SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hay'adda Development Concern Oo Qalab Aqal Soomaali Ah U Qeybisay Qoyas Degan Xuduuda Soomaaliya Iyo Kenya.

 

 

 

Hay’ada Development Concern ayaa agab isugu jira aqal soomaali  u qeybisay qoysas ku barakacay gudaha G/GEDO kuwaasi oo ay tiradooda gaarayso 100 qoys.

 

 Maxaxmed Aadan Waraabe  oo ah guddoomiyaha Degaanka Faafaxdhuun oo u waramayay warbaahin ayaa sheegay in kaalmo ka kooban aqalo la siiyay qoysaskaasi soo barakacay.waxaana uu tilmaamay in 45 musqulood la qoday,iyadoo sidoo kale la taabgeliyay ilaa 5 ceel gacmeed.

 

Tuulooyinka Cowsqurun,Daarisalaam iyo Geriley ayaa sidoo kale kamid ah goobaha ay hay'aasi ka fulisay howlahaasi, taasoo ay ka faa'iidaysteen qoysas lamid ah.

 

Aqal soomaaliyadaasi oo qoys waliba oo halkaasi ku nool la siiyay hal aqal ayaa waxaa ay wax weyn ka tari doonaan nololasha qoysaskaasi maadaama aysan haysan wax ay ka galaan qoraxda abaareed.

 

Hay'adda Development Concern oo ah NGO ka howlgala dalkaasi kenya iyo weliba degaanada xuduudaha gudaha Soomaali ayaa waxa uu gacan ka gaystaa wax ka qabashada dhibaatooyinka bila'aadmino iyo howlaha horumarinta reer miyiga.

 

Maxamed Gaarane Aadan

 

Baardheere/GEDO


Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 28, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS