SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxwayanayha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo Amar ku bxiyey In Ciidamada PIS ay ka Guraan Xaafada Laanta Hawada Ee magaalada Bosaso.

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa Faray Ciidamada PISta inay ka Guraan Aagii ay ka deganayeen Magaalada Bosaso Ee Xarunta Gobolka Bari ka Gadaal Markii ay soo bexeen Warar badan oo dhanka Amaanka xaafadaasi iyo Xaafado kale oo ku Xeeran ah.

Madaxwaynaha Maamulka Faroole ayaa ciidamada Amaanka PISta Amar ku siiyey Inay u guraan Xaafada biya kulule ee ku taala dhinaca Bari ee Magaalada Bosaso halkaasi oo ay todobaadkan gudihiisa ula Wareegayaan Xafiisyadooda.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha waxaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu soo saaray wareegtadan ka dib markii uu dhegaystay natiijada baaritaan ay sameeyeen guddi wasiiro ah oo loo saaray inay baaraan wixii dhaliyay mudaaharaadyadii ka dhacay magaaladan Boosaaso.

Wareegtada madaxweynaha ayaa ku amartay PIS inay xafiiskeeda isugu wareejiso xarunta ay ku leedahay xaafadda Biyo Kulule ee ku dhow madaxtooyada.

Arintan ayaa sidoo kale Waxa ay Meesha ka saraysaa Khilafaad dhowaan la sheegay inuu u dhexeeyey Maamulka PISta iyo Madaxwaynaha Mamulka Puntland kaasi oo ahaa in ay Ciidamada PStu Cudur daar ka muujiyeen inay hoosyimadaan Wasaarada Amniga ee Puntland ,Lakiin Iminka talaabadaasi maaha mid ka dhex muuqata Ciidamada PISta iyo Maamulka marka la Fiiriyo habka amarka uga soo baxay Xukuumada ay ugu hogaansamayaan.

Maxamed Axmed Ciise
geedi7@hotmail.com
Bosaaso-Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS