SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gabar Soomaaliyeed oo da'yar oo u baahan Caawinaad Degdeg ah...

Fadlan la caawi Maaxaay in Gabadhaan lagu qaado 24 hours guduhooda.

Hooyada dhashay gabadhaasi xanuunsaneysa ee Safiya Max’uud Iimaan ayaa sheegtay in buradaa gabadheeda lagu arkay labo sano ka hor iyada oo marba marba ka dambeysa ka sii weynaanaysay waxayna hada joogtaa meel laga anaxo , buradaan ayaa lagu sheegay in ay xanuun badan ku heyso sida neefta caadiga ah oo dhibeysa, hurdo la’aan iyo weliba qadashada cuntada oo dhib ku ah .

Safiya Max’uud Iimaan “Waxaan ka mid nahay qoysaska saboolka ah ee degan deegaanka Ceelasha biyaha waxaana ka barakacnay labo sano ka hor Xamar oo aanu guri ku laheyn, gabadheyda aabaheed oo la oran jiray marxuum Daahir Maxamed waxaa xaafada Cali kamiin ku dilay ciidamada Ethiopa mar uu gurigeena oo halkaasi ku yaala nooga doonay alaabo aanu uga baahneyn waxaan u geeyey gabadheyda agoonta dhaqaatiir badan hase aahaatee waxay ii sheegeen in qaliin dibeda ah mooyee aan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin” ayey tiri Safiya Max’uud Iimaan oo ah hooyada dhashay gabadhaasi xanuunsaneysa ka codsatay guud ahaan umadaha islaamka gaar ahaan shacabka Somaliyed sida ganacsatada, shirkadaha, qurba joogta, iyo cid kasta oo awood u leh iney gacan ku siiyaan sidii gabadheeda agoonta ah loogu heli lahaa isbitaal dhinaca dibeda ah.

Muuse Maxmauud Jiisow ayaa waxaa u suurta gashay in uu wareysi qaas ah la yeesho Abdi Muuse Maaxaay oo jooga Magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota wuxuuna u dhacay wareysigii sidaan "Waxaana rabey inaan kala hadlo xaalada gabar Soomaliyeed ee aad u dhibaataysan.



Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareysa xaalada caafimaad ee Fahiima Daahir Axmed oo ah gabar Somaliyeed oo afar sano jir ah ka dib markii buro aad u weyn ay kaga soo baxday feeraha iyo daanka bidix (sida sawirka ka muuqata) taasoo illaa iminka ay la il daran tahay. oo cunaha kaga soo baxdey buro aad u wayn.

Sida aad ogtihiin waxuu Maaxaay caawinaayey caruur iyo dad badan oo Soomaliyeed oo qabo xanuuno aad iyo aad u daran oo wadanka wax looga qaban karin.

Waxaa uu Maaxaay hore ugu qaadey caruurt iyo dad aad u tiro badan magaalooyinka, Hargaysa, Boosaaso, Garoowe, Gaalkacyo, Baladwayne, Kismaayo, Jamaame, Baydhabo, Mogadishu, Afgooye iyo meelo kale.

Marka shaqada uu qabanaayo waxay ku salaysan tahay caawinaad iyo sadaqada ay bixiyaan dad Soomaliyeed oo garta inay caawiyaan qofkaaan oo kale oo ah qof aan waxba haysan.

Maaxaay waxuu ii sheegay inuu raadinaayo dhaqaale lagu qaadi lahaa gabadhaan, balse hadii ay dhaaqaale ay ku baxdo aan helo biritoole oo maantaba kama harteen diyaarada soo baxayso.
Marka walaalyaal waxaan idiinka codsanayaa inaad Maaxaay wax lala qabto sidii uu badbaadin lahaa dadkaan Somaliyeed ee dhibaataysan

Fadlan la xariir hadii aad doonaysid inaad la gurmidid gabadhaan yar iyo dadka kale ee dhibaatasan la xariir

Caabiyo Ciise
612-298-1044
Minneapolis Minnesota
Caasha Hussein
612 481-4623
Cabdi Muuse Maaxaay
Ama maaxaay@gmail.com 


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS