SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ref GDH&MBH142                                                        

Date: 04/04/2009

Ujeeddo: Warsaxaafadeed. 

Xarunta Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye
 

Xarunta Golaha dhaqanka iyo Midnimada hawiye waxaa maanta soo gaaray Gudoomiyaha Golaha Maxamed Xasan Xaad iyo Afhayeenka dhaqanka oo ka soo laabtay casuumaad ay ka heleen Markaska Cilmi barista, wadatashiga Aljaziira ee dalka Qadar, halkaas oo ay kula kulmeen Dowlada Qadar iyo Culimada Islaamka oo uu horkacayo Gudoomiyaha Culimada Caalamka Sheekh Yuusuf Al qardaawi taariikhdiu markii ay ahayd (10/03/2009. 

Xarunta Golaha oo soo wada xaadireen Xubnaha Golaha oo dhan ayay labada masuul war bixin dheer ka sii yeen Golaha War bixintaas oo si weyn uga muuqatay dana waaweyn uu muhiim ah iyo guulo ay soo hooyeen. 

Sido kale Masuuliyiintaasi waxay socdaal ku soo mareen Dalka Kenya, halkaas oo ay kula kulmeen Safaaradaha dalalka Yurub Ameerika iyo dhamaan safaaraha halkaas ku sugan iyo Hay'adaha Caalamiga ah sida UN-ka markii ay casuumad ka heleen, waxayna kada hadleen dib u heshiisiinta iyo Ciidamada Dalka jooga, waxay kaloo la kulmeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Kenya , kuwaas oo u soo jeediyay Golaha dhaqanka Hawiye boogaadin ku aadan wax qabad kooda kuna dhiiri galiyay sidii wax qabad kooda u dar dar galin lahaayeen howlaha horyaala. 

Shirkaas ay maanta yeesheen Golaha waxaa ka soo baxay go'aanadaas soo socda:- 

  1. in Goluhu gogol nabadeed iyo wadatashi ugu yeero Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan mujaahidiinta soo wada halgantay.
  2. In Umadda Somaaliyeed isku tanasulaan si loo xaqiijiyo Madax banaanida dalka, Dadka, iyo diinta.
  3. Golaha wuxuu u arkaa cidii is hortaagta qodobadaan in ay diidan tahay Nabada iyo wadahadalka, taas oo sababi karta inuu dalka gacanta ka baxo
  4. Wuxuu golaha ka codsanayaa cid kasta oo nabada wax gasha in ay u dhaga nuglaadaan soo jeedinta golaha.

    Wabilaahi Towfiiq 
    Your browser may not support display of this image. 
    Maxamed Xasan Xaad 
    Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo midnimada Hawiye

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS