SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxaa Sababay Dib U Dhaca Xagga Waxbarashada Ee G/Gedo?


Gobalka Gedo ee Wadanka Somalia waxaa la sheegaa in uu yahay Gobalka 2aad ee ugu weyn 18ka gobal ee Somalia ,waxaana uu leeyahay kheyraad fara badan oo uu eebe Ku Maneystay ,
Hadaba Gobalkaas ayaa waxaa Tan iyo Burbruki Dawladdi Dhaxe ee Wadanka Somalia Hoos u dhac uu ku yimid Xagga Waxbarashada Haba u darnaadeen waxi Ka danbeeyay 1996 ,

Waxaa Inta U dhaxeysay Burburki Dawladdi somalia ee kacaanka aheyd Sanaddii 1991 -1996 xoogaa isku dayay in waxbarashada gobalka aaney dhiman Hay’ado Kaashanayay Nidmaayadii Markaa Ka Ariminayay Magaalooyinka Qaar ee Goblka Gedo ,

Waxaa uu burbur ku yimid Gebi ahaanba iskuuladii dawladda ,waxaa qaar Deegaan ka dhigtay Qoysas Waayay Meel ay dagaan Amaba U arkay in aanan Laga xigin Maadaama aanu Jirin Nidaam dawli ah oo yac Ka Yiraahdo,

Waxaa iyana Meesha ka maqan Firfircoonadi ama dadaalki Looga baahnaa Dadka Gobalka Ee Jaaniska U helay in arintaan ay wax ka qabtaan ,waxaadna moodaa Dhamaan Jaaliyadaha Ku Nool Dibadda ee Ka soo jeeda Gobalkan in aanu haynba Dhibkan Haya Ubadka Koray iyo kuwa soo karaya eeKu Nool Gedo ee aanu Codkooda gaareeyn Meel fog Si ay ugu Sheegaan Cidda wax ka qaban karta in ay u fidiyaan Gurmad Ah Dayactirka Dugsiayada Hoose Dhexe Iyo sare Iyo waliba Dib U furida Goobaha wax lagu barto gebi ahaanba

waxadna Ka aqrisineysaa wajiyadooda In ay leeyihiin Amaba Ku Hadaaqayaan “CIDINA NOOMA MAQNA CEELNA NOOMA QODNA , REER GEDO MIYAANEY EEGEYN HORUMARKA XAGGA WAX BARASHADA, CAAFIMAADKA,BILICDA IYO DHAMAAN ADEEGGI GUUD EE BULSHO EE AY GAAREYN QAAR KA MIDA GOBALADA DALKA TUSAALE AHAAN PUNTLAND IYO SOMALILAND” erayadan Maahan kuwa la sameeyay ee waa waxa dhabta ah ee ku jira Maskaxda Dadka reer Gedo Ee U baahan in ay helaan Waxbarasho,Dayactirka iskuulada aanan u baahneyn Dhisme ee u Baahan Kaliya “DAYACTIR IYO QALABEYN BAS/ BAS/ BAS’.

Waxaa iyana Mahad lama ilaawaan ah leh Ururada isku dayaya bal in wax uun ay ka qabtaan Baahida wax barasho ee Gedo Sida HIRDA,IQRA,SDF IWM Mahad naq Ka sokow Ilaahey unbaa ka awaal marin Karo wax ay hayaan Ku dayasho ayayna Muteysteen
Tusaale Degmada luuq ee Gedo ayaa waxaa ku yaalo iskuuladi dawladda dhistay oo iyaga U baahan Kaliya Wax xoogaa Dayac tir ah iyo Kuraas ,Miisas, waxaana intaa qaban kara 10 ruux oo reer gedo ah Ilaaheyna Siiyay awooda ah in ay wax u taraanin Dadkooda waa hadii ay dhab inaga tahay in aan hururmarino daboolnana Baahida wax barasho ee Gobalka Guud ahaan,
Will Be Continue

La Soco qaybta 2aad
W/D:Hassan Ismacil”HassanNuur”
Xnuur11@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS