SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasaaradah Ganacsiga Soomaliya iyo Indonesia

Ref: MoC/DBX/0406/09

Press Release

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Mudane Abdirashid Mohamed Abdi Hashi ayaa ka qeyb galay bandhig ganacsi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee Waddanka Indonesia.

Shirkan oo lagu qabtay qeybtiisii hore xarunta ganacsiga ee Dubai (Dubai Chamber of Commerce) ayaa lagu soo bandhigay heerka ganacsi ee Indonseia maanta hiigsatay gaar ahaan dhinacyada, bankiyada, technology, beeraha, Motoorada iyo dhamaan adegyada wax soo saarka. Soomaaliya oo ka mid ah waddamada la ganacsada Indonesiya, balse ganacsigu u maro waddanka Imaaraadka (re-export) ayaa ahayd dowladda qur ah ee lagu casumay bandhigaas.

Galabnimadii ayaa Wasiirka Ganacsiga ee Indooniisiya casumaad gaar ah u fidisay wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, shirkaas gaarka ah ayaa lagu qabtay Hoteelka Sheraton Dubai. Wasiirka Ganacsiga Indooniisiya, Marwo Mari Elka Pangestu ayaa sheegtay muhiimadda ay leedahay Ganacsiga labada dal oo imminka lagu qiyaaso $7.8 million Doolar iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Mudane A/rashid ayaa warbixin kooban ka siiyey wefdiga Indooniisiya xaaladda dalku ku sugan yahay dhinacyada amaanka, dib u heshiisiinta iyo barnaamujyada dhaqaalaha iyo Ganacsiga. Wasiirka ayaa sheegay in Soomaalidu tahay dad xirfad badan oo aad ugu xeel dheer dhinaca ganacsiga muddo boqolaal sano ahna la lahaa xiriir ganacsi waddamada bariga fog (Far Eastern markets). Wasiirka ayaa u sheegay in gancsatda Soomaalidu ay wataan baasabooro kala duwan, kadib dhibkii Soomaaliya ku habsaday 20kii sano ee la soo dhaafay, sidaas awgeed in aysan jirin qoraalo waafi ah oo qeexaya baaxadda ganacsi ee Soomaalida ayna ka ganacsadaan dhamaan waddamada geeska Afrika. Wasiirku wuxuu codsaday:

- In laga taageero dhinaca khibradda gancsatada Soomaaliyeed
- In tababaro loo furo shaqaalaha wasaaradda ganacsiga ee Soomaaliya
Waxaa kaloo loo gudbiyey waddanka Indonesia si qoraal ah, ganacsiga Soomaliyeed ee diyaarka u ah maal gashiga, kolka nabaddu isa soo tarto.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya ee Waddanka Imaaraadka Ahmed Mohamed Cigaal, Safiirka Soomaaliya ee Indonesia Mohamud Olow Barow, Ku xigeenka arrimaha dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Baarlamanka Mudane Sacid Cali Shire, Xafiiska Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dubai, Madaxa Xafiiska Ganacsiga Soomaaliya ee Imaaraadka (Commercial Attache) iyo xubno ka kala socday ganacsatada Soomaaliyeed ee waddanka Imaaraadka.

Ugu dambeyn, waxaa la magacaabay guddi farsamo oo ka soo shaqeeya sidii loo soo wadi lahaa iskaashiga labada dal iyo is dhafsiga akhbaaraha. Wassirka ganacsiga Indoniisiya ayaa ku casuntay wasiirka Soomaaliya bandhig ganacsi ee lagu qaban doono waddanka Indooniisiya bisha Ocotober ee sanadkan.
--
Ministry of Commerce
2nd Floor, Jirdeh Building
Maka Al Mukarama Street
Mogadishu, Somalia
e-m: sommin.commerce@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS