SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Koonfurta Afrika: Madaxweyne cusub, wasiiro cusub, iyo afayeen baarlamaan oo cusub, jawi cusub, laakiin lix billood ku eg.

Aqalka baarlamaanka koonfurta Afrika ayaa maanta u doortey madaxweynaha cusub ee dalka Kgalema Motlanthe, oo ahaa madaxweyne ku xigeenka African National Congress (ANC) , waxaa la magacaabay gole wasiiro, madaxweyne ku xigeen, iyo gudoomiye baarlamaan cusub, arrimaha waa kuwa is biirsaday oo wada cusub, laakiin waxay ku egyihiin lix billood.


Dhaartii madaxweynaha

Kullan aan caadi ahayn oo uu yeeshey baaralamaanka dalka, kadib markii uu jagadii ka dagay Madaxweynihii hore Thabo Mbeki oo ay soo wajaheen eedeymo ku saabsan in uu dabada ka riixey dacwad musuq ah oo loo heystey madaxweynaha xisbiga, Zuma,. Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku doortey Kgalema Motlanlanthe (dhawaaqa magaca waa= Khaliima Mutlante afsoomaali ahaan), Motlanthe wuxuu heley 269 cod, halka Joe Saramane oo u sharaxnaa xisbiga mucaaradka ee DA uu heley 50 cod oo kaliya, waxaa halaabay 41 cod, natiijada waxaa ku dhawaaqay xeer illaaliyaha qaranka Peus Langa oo isagu shir gudoon ka ahaa fadhiga baarlamaanka.

Wax yar kadib markii lagu dhawaaqay natiijada ayuu hadal uu Motlanthe jeediyey waxa uu ku balanqaaday in uu wax weyn ka qaban doono arrimaha laga doonayo, mas’uuliyadiisana kasoo bixi doono.


ZUMA IYO MOTLANTHE OO GALAYA BAARLAMAANKA


Wax yar kadib waxaa lagu dhaariyey hoolka shirarka ee qasriga madaxweynaha oo aqalka baarlamaanka dhabarka ku haya, meesha lagu magacaabo Tuff hays, dhaarinta kadib ayuu madaxweyne ku xigeen u magacaabay Bleka Mbete oo aheyd gudoomiyaha baaralamaanka, iyo golihiisa wasiirada oo uu soo celshay rag shalay illaa doraad is casilay oo ka mid ahaa xukuumadii Mbeki, waxaa ka mid ah wasiirka maaliyada oo indhaha oo dhan ay ku jeedeen maadaa xil ka tagistiisa ay keeni lahayd dhaqaalaha dalka oo burbura, Trevor Manual waa uu aqbalay in dib loo magacaabo.

Golaha wasiirada waxaa ku jirey magacyo cusub, iyo kuwa hore oo laakiin qaarkood wasaaradaha la’isu weeydaariyey, qaarkoodna ay kuwii hore sii hayaan, waxaa kaloo jirtey in wasiiro baddan ay xilka iska casileen, xittaa ka tageen kursigii ay baarlamaanka ku lahaayeen, waxaa ka mid ah raga sidaasi yeeley Terror Lekota oo ahaa wasiirka gaashiin dhiga iyo kuwa kale.

Waxaa la magacaabay 29 wasiir, iyo 19 wasiir ku xigeen.

LINKIGA HOOSE HOOSE KA AKHRISO DIIWAANKA MAGACYADA WASIIRADA.
http://www.iol.co.za/index.php

Haweenyeda loo magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Bleke Mbete waxay aheyd gudoomiyihii baarlamaanka, sidaasi darteed waa la badalay oo waxaa la doortey gudoomiye cusub oo baarlamaanka ah.

Dalka oo ah kan leh dhaqaalaha ugu xooga baddan ee qaarada, ayaa wajahaya qalalaase siyaasedeed, oo ka dhaxeeya xisbiga talada haya dhexdiisa, laakiin ninkani iminka la doortey ayaa loo arkaa in uu yahay nin uu xisbiga dhamaantii ku qanacsanyihiin, waxaa lagu sifeeyaa in uu yahay nin degen, wax dhagaysta, aysan jirrin wax fadeexad ah oo heysata.

Wuxuu ka mid ahaa raggii soo halgamay, 10 sanno ayuu ku xirnaa jasiirada Robben Island ee Mandelana uu ku xirnaan jirrey, xisbiga ANC wuxuu kasoo qabtay labbo jaggo oo kala ah Xoghayaha guud iyo madaxweyne ku xigeenka oo uu hadda yahay.

Xilkiisa wuxuu ku ekaan doonaa tan iyo inta la qabanayo doorashada guud sanadka soo socda bisha Juun.

Cabdinaasir saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 26, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS