SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Barack Obama oo Ku Guulaystey Tartankii Gobolka Mississippi....

Doorashii isreeb reebka [Primary] ee tartanka madaxweyna-nimada Maraykanka ee [Talaada, Maarso 11, 2008] ka dhacday Gobolka Mississippi ee xisbiga dimoqraadiga waxaa guushii raacday Barack Obama oo ay tartan kula jirto Hillary Clinton.

Tirada ugu horreysa ee ka soo baxday cod bixintii Gobolka Mississippi waxay mareysey in boqolkiiba 61% uu helay Obama iyo 37% Clinton. Waxaa markaas la tiriyey

Gobolka Mississippi waxaa xisbiga Dimoqraadigu ku loolamayeen 33-wafti, taas oo musharaxa ku guulaystey gobolkaas (Obama) uu heli doono tirada badan wufuudda gobolkaas.

Dadka madowga Maraykanka ee gobolka Mississippi ku nool waxaa lagu qiyaasaa in ay tirada dadka gobolkaas ka yihiin boqolkiiba 36%, kuwaaas oo 91% ay u codeeyeen Obama, halka 9% ay u codeeyeen Clinton.

Tartanka xiga ee indhaha aadka loogu hayo waxa uu ka dhici doonaa Gobolka Pennsylvania, April 22 , waxaana loo tartamayaa 158 wafti ah.


isha sawirka: http://barackobama.com/



Barack Obama

March 8, 2008: Barack Obama oo Guul Kale ka soo Hooyey Tartanka Isreeb-reebka Madaxtinimada Maraykanka...

  • Barack Obama oo ku guulaystey tartankii Gobolka Wyoming ....

Doorashii isreeb reebka [caucus] ee tartanka madaxweyna-nimada Maraykanka ee [Sabti, Maarso 8, 2008] ka dhacday Gobolka Wyoming ee xisbiga dimoqraadiga waxaa guushii raacday Barack Obama oo ay tartan kula jirto Hillary Clinton.

Wararka ugu horreeyey ee ka soo baxay tirinta codbixintii Sabtidii ee Gobolka Wyoming ayaa tibaaxay in uu Obama helay boqolkiiba 59%, halka ay Clinton ka heshay 40%. [CNN waxa uu tiradaas ka dhigay in Obama helay 61%, halka Clinton ay heshay 38%.]

Sidaas daraadeed waxa uu Obama gobolkaas ka helayaa 7 wafti, halka Clinton ka heshay 4. Tartankii ilaa hadda la soo maray waxaa ku horeeya Obama oo haysta ilaa  1,578 wafti, halka Clinton ka haysato 1,468, sida ay sheegtay hay'adda wararka ee AP. Waxaana loo tartamayaa musharaxii hela 2,025 wafti in uu noqonayo musharaxa u taagan xisbiga Dimoqraadiga ee ka qayb geli doo doorshada guud ee November 2008.

Tartanka xiga waa maalinta Talaadada Maarso 11, waana  gobolka Mississippi.

Gobolladii uu hore ugu guulaystey Obama - eeg sawirka hoose qaybat buluugga tikhda ah:


Isha sawirka: http://origin.barackobama.com/resultscenter/

:::DOORASHADA USA-2008:::
usa
Macluumaad ku saabsan Doorashada USA 2008 iyo shirarka hore ee axzaabta (Caucuses)

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 8, 2008

Sawir Barack Obama oo Ku Lebisan Dharka Soomaalida oo Muran Weyn ka dhilyey Siyaasadda tartanka Madaxweynanimada Maraykanka....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com