SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baaq muhiim ah oo ku socda Jaaliyadaha gobolada Awdal iyo Salal u dhashay.

Maamulaha shirkada Isgaarsiinta TELESOM ahna Guddoomiyaha Ururka dhismaha waddooyinka gobolada Awdal iyo Salal Mudane C/qaadir Aadan Nuur, waxuu ugu baaqay Jaaliyadaha kala duwan ee Somaliland gaar ahaan kuwa u dhashay gobolada Awdal iyo Salal inay ka faa'iideystaan jaaniskaan muhiimka ah, isla markaana u gargaaraan ummadooda dhibaatooyinka kala duwan iminka ay heystaan.

Cabdiqaadir waxuu sheegay in la guda galay 10-dame ee bisha barakeysan ee RAMADAAN isla markaana ay tahay xiligii ALLE SW uu amray in la bixiyo Sakaatul Fidriga, looguna baahan yahay dadka Alle wax u dhiibay inay siiyaan kuwa ka hoose meel walba oo ay ku nool yihiin.

"Jaaliyadaha walaalaheyga ah ee Awdal iyo Salal u dhashay waxaan ugu baaqayaa inay Sakaatul Fidriga siiyaan bulshada gudaha dalka ku dhaqan gaar ahaan goboladaan, iyagoo usoo marinaya dadka ay yaqaaniin ee gudaha ku sugan si loogu dhiibo dadka u baahan ee aadka u dhibaateysan" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Aadan Nuur.

Maamulaha waxuu sheegay in loogu baahan yahay Jaaliyadaha inay is-gacan qabtaan oo ay wax taraan walaalahooda gudaha goboladaan ku dhibaateysan, waxuuna sheegay inay usii dheertahay dadka gudaha goboladaan ku dhaqan Maciishad barar xoogan oo aad ugu sarakaceen qiimaha maciishadaha kala duwan la siiyo.

Waxuu rajeeyay in hadalkiisa dad badan ay rumeyn doonaan isla markaana ugu faa'iideyn doonaan Sakaatul Fidriga walaalahooda gudaha goboladaan Awdal iyo Salal ku dhaqan, waxuuna Alle ugu baryaya dadweynaha goboladaan inuu horumar gaarsiiyo.

Hadalka Maamulaha Telesom Sheekh C/qaadir Aadan Nuur ayaa kusoo beegmaya xili la guda galay bisha Barakeysan ee Ramadaan qeybaheeda ugu dambeeya isla markaana ay jiraan dadweyne badan oo ku dhibaateysan gudaha gobolada Awdal iyo Salal kuwaasoo xiligaan u baahan gacan ay usoo fidiyaan walaalahooda ka dhaqaalo wanaagsan.

Ridwaan Axmed Muxumed

Borama - Somaliland

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 27, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS