SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafadeed uu soo saaray Kuxigeenka Warfaafinta ARS

Ku xigeenka Xoghayaha Warfaafinta ARS Maxamed Xaashi ayaa Arbacadii ku sheegay warsaxaafadeed soo saaray.

War uu manta soo saaray kuxigeenga isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxa uu uga hadlay waxyaaba badan kaas oo ay ka mid ahayd .

Waxa uu sheegay marka koowaad inaysan ayagu ogayn meel dowlad ka jirto walina ay halgankay shalay wadeen ay wadaan kaas oo sida uu ku sheegay aan wali dhamaan, waxyaabahii kale oo ka hadlay waxaa kamid ahaa hadala dacaayad ah ooy soo qoreen websityada Soomaalida qaar , dad badana lahaayeen in gudoomiyaha Isbahaysiga Sheekh Xasan Daahir uu ku biiriyo kooxda shariifka ama uu wadaha la furayo amaba uu kula kulmay dalka Suudaan waxaan cadaynaynaa inaysan waxaas waxba ka jirin gudoomiyahana Joogitaanka uu hada joogo dalka suudaan howlo shaqo ayuu u joogaa hadana markay shaqadiisa u dhamaato uu aadi doono meelahii kale oo u qorshaysnaa.

Marka labaad waxaan u cadaynaynaa umada Soomaaliyeed inay soo baxayn waxyaabo badan oo kamid ah waxii aan horay uga dignay kuwaas oo ka mid ah.

1-Ciidamada ugaandhayska , burundiga iyo kuwa kale oo soo socdaba waxaa u cad maanta ummada sidii aysheegeen in la soo badiyo maahee inaysan baxayn.

2-Shareecadii ahayd in laga dhaqan galiyo wadanka oo ayana meesha laga saaray oo ay marnaba doonayn kooxda shariifka inay dhaqan galiyaan.

Waxaan u cadaynaynaa dhamaan umada Soomaaliyeed inay indhaha kala furan oo arkaan waxay wadaan kooxdaan halka ay u moodayaan mujaahadiinta inay nabada diidan yihiin.

Waxa uu yiri asoo sii wata hadalkiisa waxaad ogtahiin dhamaan Gobolada Koonfureed ay ka taliyaan mujaahadiinta waxaa laysku dhaqaa shareecada Islaamka dhamaana ummada Soomaaliyeed waa ku qanacsan tahay kuna faa’iideen maxay u diidan yihiin kooxdaan inay shareecada ka dhaqan galiyaan xaafadaha ay Muqdisho ka taliyaan.

Ugu danbayntii waxaan u sheegaynaa dhamaan ummada Soomaliyeed inaan aysan waxyaabaha dacaayadka ah oo la fidinayo qaadan ayna arkaan cida dhibka wada oo u diidan wadankeena nabada iyo horumarka oo mar walba ka baxaysa balanta ay la galaan dadka.

Xaafiiska Warfaafinta ARS.

01/04/09

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS