SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Isimada Puntland oo heshiis buuxa ka soo saaray Coladii ku dhacday Degaanka Ufayn iyo Wisiirkii hore ee Ganacsiga Maamulka Puntland oo tageero baqaasi ku aadan Saxafada u sheegay.

Wasiirkii Hore ee Wasaarada Ganacsiga Maamulka Puntland oo baaq ka soo saaray tageero ah heshiiskii ay Isimada Iyo Culimada Gobolka Bari ku dhex dhexaadiyeen beelihii dhowaan diritu ku dhexmatay Degmada Ufayn ee Gobolka Bari,Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga C/samad Yusuf Abwaan waxa uu Xusay Inay tahay arin laga Xumaado arintii dagaalka sababtay Lakiin Iminka ay tahay Mid ilahay Mahadiisa Madaama Dadka walaalaha ee isku degaanka haybta ah ay isla qateen heshiis buuxa.

Dhinaca kale Waxaa Arbacadii (APril 1, 2009) Aqalka Guriga Gobolka Ee Magaalada Bosaso Xarunta G/Bari ka dhacay kulan Xasaasi ah oo ay ka soo qayb galeen isimada ugu Waawayn beelaha Degaanka iyo Qaar ka Mida Laamaha Amaanka Xukuumada Puntland oo ugu Horeeyo Wasiirka Aniga isla markaasina wakiil u ahaa Wasiirka Arrimaah Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Kulankan ayaa waxaa uu ahaa Mid aan loo shaacin Saxaafada Guud ahaanba Lakiin markii uu soo dhamaday ayaa waxaa Xafiiska Magaalada Bosaso ee Aqalka Gobolka kula hadlay Weriyaasha Gudoomiyaha Gobolka Bari All-Xaaji Muuse Gelle yusuf Faroole oo u sheegay in kulankani uu ahaa Mid ku soo dhamaday Heshiis buuxa lugu dhameyey Dagaalkii dhowaan ka dhacay Degmada Ufayn iyo agagarkeeda ee beelaha Jaarka ah ay isku Maan dhefeen Meelo Jagooyin ah.

Isimada Maamulka Puntland oo ay ka mid yihiin Ugaas Xasan,Suldaan Siciid ,Beeldaaje Faarax ayaa ugu duceeyey Dadwaynaha Reer Puntland in ilaahay nabadgelyo iyo Xasilooni siiyo iyadoo kula dardaarmeen Isimadu in marwalba ay ka taliyaan Wanaaga waayo dadku waa dad walaalo ah isla markaasina waxwalba wadaaga.

Maxamed Axmed Ciise
geedi7@hotmail.com
Bosaaso-Puntland satate

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS