SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAR SAXAAFADEED

Mudane Idiris Cabdi Biirshe oo loo doortay Gudoomiyaha Udub ee gobolka Minnesota-USA


Maanta oo sabti ah,taariikhduna ay tahay 4tii April 2009 ayaa shir aan caadi ahayn oo ay iskugu yimaadeen dhamaan gudiga fulinta ee xisbi qarameedka Udub, laantiisa Minnesota ay si aan kala hadh lahayn ugu codeeyeen,uguna doorteen Mudane Idiris Cabdi Biirshe in uu noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Udub, laantiisa Minnesota, mudo hal sano ah oo ka bilaabanta manta.



Mr. Idiris Cabdi Biirshe oo ah nin dhalinyaro ah, ayaa kamid ah dadka tirada yar ee aan marnaba shaki ka gelin in uu xisbiga Udub yahay jawaabta saxda ah ee ay Somaliland u baahan tahay. Mr. Idiris oo tan iyo maalintii la aasaasay xisbiga Udub ka mid ahaa taageerayaasha mar kasta ku jira safka hore ee kobcinta iyo hore u marinta xisbiga Udub, ayaa maanta isla goobtaas lagu gudoonsiiyay shahaadad sharaf ay si gaar ah ugu soo diyaariyeen gudiga fulinta ee Udub Minnesota iyo Gudoomiyaha Udub USA,mudane Yusuf Budle.

Waxa goobtaas hadalo isugu jira amaan, dhiiri gelin iyo talooyinba kasoo jeediyay qaar ka mid ah aqoonyahanada ugu waaweyn jaaliyadda Somaliland ee gobolkan Minnesota, isla markaana ah taageerayaasha salka u ah xisbiga Udub laantiisa Maraykanka. Aqoonyahanii goobtaas ka hadlay waxaa kamid ahaa Prof.Ibraahim Aye oo si gaar ah uga hadlay kaalinta ay da’yarta aqoonyahanada ahi kaga beegnaan karaan wax u tarka dalkeenii. Waxa kale oo uu Professor-ku sheegay in laga fogaado aflagaadada iyo cayda beryahan ay caanka kunoqdeen qaar kamid ah dadka u hadla xisbiyada qaar,waxana uu Prof. Ibrahim yidhi “ waa in aynu ogaanaa Udub kahor in aynu nahay Somalilanders,taas oo macnaheedu uu yahay in aynu xisbi ahaan iska ilaalino yool-yooltanka cayda ah, waxtarkana aan u lahayn dalkeenii iyo dadkeenii. Waa in aynu si asluubaysan, ixtiraamna ka muuqdo u sharixi karnaa mawqifka iyo ajendaha xisbigeena iyo waxa aynu umadeena ugu talo galnay. Waxa muhiim ah in aynu dadka reer Somaliland isku soo dhaweyno ee aynaa kala fogayn, ayuu yidhi Professor-ku.



Waxa kale oo isaguna meeshaas ka hadlay Mr. Cabdi-Aar Cabdi oo kamid ah gudiga fulinta ee Udub-Minnesota, waxana hadaladiisii kamid ahaa: Sida meeshan aynu fadhino aan ka aragno xisbiga Udub waa xisbi qaran oo dhab ah, waxana tusaale u ah aniga oo kasoo jeeda Sool, saaxiibkay Maxamed Alabari oo reer Boorame ah, Xasan Yoonis oo halkaa iga soo horjeeda oo reer Dumbuluq (Hargeysa ah) iyo Adeer Abshir oo reer Oodweyne ah ayaa goobtan kaga wada hadlayna danta xisbiga iyo tan Somaliland, halka qaar sheegta xisbiyo qaran inta ay isugu yimaadaan afar nin oo ilmaadeer ah ay yidhaahdaan xisbi ayaanu metalaynaa. Mr. Cabdi-Aar waxa uu ku adkeeyay dhamaanba xubnaha gudiga fulinta iyo maamulka sare ee Udub-USA in ay halkaas kasii wadaan dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta sharafta iyo karaamada xisbiga Udub iyo weliba tan Somaliland-ba.

Ugu dambayntii waxa qalinka lagu duugay shahaadadii magacaabidda oo ay ku saxeexmeen dhamaanba laba iyo tobanka xubnood ee gudiga fulinta Udub-Minnesota oo si buuxda ugu codeeyay Mudane Idiris Cabdi Biirshe in uu yahay gudoomiha xisbiga Udub, laantiisa Minnesota mudo hal sano ah.

Allaa Mahad leh.

Maxamed Shiine
Gudiga Fulinta Udub-Minnesota
udubparty@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS