Fahanka Islaamka: Quraanka iyo NabaddaWaxaynu sii
sogootinaynaa bisha barakaysan ee Ramadaan, oo can ku ah inay tahay
bishii la soo dajiyay Quraanka xikmadda badan, oo ah hagaha qofka
muslimka ah dunidan aynu joogno. Muslimiinta dhamaan meel walba oo ay
joogaan waxay badiyaan bishan Ramadaan la noolaashaha Quranka iyaga oo
isku daya inay uga faa’idaan siyaabo kala duwan, laga bilaabo ku
caabudid Ilaah akhrintiisa illaa laga gaaro ka raadin xalka dhibaatada
haysato.
Hadaba akhrintaydii Quraanka bisha Ramadaan ayaa waxaa isoo jiitay
mawduuc aan isleeyahay waa baahida koobaad ee umadda Soomaaliyeed
xilliga aynu joogno, isla markaana ay haboontahay in lawadaago doodiisa.
Taa oo ah Quraanka sida uu u hogatusaaleyay dowrka ay nabadda ku
leedahay nolosha iyo Quraanka isku xirka layaabka leh ee ku sameeyay
nabadda iyo Iimaanka, waxaa intaa sii dheer in habeenka Quraanka soo
dagay Ilaah (sw) ku tilamaamay habeen nabad galyo leh..
Hadaba qoraalkan waxaan ku qaadaadhigi doonaa siyaabaha kala duwan ee
ayadaha Quraanka inoo dareensiinayaan in amaanka iyo Iimaanku ay u
yahiin labo aanan kala harin, in Quraanka goobta ugu barakaysan dunida
(Makka) ay noqotay tilmaanta ugu wayn ee uu Quraanka huwiyay inay tahay
goob nabdoon, in Ilaah (sw) u yaboohay dadka rumeeya in nabadi ku
naaloon doonaan iyo tan ugu danbaysa oo ah in meesha loo socdo oo ah
Aakhiro erayada dadka nasiibka u yeesha Jannada lagu soo dhawaynayo ay
ugu harooyso “Ku soo dhawaada nabad galyo”.
- Ilaah (SW) waxuu ka waramayaa dood dhexmartay nabi Ibrahim (CS)
iyo gaaladii uu la noolaa kadib markii ay ugu hanjabeen inay talaabo
ka qaadayaan. Ibraahiim wuu xujeeyay gaaladii oo waxuu ku yiri: “
Keebaa labadeena mudan nabad iyo amaan1? Ma kuwa Ilaah inay
rumeeyaan diiday ayaa halis iyo amaan daro qarka u saaran ama kuwa
Iimaanka leh?. Ilaah (sw) waaxuu ku yiri “Kuwa Xaqqa rumeeya een ku
dheehin iimaankooda gaalnimo kuwaas ayaa mudan nabad galyo2”. Hadaba
waxaa ku cad labada aayad in Ilaah (sw) uu sheegay in nabad galyada
iyo Iimaanka ay yahiin lamaano, waxayna nabad galyada tahay astaanta
dadka muminiinta ah. Sidoo kale ayadda 55aad ee Suuradda Al-nuur
Ilaah (sw) waxuu u balan qaadayaa dadka isaga rumeeya in cabsida ka
dulqaadayo oo uu dhaxalsiinayo nabad galyo.
- Ilaah (sw) waxuu ku tilmaamay goobta dunida ugu barakaysan
(Kacbada) inay tahay goob nabdoon, 3waxuuna yiri “ Xasuuso markaan
ka yeelnay guriga (Kacbada) meel dadku ku kulmaan oo nabad galyo
ah”. Nabi Ibraahiim (cs) oo dhisay Kacbada, Ilaah waxa uu ka baryay,
in Makka ka dhigo goob nabdoon, sababtu waxay tahay Ibrahim waxuu
ogaa in nabaddu tahay udub-dhaxaadka nolosha.
- Ilaah (sw) waxuu tusaale u soo qaatay mar uu ka waramayay
magaalo ku talaabsatay horumar iyo barwaaqo, waxuu sabab uga dhigay
in magaaladu nabad iyo kala danbayni ka jirtay. 4 Ilaah waxuu yiri “
Eebe waxuu tusaale u soo qaatay magaalo ku jirtay nabad oo xasilooni
iyo nolol barwaaqo ah oo uga timaado meelwalba oo dunida kamid
ah……”. Waxaanu ayadan ka dheehan karnaa in amnigu yahay bilaawga
nolol qiimo leh.
- Jannada waa meesha uu higsanayo qofka muminka ah ee mudan in loo
tartamo, Ilaah waxuu amray dadka isaga rumeeyay inay u tartamaan
hoygaa wanaagsan “ U tartama danbi dhaaf Ilaah iyo Janno balarkeedu
dhanyahay ciraraka iyo dulka, waxaa loo diyaariyay dadka Ilaah ka
baqa”5 hadaba hoygaa maamuuska leh Ilaah dadka nasiibka u yeesha
ereyada lagu soo dhaweynayo looguna bishaaraynayo waxay yahiin “ku
soo dhawaada nabad galyo iyo amaan6”.
Dhamaan ayadaha Quraanka xikmadda badan ee aanu kor kusoo xusnay iyo
kuwo kale oo badan waxay si toos ah isugu xirayaan amaanka iyo Iimaanka,
oo micnaha waxa uu noqonayaa umadda hadii ay Iimaan dhab ah leedahay
Ilaah ma bado xaalad amaan daro sababtoo ah; amaan darida waxaa ku
baraara waxwalba oo caro galiya Ilaah (sw), oo uu ugu horeeyo dhiig
Muslim oo la daadiyo, hantidiisa iyo sharaftiisa oo la banaysto iyo ugu
danbayn inay dhacdo in cibaadaadka Ilaah la gudan waayo, sida xaaladda
hada ka jirto Soomaaliya, oo masaajidii laga caagay cabsi darteed.
Amaanka ama amaan daridu waxay qaabaysaa umadda diinteed, fikirkeeda,
nolasheeda iyo natiijada maalinta danbe ay ka heli doonaan xisaabka
Ilaah. Waxaa laga yaabaa inaad la kulanto dad oronaya Diintii ayaa
baraartay intii ay dowlad la’aanta jirtay, dhaqaalahii ayaa kobcay,
waxbarashadii ayaa tanaaday, dhulkii ayaa dhismay, ilbaxnimo ayaa la
gaaray. Su’aasha la waydiinayo waxay noqonaysaa; Haddaba aaway diinta
baraartay soo tan astaanta dadka muminiinta lagu garto oo ah nabad
kuwada noolaasho nalaga la’yahay? aaway dhaqaalaha kobcay, soo tan
Soomaalida dunida kaalinta ugu hooseeyso kaga jirto, aaway dhulka
dhismay, ma qabuuraha aad moodo goobtii lagu halaagay reer caad? aaway
ilbaxnimada, ma taleefoonka gacanka geelayda ay wadato ayaa ilbaxnimo
ah? aaway waxbarashada tanaaday, ma umadda la dhalan rogay ee waxwalba
oo aduunka umad jiritaankeed dhiba lagu talaalay ubadkeedii mustaqbalka
ayaa waxbarasho ah?. Hadii ay noqoto inaanba ku raacno waxaa oo dhan
inay jiraan, maxay uga sii dareeysaa xaaladda umadda, oo maalinba ay ugu
loogantahay cadaw hor leh.
Waxay ila’tahay jawaabtu inay tahay in xaalada taagan uu sabab u
yahay caqliga iyo dhaqanka fadqalalaha ku dhisan, loona baahanyahay mid
ka gudba caqliyadaa, oo la yimaado odoros iyo talaabooyin nabadayn iyo
wada noolaasho, taa oo loo marayo in qof’walba uu naftiisa ku ababiyo
inuu dareensiiyo nabadda inay tahay nolsoha oo dhan, sida Ilaah-ba (sw)
uga faalooday Quraankiisa, taana ay ina gaarsiin karto in umaddu
idilkeed dareento nabad kuwada noolaashaha inuu yahay wax lagu
khasbanyahay mar hadii la doonayo in magaalo lagu sii noolaado,
ilbaxnimana waxaa lagu gartaa sida umadda ugu bisishahay wada
noolaashaha ee laguma garto dabaqyo dhaadheer ama qalab, luqad, dhaqan
aad soo dhoofsato.
C/raxiim C. Shaafici
e-mail: shafieuk@gmail.com