SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faalo siyaasadeedka Maanta iyo rajada muuqata ..!

In kastoo maanta aynu joogno Somaaliya guud ahaan, gaar ahaan konfurta soomaaliya ay noloshu aad ugu adag tahay malaayiin soomaali ah. Iyado oo sidaas ah ayaa hadan shacabkan waxaa u dheer nabadgalyo daro, daryeel xumo xaga caafimaadka ah iyo waliba rajo xumo ay ka qabaan in dib noloshooda ay u soo fiicnaato. Dariiqa kaliya oo ay is lee yihiin dhibanayaashaan waa ku bad baadi kartaan waa ayaga oo ka haajira wadanka, taasoo iyana qatarteeda leh, maxaa yeelay waxaa mar kasta telefeshinada ka daawanaa ama jaraaidka ka aqrinaa tahriibayaal soomaaliyeed oo ku haligmay doomo haddii ay ahaan lahay tan yaman ama tan Liibiya. In kastoo ay saas tahay oo rajo xumidaa la qabo hadana waxa waayadaan soo baxayay hadalo rajo xambaarsan mar marka qaarkood lays dhihi karo waxaa bilowday fursad layskula hadli karo oo horseedi karta rajo wanaagsan oo lagu gaari karo heshiis dhab ah una dhexeeya mucaaradka iyo dowlada meel gaarka ah.

Fursada jabuuti

Dib u heshiisiinta laga wado jabuuti, waa fursad run ahaantii aad khaali u ah oo haddii si dhab ah looga faaŽiidaysto oo dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya ay badankood ku heshiiyaan, waxaa suurtowda in heshiiskaas ama is fahamkaas soomaalida dhexdeeda ah uu shacabka soomaaliyeed u horseedi karo mustaqbal wanaagsan iyo horumar xag walba ah. Inkastoo ay jiraan caqabado hortaagan wadahadalada jabuuti, caqabadahaas oo ay ugu waa weyn yihiin kala fakir duwanaashaha mucaaradka iyo Dowlada federaalka oo iyadana is qabqabsigeeda uu joogto noqday, hadana marka dhinaca kale laga fiiriyo heshiiska waa mid taageero wayn ka haysta United Nationka, Europian Uninon, Afrikan Union, Arab league iyo wadama badan oo xiiseeya arimaha Soomaaliya.

Mucaaradka iyo wadahadalada Jabuuti

Mucaaradka waxaa u dhaxeeya kala fakir duwanaasho aad u wayn xaga siyaasada ah, ugu horeynba markii ay soo if baxday in wadahadalo laga dhex furayo dowlada meel gaarka ah iyo mucaaradka ayaa waxaa isla markiiba la dareemayay kala shaki iyo kala fikir duwanaasho markii dambana qasabtay in mucaaradkii kuwooda ku midaysnaa isbahaysiga xoriyad u dirirka oo fadhigooduna ahaa Asmara ay u kala guuraan Asmara iyo jabuuti, walow inta badan mucaaradka ay jabuuti ku sugan yihiin hadan waxa muuqanaysaa in tafaraaruq uu jiro. Mucaaradka kale waxaa ka mid ah kooxda Alshabaab ayaga waxay fkirkooda ku aadan wadahal lala galo qolada ku meel gaarka iyo Ithiopia horay ugu sii qadimeen kooxda Asmara, ayagoo ku andacooday innaan dagaal mooyee wado kale u furnayn maanta.

Dowlada iyo wadahadalada Jabuuti

Dowlada waxa ay u muuqataa mid ka go'an in ay ka guul keento wadahadalada jabuuti. Inkastoo shaki badan laga muujinayo sida ay ku hergalin karaan qodobada lagu heshiiyo mar haddii madaxda dowlada is qab qabsigooda laga wada dharagsan yahay ayaga qudhooda lagu soo heshiisiiyay Ethopia. Mucaaradka xitaa waa kala mid arinta is qabqabsiga oo iyagana waa ay ku adkaan doontaa in ay hergaliyaan heshiiska ay gaaraan.

Dhaqan galinta heshiiska

Wadahalada shirka jabuuti sidee bay mire dhal ku noqonayaan?, side buu heshiisku ku dhaqan galayaa? waaba haddii la heshiiyo. Waa adag tahay in la saadaaliyo cabir ku haboona laga bixiyo heshiis aan la gaarin dhaqangalka iyo qiimaha uu yeelanayo. Balse haddii aan u fiirsano xaaladaha hada jira iyo meelaha la kala taagan yahay, aragtidooda siyaasadeed waxaa inoo soo bixi kara sawir aan ka qiyaas qaadan karno si aan u cabirno xaalada mustaqbalka dhow.

Tusaale ahaan haddii aan ka bilowno mucaaradka waa kala qaybsan yahay wuxuuna u kala qaybsan yahay jabuuti, Asmara, Al shabaab iyo qolo kale oo cusub oo laga war helay uun markii ay wadaadadu qabsadeen magaalada Kismaayo. Mucaaradka Jabuuti waa kuwa horboodaya wadahadalada jabuuti waana kuwa kaliya ee ilaa hada international communityga ay u aqoon san yihiin mucaarad jira maxaa yeelay ayaga waxa ay heshiis horu dhac kal hore magaalada Jabuuti kula saxiisdeen Dowlada ku meel gaarka ah. Ayaga way ku adkaan doontaaa saadaashayda in ay dhaqan galiyaan heshiiskii ay dowlada meel gaarka ah la galaan, maxaa yeelay meel u gooni ah oo ay qolada Jabuuti ka taliyaan ma jirto. Sidaas oo ay tahay hadana waxaa hubaal ah in ay taageerayaal farabadan ku lee yihiin guud ahaan soomaaliya gaar ahaan caasimada iyo gobolada ku dhaw dhaw. Marka taa micnaheedu wuxuu yahay dowlada iyo qayb ka mid ah mucaaradka oo heshiis gaaray.

Ismail Mohamud Shire

shireusa@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 26, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS