SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Nin Loo Dilay Haweenay Uu Guursaday

Dilka ninkaasi rayidka ah oo xalay (Axad Sept 28, 2008) lagu dhaxdilay bartamaha Degmada baardheere ayaa ka dhashay ka dib markii nin ay is-heysteen uu Toorey la beegsaday isagoo kaga dhuftay xabadka kadibna uu u dhintay dhaawac soogaaray .

Ninkaasi rayidka ah ayaa la sheegay in xiliga la dilayay uu ka soo baxay gurigiisa xili uu soo afuray iyadoo ninka dilayay uu ku sugayay ardaaga hore ee gurigiisa waxaana dad gooobjoogayaal ah ay sheegeen in ninkaasi Toorey uu caloosha kaga beegsaday kaas oo uu calosha Dibada Kaga soo dhigay islamarkii dilkaasi uu geystayna uu baxsaday .

Dilkaasi oo argagax ku abuuray dadka ku dhaqan Deegaanka ayaa la sheegay in dadkii goobtaasi joogay ay ninkaasi kula soocarareen goob caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay ka hor inta uusan u dhimanin dhaawacyadii soo gaaray .

Dadka Qaraabada ah oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in dilka Ninkaasi uu ku qotomay nin ay muran kala dhaxeeyeen kadib markii haweeney ay ninkaasi isku qabsadeen sida la sheegayna Haweyneydaasi ay u dhaxday ninka Dilka Geystay deedna uu guursaday ninkaasi kadib markii ay kalatageen .

Falkaasi amaan daro ayaan waxba laga qabanin ayadoo aanan weli la soo qabanin Ninkii dilkaasi geystay oo baxsaday lamana oga goobta uu u cararay mana jirto cid isku howshay sooqabashada ninkaasi.

Falalka dilalka ah iyo dhacdooyinka kala duban ee ka dhaca qeybo kala duban ee deegaano ka tirsan gobolka gedo ayaa yimada kadib amaan daro iyo weliba cid police- ah oo waxkaqaneyso ayan jirin waxaana jirtay dhacdo taas la mid ah in dil toogasho ah uu u geystay in horay nag ay isugu heysteen taas oo sababtay in halkaas uu ku dhinto ninkii lagu heystay gabar uu guursaday taasi oo ka dhalatay shaki balaaran oo dadka soowajahday .

Max’ed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO
Email: gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 29, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS