SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Arday ka Qalin Jabisay Machadka Caafimaadka ee Al-Abaadir

Sawirada Halkan ka daawo....

Dufcaddii 36-aad ee dhinaca caafimaadka Machadka Al-Abaadir ayaa ka qalinjabisay machadkaasi, waxaana xaflad ku aadan qalinjabintaasi ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qaybgalay Ardayda, Macalimiinta iyo Waalidiinta, waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay maamulaha machadkaasi Al-Abaadir oo isagu deegaanka Ceelasha Biyaha Guuleed Nuur Xaayow waxa uuna sheegay in dufcaddaani tahay dufcaddii 36-aad ee ka qalinjabisay machadkaasi, isago sheegay inay ka koobnaayeen 60 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal., waxa uuna sheegay in ardaydaani ay mudo lix bilood ah baranayeen qaybaha caafimaadka, waxa uuna sheegay in ardaydaan mararka qaarkood Pratic loo geeyn jiray isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ahaa xubnihi lagu martiqaaday xafladdaasi ayaa u mahadceliyey intii isku soo dubariday, waxa uuna sheegay in caafimaadku yahay waxyaabaha ugu muhiim ee la barto, isago u soo jeediyey ardaydii ka qalinjabisay machaddaasi in waxbarashadooda halkaaska sii wadaan ilaa iyo heer Jaamaceed.

“Maanta waxaa dalka Soomaaliya aad ugu yar dhakhaatiirta, waxaana sabab u ah amaandarida, marka waxaan idiin soo jeedinayaa in geesinimo iyo karti ku dhameysataan waxbarashadiina” ayuu yiri Amiin Yuusuf Khasaaro oo u soo jeediyey ka qaybgalayaashii xafladdaas in ay gacan siiyaan walaalahooda dhibaateysan ee la ildaran cudurada kala duwan.

Waxaa sidoo kale xafladdaas ka hadlay qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii oo iyana halkaasi ku soo bandhigay hadalo guubaabin xambaarsan, sidoo kale waxaa ka hadlay ardaydii shahaada lagu gudoonsiinayay oo iyana xusay sida ay uga faa’iideysteen mudadii lixda bilood ahayd ee wax baranayeen, waxaa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay Ruwaayad loogu magic-daray (Aqoon la’aan waa Iftiin La’aan) oo ay ka dhex muuqdeen Marshaale iyo Ilka-Case.

Ugu danbeyntii, waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydii ka qalinjabisay machadka caafimaadka ee Al-Abaadir.

Sawirada Halkan ka daawo....


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS