SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Captan Birighi Buhuuku : Ma Jiraan waxyeelo Aan U Gaysanay Dadka Sahacabka ah Ee Waxaanu Iska Difaacaney Kooxaha Nasoo Weeraray

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in weeraradii xiriirka ahaa ee lagu soo qaaday habeenadii ugu dambeeyey laga soo weeraray deegaanada ay kamidka yihiin dayniile ,afrikaan village ,suuqa bakaaraha iyo deegaanka KM-13 oo dhamaantood ka tirsan magaalada muqdisho iyo duleedkeeda .

Buhuuku oo shalayto saxaafada la hadlayey ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalka sheegaya inay gaysteen xasuuq baahsan oo ay u gaysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada muqdisho isagoo carabka ku dhuftay inay is difaacayeen waa siduu hadalka u dhigaye .

Afhayeenka AMISOM oo ay saxaafadu weydiisay su,aalo ku aadan barakaca ay gaysteen ciidamadiisu iyo weliba dhimashada iyo dhaawaca kasoo gaaray Duqayntii ay gaysanayeen ciidamada dalka Ugaandha ayaa ku macneeyey inay ka jawaabayeen oo keliya madaafiic kaga imaanayey kuwa soo weeraray laakiin aysan dad shacab ah waxyeelo u gaysan waa siduu sheegaye .

Hadalka kasoo yeeray afhayeenka Ciidamada nabada ilaalinta AMISOM ayaa kusoo beegmay Xili ay sadexdii maalmood oo xiriir ah ay soconayeen iska Hor imaadyo kuwaasoo laysku weydaarsanayey madsaafiic waxyeelo u gaysatay dad rayid ah oo aan waxba galabsan islamrkaana ay ku nafwaayeen in ka badan 65-qof halka ay dhaawacyo kala duwami kasoo gaareen 115-qof oo isugu jira haween caruur ,dad da, ah iyo kuwo kale .

Barakacii Ugu Balaadhnaa Ee Mudooyin Bilo ah Aan Ka Dhicin Muqdisho Oo Ka Soconaya Magaalada Muqdisho Kaasoo ay Keeneen Dagaalo Iyo Duqaymo Ka Dhacay.

Barakacii ugu balaadhnaa tan iyo intii mudo bilooyin ah ayaa ka dhacay magaalada muqdisho kadib markii ay dagaalo iyo duqayn xoogani ka dhacday meelo ka tirsan magaalada muqdisho taasoo dad shacab ah oo aad u fara badani u barakaceen duleedka magaalada muqdisho.

Dagaaladan oo ay iskaga Hor yimaadeen Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo Xoogaga diidan joogitaankooda ayaa ka dhashay bayaan ay soo saareen kooxda al-shabaab oo ay ku sheegeen inuu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho kaasoo ay gaashaanka u daruureen saraakiisha garoonka ee dowlada FKMG ah islamrkaana ay soo caga dhigatay waqti yar kadib bayaanka diyaarad la sheegay in lahaayeen ciidamada AMISOM ee dalka yugaandha taasoo loogu gaystay duqayn islamarkaana ciidamada AMISOM ay jawaab celis kusoo jawaabeen hubka Cul culus oo ay la beegsanayeen goobaha ay kamidka yihiin suuqa bakaaraha ,howl-wadaag, xaafada taleex ee degmada Hodan iyo meelo kale .

Sidoo kale duqayntan oo ay ka dhasheen dhimashada dad badan oo rayid ah ayaa waxaa ku nafwaayey inta la og yahay 65-qof halka dhaawacana lagu sheegay 115-qof waxaana si baaxad leh uga barakacay guryahoodii qoysas aad u badan iyagoo sii xoojiyey dadkii hore uga barakacay dagaalada ka jira magaalada muqdisho ee ku sugan deegaanada u dhexeeya caasimada muqdisho iyo afgooye .

Dhinaca kale dadka ka barakacay maalmihii ugu dambeeyey magaalada muqdishgo ayaa qaarkood ku dan daraysan duleedka muqdisho iyagoo aan haysan gabaad ay ka galaan qoraxda iyo dhaxanta taasoo ay usii dheer tahay gaajada macaluusha oo qaarkood aysan haysan haba yaraatee hanti ay ku noolaadaan.

Maaha markii ugu Horaysay ee ay dad ka barakacaan magaalada muqdisho iyagoo ka cararaya dagaalada ka soconaya magaalada muqdisho si ay naftooda ula taacaalaan taasoo kal hore ay ka barakaceen magaalada muqdisho in ka badan 500.000 oo qoys oo qaarkood iminka ku Hoydaan Guryo ka samaysan baco iyo jawaano oo aan celinayn dhibicda roobka islamarkaana ay ku biireen kuwii iminka ka barakacay oo ay usii dheer tahay iyagoon weli la qabsan nolosha ka jirtaa halkaasi .

Yaasiin Maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 26, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS