SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isbitaalka Guud Ee Deg.Baardheere Oo La Iska Illoobay
(Daawo Sawirada Burburka Isbitaalka)

Burburkan iyo daryeel la’aantan soo foodsaartay isbitaalka guud ee Deg.Baardheere ayaa timid kaddib markii uusan isbitaalku shaqeynin tan iyo markii ay isaga baxday hay’addii gacanta ku haysay muddo ka badan 10 sanno.taasoo sababtay in ay meesha ka baxaan daryeelkii iyo fayadhawrkii isbitaalka



Isbitaalka oo uu gacanta ku hayo hal nin oo si gaar ah u xanaanaya ayaa waxaa ka muuqanaya burbur iyadoo uu cowsku ku baxay . waxaana markii aad dhexmaraysid aad dareymaysaa cidlo ,taasoo kugu dhalinaysa sidii meel laga guuray.

Inkastoo ay taasi jirto ayaa waxaa qeyb yar oo kamid ah isbitaalkaasi degan ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo daryeel caafimaad u fidisa hooyada iyo dhalaanka iyo bukaan socodka. Waxaana dadka halkaasi iska daaweeya u badan dadka saboolka ah ee ka yimaada xaafadda iyo tuuulooyin dhaw dhaw.



Cabdi Sh Ismaaciil oo ah nin aan goobtaasi kula kulmay ayaa igu hoggaamiyay dhawr meelood oo markaasi ay ka muuqanaysay xanaano la’aan.waxaana mid kamid ah qololka aan galay aan ku arkay qaar kamid ah saqafyada jiingadda oo kacay.

Wallow ay taasi igu reebtay dareen ah sidii in aan joogo duur ayaa waxaa taasi sare u qaaday markii aan arkay dameero dhexmeeraysanaya halkii ay dadku buuxin jireen.aniga oo in dhahayga ay mayracanayaan dhinacyada ayaa waxaa na dhexmartay sheekan.

Wariye Gaarane: Maxaad uga shaqayn wayseen sidii nadaafadda loo hagaajin lahaa?

Cabdi Sh Ismaaciil: Runtii ma jirto cid ka naxayso isbitaalkaan , dadkuna uma qabaan in ay leeyihiin. Aniga unbaa xaaqxaaqa mararka qaarna xittaa habeenkii aan nadiifiyaa si aysan dadku ii arag.

Wariye Gaarane: Maxaa hortaagan in uu isbitaalku shaqeeyo?

Cabdi Sh Ismaaciil: anigu eeda waxa aan saari lahaa ganacsatadda farmashiyayaasha ,kuwaas ayaa un hortaagan waxa ay sameeyaan markii la damco in la furo ayay maleeshiyo soo hubeeyaan deedna gaalada ayay kala cayrinyaan.

Isku soo wada duuduuboo kaba darana haddii uu qof dhaawacmo ayaa waxaa suurtagal ah in uu u dhinto dhiigbax,taasoo walwal badan ku abuurta dad farabadan.ugu dambayn maamulka,odayaasha,aqoonyahanadda iyo xubnaha iminka jooga isbitaalkaasi ayaa xaqiijiyay in Isbitaalka uu u furanyahay Hay’add kasta oo ay ku wareejinayaan .

Waxaa isku soo dubariday

Maxamed Gaarane Aadan
Gaarane68@hotmail.com
Baardheere/GEDO

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 27, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS