday iyo culimada Soomaaliyeed ee go’aanka gaaray.

Dad qoxooti Soomaali ah oo sida roob ugu sii qulqulaya dalka Yemen.


Qoxootiga Soomaalida ee bishii Marso ee aynu ka soo gudubnay gaaray dalkaasi ayaa gaaraya 2,478 sida ay ku warbiyeen madaxda dhanka ammaanka u qaabilsan dalkaasi Yemen.

Sida ay qortay wakaaladda wararka faafisa ee dalkaasi Yemen qoxooti fara badan ayaa maalmihii ugu dambeeyey gaaray xeebaha dalkaasi Yemen.

Qoxootigan gaaray Yemen ayaa 576 ka mid ahi waxa ay yihiin dumar halka tirada carruurtana lagu sheegay in ay gaarayso 167.

Goobaha ay qoxootigani ka galeen dalkaasi Yemen ayaa kala ah xeebaha degaamada Taiz, Shabwa, Hadramout iyo Abyan.

Si kastaba ha noqote, waxa ay sheegayaan mas,uuliyiinta dalkaasi Yemen qoxootiga Soomaalida ee sanadkan oo kaliya gaaray dalkaasi waxa ay gaarayaan 19,000 oo ruux.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | April 8, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS