SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharaxa Madaxweyne Goboleedka Puntland Prof. Muxiyadiin Cali Yuusuf oo soo gaarey Caasimada dalka Jabuuti

Musharaxa Madaxweyne Goboleedka Puntland Prof. Muxiyadiin Cali Yuusuf oo soo gaarey Caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana in mudo ah ku hawlanaa tartanka uu ugu jiro qabashada xilka Madaxweyne Goboleedka Puntland ayaa munaasabada ku aadan ciidul fidriga Hambalyo u direy Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waxaa uuna yiri

“waxaan u hambalyeeynayaa Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxaana ilaahay uga baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaarsiiyo nabad, bash bash iyo barwaaqo”

Prof. Muxiyadiin Cali Yuusuf waxaa kale oo Hambalyo taa la mid ah u direy “ shacabka reer puntland inta ku nool dal iyo dibadba, waxaana sanadkaan sanadkiisa ilaahay ugu baryayaa, inay nabad ku gaaraan, Ramadaankuna ilaahay ka aqbalo, waxaana ilaahay ka baryayaa in Burcad badeeda uu ilaahay idiinka qabto”.

Mar aan weydiiyey Prof. Muxiyadiin ujeedada safarkiisa ayaa waxaa uu ku sheegey “ujeedada safarkeygu waa booqasho aan ku marayo wadamada deriska la ah Soomaaliya, si aan ugu kuurgalo xaalada siyaasadeed, dhaqaalo, bulsho, waxbarasho, caafimaad iyo amaanba sidii aan wax u waxda qabsan lahayn” ayuu hadalkiisa ku soo koobey Prof. Muxiyadiin Cali Yuusuf.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com ,+253624079 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 30, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS