SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARSAXAAFADEED KU SABSAN XASUUQA AY CIIDAMADA SHISHEEYE KA KA GAYSANAYAAN MAGALADA MUQDISHO.

Isbahaysiga dibu xoreynta Soomaaliya waxa uu si kulul u cambaareynayaa Duqeynta xoogga leh ee ay ciidamada AMISOM ka geysanayeen Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay gaar ahaan xasuuqii aadka u foosha xumaa ee ay geysteen 27.09.2008.

Ciidamada AMISOM oo aan looga baran fal nuucaan ah oo si bareer ah loogu xasuuqayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa maalmahaan danbe waxay caado ka dhigteen in si cad ay taangiyadooda inta ay meel banaan ah keenaan ku garaacaan suuqa weyn ee Bakaaraha iyo xaafadaha u dhodhow si ay ugu xasuuqaan dadka rayidka ah islamarkaana u burburiyaan hantida shacabka.
Falkii ugu danbeeya uguna xumaa waxa uu dhacay maanta waxaana ciidamada AMISOM Gaar Ahaan kuwa Uganda ay madaafiicda culculus ku garaaceen Suuqqa Bakaaraha waxaana halkaa ku nafwaayay in kabadan 20 ruux halka dhaawucuna uu 40 ka sii badan yahay hanti xoog lehna ay waxyeello ka soo gaartay madaafiicda ku soo dhacday awgeed.

Isbahaysiga Dib U Xoreynta Somalia waxa uu ugu Baaqayaa Ciidamada AMISOM in ay joojiyaan beegsiga ay dadka rayidka ah sida tooska ah ugu xasuuqayaan islamarkaana ay ku ekaadaan shaqada ay sheegeen in ay ka hayaan Somalia.

Sidoo kale isbahaysigu wuxuu ugu baaqayaa walaalaha sheegay in iyagu ay xireen Airaport-ka Muqdisho in ay Go,aankaas ka laabtaan iyaga oo eegaya danaha dadweynaha.

Waxaan sidoo kale ugu yeeraynaa Beesha Caalamka ee waayahaan danbe isku howlaysa howlaha nabadeynta Somalia Gaar ahaan Q.M Midowga Afrika,Jaamacadda Carabta,OIC, EU,iyo dalalka kale ee daneeya Arimaha Somalia in ay ku cadaadiyaan ciidama AMISOM in ay joojiyaan xasuuqqa iyo danbiyada sida cad ay ugu geysanayanaan dadka Soomaaliyeed ee aan lugta ku lahayn Dagaalada Islamarkaana ay kula xisaabtamaan Saraakiishooda falalkaas Cadawtooyo ee ay u geysanayaan dadka dhibanayaasha ah.

Ciidamada AMISOM ayaa Todobaadkii U danbeeyay waxa ay noqonaysaa tirada dadka ku nafwaayay Xasuuqqa ay geysanayaan ilaa 100 qof in ka badan dhaawucuna waxa uu gaarayaa ilaa 250 qof oo dhamaantood ah rayid waxaana madaafiicda ay ku garaacayaan xaafadaha iyo Suuqa Bakaaraha ay sababeen in maalmihii u Danbeeyay ay Kumanaan Qoys ka barakacaan Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta ARS jabuuti
Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 28, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS