SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Barack Obama oo Ku Guulaystey Doorashadii Tartanka Isreeb-reebka Madaxtinimada ee Gobolka South Carolina....

  • Barack Obama oo Guushii Labaad ka soo hooyey Tartanka Isreeb-reebka Madaxtinimada Maraykanka....

Doorashii isreeb reebka [Primary] xisbiga dimoqraadiga ee tartanka madaxweyna-nimada Maraykanka ee [Sabti Jan 26, 2008] kacday gobolka South Carolina waxaa guul weyn raacday Barack Obama.

Codbixintii Gobolka South Carolina, Barack Obama waxa uu helay codadka ugu badan oo ah boqolkiiba 55%. Halka Hillary Clinton oo gashay kaalinta labaad ay heshay 27%. Kaalinta saddexaadna uu galay John Edward oo helay 18%.

Doorashooyinkii isreeb-reebka ahaa ee ilaa hadda ay soo galeen xisbiga Dimoqraadigum, oo loo tartamayo tirada waftiga ee la helayo, waxay saddexda musharax kala haystaan:

  • Barack Obama: 63
  • Hillary Clinton: 48
  • John Edward: 26

Dhinaca Xisbiga Republicanka saddexda musharax ee ugu horeeya isreeb-reebka, waftiga ay haystaan waa:

  • Romney: 67
  • McCain: 38
  • Huckabee: 26

Tartanka ugu ballaaran waxa uu dhici doonaa maalinta loo yaqaan "Super Tuesday" oo ah Feb 5 taas oo laga codeeyo gobollo badan oo Maraykanka ah.. Si aad wax badan uga ogaatid meelaha lagu codaynayo maalinta "Super Tuesday" iyo qaabka Doorashada Maraykanka Akhri halkan...

Dawo: Khudbaddii Guusha ee Obama ka jeejiyey South Carolina


Daawo TV-yada Maraykanka saadaashoodii Guusha Obama

Akhri website  Barack Obama


Barack Obama oo Guushii ugu horeysey ka soo hooyey Tartanka Isreeb-reebka Madaxtinimada Maraykanka....


Barack Obama
  • SomaliTalk.com | USA | Jan 4, 2008

Doorashii ugu horeysey ee isreeb reebka [caucus] ee tartanka madaxweyna-nimada Maraykanka ee caawa [Khamiis Jan 3, 2008] kacday Iowa waxaa dhanka xisbiga dimoqraadiga ay guushii raacday Barack Obama, halka dhanka xisbiga Republicanka ay raacday Mike Huckabee.

Tirintii codadka ee ugu horeysey ee dhanka xisbiga Dimoqraadiga waxay muujisay in Barack Obama uu ka guuleysey musharaxiintii kale oo ay kamid yihiin Hillary Clinton iyo John Edward.

Tartarnkan ayaa waxaa uu yahay mid musharaxiintu ay ku doonayaan in ay helaan taagerada xisbiga si loogu xusho musharaxii xisbiga u matali lahaa doorashada guud ee madaxweynaha.

Arrinta cajaa'ibka ahayd, sida ay muujiyeen dadka siyaasadda odorosa, waxay hayd guusha uu Obama ka gaarey Gobolka Iowa, maadaama dadka gobolkaasi deggani ay yihiin dad caddaan ah (93.9%), gobolkaas oo ay aad iyo aad ugu yar yihiin dadka madow (2.1%). Obama waa ninka keliya ee madowga ah ee sannadkan 2008 u tartamaya in uu noqdo madaxweynihii ugu horeeyey Maraykanka ee madaw ah.

Obama tirintii ugu horeysey ee codadkii reer Iowa ee u codeynayey xisbiga Dimoqraadiga waxa uu helay 38%, halka John Edward ka haystey 30%,  Hillary Clinton ay haysatey 29%.

Hal-kudhegga Barack Obama waa "Isbedel aan rumaysan karro".


Sawirka: ABC

Shaashadaha telefishanada Maraykanka ayaa fiidkii Khamiistii hal mar soo saaray guusha Obama oo far waaweyn ku qoran tahay, tii oo lagu muujiyey khariidada gobolka Iowa ee ku guulaystey.

Tallaabada xigta ee doorashada Maraykanka waa in sida Iowa oo kale ay musharaxiintu u raadiyaan taageerada gobolada kale ee lagu qaban doono doorashada xulashada musharaxiinta, gobolka kusoo xigana waa New Hampshire ilaa marka ugu dambaysa xisbiyadu ay soo xushaan mid kasta hal musharax oo uga qayb gaeli doona doorashada guud ee ay shacabka Maraykanku dooran doonaa madaxweynaha.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com