SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maamulaha Shirkada Samcana ee Maamul Goboleedka Puntland oo ka Hadlay Marakiib ay soo qabteen Ciidamda ilaalada Xeebaha Puntland Ee Shirkadaasi iyo Wasiirka Kalluumaysiga oo sidoo kale ka hadlay maraakiibtaas..

  • Shir jaraa'id Maamulaha Sirkada Ilaada Xeebaha Puntland Cabdiwali Cali Taar: Dhagayso ama soo rogo
     
  • Warbixintii Waziirka kaluumaysiga iyo qayraadka badda Puntland Maxamed Saalax Aadan: Dhagayso ama soo rogo

Iyadoo ay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Ee Shirkada Samancana ay gacanta ku soo dhigeen 2 Markab oo laga leeyahay giriiga iyo Wadan kale kuwaasi oo ahaa Jiriif layaal ka kaluumaysanayey Xeebaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxa arintaasi ka hadlay oo shirjaarid qabatay Madaxa Shirkada Samcana Mr Cabdi Weli Cali taar isagoo sheegay Inay Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Shirkada Samcan ay ku taagan yihiin wado sharciyeysan isla markaasin xaq u leeyihiin inay Gacanta ku soo dhigaan Markiibtan oo ruqsad ay ka haysteen Xeebaha Maamul Goboleedka Puntland uu waqtigii uga dhamaaday.

C/weli Cali taar oo shirjaaid ku qabtay Hoteel Muna Ee Magaalada Bosaso ayaa saxaafa u sheegay inay Ciidamada Shirkadiisa ee Samcana ay yihiin ciidamada keliya ee ka shaqaya Xeebaha Maamulka Puntland ku waasi oo dagaal ku dhex maray xeebaha PL mudadii ugu dameysey 2 markab oo lugu hayo Xeebta Dekeda Magaalada Bosaso Ee Xarunta Gobolka G/Bari.


C/wali cali Taar



Cabdi weli cali taar waxaa uu sheegay Inay Dowlada Puntland jireen hadalo dhexmaray isaga iyo shirkadan ka dib markii ay dagaal isku qadeen Ciidamada Samcana iyo Kooxa Jiriiflayaasha ah ee Markiibta ku dhex watey Xeebaha Puntland.

Madaxa shirkada Samcana C/weli cali taar waxaa uu shirkiisan Jaraaid ku sheegay inay Wasaarada Amnigu ku amartay inuu hubkiisa u Gudbiyo Lakiin uu ka diiday Madaama shirkadu ay tahay iyo Hubkuba kuwo ay si gaara u leedahay Shirkadaasi oo ah Mid uu leeyahay cabdi Cali taar Lakiin Ciidamada ay leedahay Xukuumada PL.

Madaxa Shirkada Samcana waxa uu sheegay inay Dowlada lafteedu kalsooni aaney ka haysan qaabkii ay kula shaqayn lahayd Shirada taas oo ay kula kala afkaar duwan yihiin Wasiirka Amniga PL iyo Kan Dekeduhu.

Maxamed Axmed <geedi7@hotmail.com>

OGEYSIIS: Wasiirka Waxbarashada DGPL oo reer MPLS la hadlaya.. Goorma/Xaggee

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS