SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON

BANAANBAX BALAARAN OO KA DHACAY KASOO HORJEEDKA SAFARADA UGANDHA EE LONDON. 

Sawirada Mudaharaadak ka daawo Halkan....

Banaanbaxayaal aad u caraysan ayaa isskugu soo baxay kazoo horjeedka safaarada Uganda ku leedahay magaalada London. Banaanbaxayaashaan uu aad ugu qaylinayey areyo ay ka mid ahaayeen “Ugandan troops out of Somalia now, Yuberi Musaveni you are child killer. Committed crime against humanity” Ciidamada Yugandha kabaxa Soomaaliya hada, Yubeeri Musafeeni oo ah madaxwaynaha Uganda oo banaanbaxayaashu ugu waceen dilaayga caruurta, kuna adeeyene in uu galay dambi kasoo horjeeda bina aadamnimada.  

Waxaa wareyso kala duwan layeeshay banaanbaxayaashaas inta badan idaacadaha Afka Soomaaliga ku hadla intooda ugu waa wayn sida BBC, VOA, iyo kuwa Idaacadaha gudaha Soomaaliya. Ciimada ugandha ee Soomaaliya jooga ayaa xasuuq aad uwayn ka geestay Magaalada Mugadishu maalin mihii lasoo dhaafay, kuwaas oo taageerayey maliishiyaadka TFG da iyo Ethiopia oo horay xasuuq balaaran uga geestay koofurta Soomaaliya. Dadka soo qabgalay banaanbaxaan ayaa waxaa mid ahaa Abdisalam Guled ( Daljir) Pro Gure iyo Maxamud Tarsan. 

Ciidamada Ugandha ayaa ku dilay in ka badan 145 ruux 6 maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Mogadishu dadkaas oo intooda badanu ahaayeen dumar iyo caruur isku deyey in ay ugu diyaar garooban maalmaha ciida ee nagu soo fool leh. Dadka degan magaalada magadishu ayaa horay ugu eedeeyey ciidamada Ugandha in ay kaalin buuxda ka qaataan xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed. Banaanbaxayaashaan ayaa isku balan saday in ay sii wadi doonaan muda haraadyada inta ciidamada shisheeye ka mabaxayaan dalka Soomaaliya.  

Waxaa kaloo ay banana baxayaashu ku qaylinayeen “Qaramadii midoobey Mareykan nimadii Ethiopiannimo miyey ku darsadeen” sababtoo ah Qaramada midoobey marnaba kama hadlin jariimada iyo xasuuqa ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa soo tebiyey: guled008@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 27, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS