SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GABAY: Kadeedka Xamar

Mubashir SH C/llaahi

Gabay: Kadeedka Xamar

20/09/08

Dadku waa mid dhintay mid dhaawacmay iyo mid dhoofay ee haddaad wax tar leedahay gargaar masaakiinta baahan iyo agoonta aan waxba haysan ee ku dhax baaba’ay Madaafiicda ay iskula qooqayaan ALLE caasigu.

  1. Kalaamkii ILaah iyo xaqii lagu karaar dhaafay
  2. Kitaabkii ladiidaye Dastuur kaafir laga doortay
  3. Ee Kirishtan laga raacay iyo Kenya iyo Xayle
  4. Sida Diinta loo kilinkishee kabeda loo saaray
  5. Ee Karaamadeedu ulentee koore ula meeray
  6. Kaftan siduu Xadiiski unoqdee loo kajamay aayad
  7. Ee kas iyo maag looga tagay kiiski maan orane
  8. Inkastoo kulayl saayidiyo kaarna laga qaaday *
  9. Nabsigaa kalkiisii galee kaalimaha buuxshay
  10. Ayunbaa korkeeniyo lafuray Koonfuroo idile
  11. Kali iyo jameecana marbuu kabigii yimide
  12. Aniguna kurbada waa qabaa keentay gaaladuye
  13. Kadeediyo dhibbaa lagu jiraa kaymihii Xamare
  14. Kolonyada Axmaarkee sidii koronkor yaacaysa
  15. Iyo Culimaday kaakacsheen ee Karhiyay iibka
  16. Iyo kud iyo mooryaan jiriyah keebka liishado’e
  17. Kaarabiinka dhacayee sidii karar hilaacaaya
  18. Kaasababulaariyo Wardhiig looga kala guurye
  19. Kaaraan ma seexdaan ragii kaabaha ahaaye
  20. Kaftan umatagaan Howlwadaag kuraydi Towfiiqe
  21. Inta odayo kuusani haldaan kulan ma yeeshaane
  22. Huteelada sidii Kiin Carbeed uma kifaaxaane
  23. Kaddinkii Bakaariyo la’awd Kiilo Mitir Foore
  24. Kibriid lagu gado suuqyadaad kaashka u ogayde
  25. Kafantaaba lagu baayicaa maydka loo karo’e
  26. Korneylkii Kursiga baas jeclaa Kaare laga saarye
  27. Kadoloobsi mooyee salkaba Kaamil dhigi waaye
  28. Koodh uma gashado madaxnimee kaaki baw xirane
  29. Kansho beelka waxa loogu riday Kalabi weeyaane
  30. Dadku keeno-diid iyo kunoqay kooxo aan rabine
  31. Kob abaar ah yaa maatidii lagu karbaashaaye
  32. Kumayaalo wada dhaawacoo dhiigu ka’idlaaday
  33. Kalxamaha rag lagasoo jabshoon kabisna eegaynin
  34. Kurka wiilal laga soo jaroo Kooma wada jiifa
  35. Iyo qaar Kalyaha muuqdo oo Kulucu soo jeedo
  36. Oo aan Kaniin haysan iyo Kaabsol lagu baanto
  37. Kaysaney Hosbital baa ladhigi kaaha waa bariye
  38. Agoontiina Kaamka uqaxdiyo xero Kumaandoosta
  39. Ee Kanaalka hoostiisa wayn Kabo la’aan joogta
  40. Qudhac kamas leh iyo Geedahaa laga kireeyaaye
  41. Kaneeciyo qaniin baa diliyo shay Kutaan galo’e
  42. Kanbalkay lawada yuururaan kafafki gaajeede
  43. Karuur xoolo laga soo lisiyo Kibis ma haystaane
  44. Kurus iyo Waslaad laysku jaray kalaxsan maayane
  45. Kiintaallo badariyo ha sugin kaabash loo guro’e
  46. Inay Koobka shaaha ah helaan kadiso weeyane
  47. Ninba Koonka tii looga qoray kol isma seegaane
  48. Soomaalaay agoonta u kalkaal waa la karayaaye
  49. Kalgacayla Walaal bay rabaan kaalay iyo hooye
  50. Kaalmana Ilaah bawgu filan Kaamil way saga’e
  51. Kalka geeddi qoladii ahayd Yurubta kaajaysa
  52. Ee Kaar qaxootiyo lahaa Kooras lagu quudsho
  53. Qurbahaa lawa kuududaa kaman Riyaalow’e
  54. Keenii Ayuutada korshee sii kobciyay qaanka
  55. Ee Kabadhki lacageed fadhiya Dahabna Kooreysta
  56. Kir hadduu kuyidhi maalinbay keeno galisaaye
  57. Ninkii kaal kudhamoow waxsii kama danbaysaane
  58. Naf walaay intaan lagu kanbalin mawdna kuhaleenin
  59. Wax u kaydso Aakhiro daraan koobin baa jira’e

* waa kuwii ILAAHAY naga qabtay ee qabqablayaasha ahaa

Mubashir Sh C/laahi

Mubashir506@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 25, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS