SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Boogta Ceebta: Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Nelson Mandella

Madaxweyne Mandeela waxaa dhawaan loo dabaal dagay Sagaashan guuradii kasoo wareegtay markii aad dhalatay,waxaana la isugu yimid fagaaraha bartamaha u ah Magaalada London ee Hyde Park Corner tasoo Heeso iyo Fantasiyaba laguu dhigay, balse anigu ma`moogeyn inaad sagaashan jirsatay kaagamana Hanbalyeyn Cimriga Alle ku gaarsiiyey.

Adna ma`moogid Madaxweyne in aan u tiiraanyooneyno labada sano ee aan gacanta ugu jirno cadowga Madow ee Xabashida iyo kuwa Qiiqa isku qariya ee ku xasuuqa Suuqyada iyo guryaha ee Amisom, waxaadna aalaaba kala socotaa wabaahinta adigoo dhex fadhiya Caruur aadan dhalin iyo Afadaadii danbe, iska daa in uu jirku kuu damqado kuwa lagu xasuuqayo Soomaaliyee waxaad iska indha` tirtaa in aad ka wacyi galisaa Shacabkada Aqoonta yar ee aanan ogeyn abaalka uu ku leeyahay muwaadinka Soomaliyeed gumaad ay ku hayaan Wiilasha usoo dhoofay si ay Lacag ugu diraan kuwa cadowgu dul fadhiyo.

Madaxweyne qalinkan waxaa qoraya Saxafi Soomaaliyeed wuxuu kuusoo marinaya meel adiga iyo Caalamkaba aad kawada aqrisan kartaan isagoo ku dhajinaya darbiyada qabyada ah ee Garoomada aadan wali udiyaarin Koobka Kubada Cagta ee Aduunka 2010 tasoo intii aad dhisi laheydeen si aadan ugu fadeexoobin Martida Caalamka aad ku mashquusheen Dilida Hanadyadeena aad laqmiseen, Madaxweyne warqadan waa mid cabasha ah maxaa yeelay damiirkii aan kaa sugeynay ayaa noqday mid hurda kaana weynay wax damqasha ah, Madneela waxaa lagu tartamaa Dalkaadan South Africa Ninkii soo dhaca ama Dila Muwaadinka sharfan ee Soomaliyeed kasoo Dalkaada uyimid in uu abaal gud u helaa Ganacsi furan iyo Nabadgalyo.

Mandeelow waxaadan gudi karin adiga iyo Dalalka dariska kula ah halgankii aanu idiinkula galnay sidii aad u xoroobi laheydeen xili ay xornoqdeen inta badan wadamadii Afrika,waxaana si gacma furan u imaan jirteen idinkoo halgamayaala wadankiina labaad ee Soomaaliyeed kasoo sida ugu xushmada sare aad ujoogi jirteen.

Madaxweyne ma`moogi in aadan Dalka utalin, hadana ma`moogi in aad tahay kan gadaal ka fadhiya xisbiga talada haya ee ANC,waxaadse ka xishootaa in aad usheegtaa hadalka runta ah shacabkada si ay u nabadgaliyaan Muwaadiniinta ka dhex ganacsanaya dhexdooda ee uga yimid Dalkeena Gubanaya ee aan Xorta aheyn.

Shacabkadu Madaxweyne waxaa ay ka Oohiyeen Hooyooyin badan, waxaa ayna Asey usaareen Xaasas badan,Caruur badana wey Aaba tireen iyagoo walaal la`aan dhigay kuwa ka sugayey dheef kuwa ay udilaan shacabkada sida ugaarta oo ay ku Gowracaan tuulooyinka fog fog, Madaxweyne waxaa indhaxumo ku jooga inta hartay ee Somalida ah kuna sugan Dalkada una baahan amaangalin iyagoo filaaya in ay yihiin Dil sugayaal uxukuman Shacabkaada oo aan kala harin iskuna raacsan in ay qoorta kajaraan Dadyowga kartid iyo Deeqsinima Taariiqda ku galay.

Madaxweyne Mandeela waxaad marqaati ka tahay Gumaadka Isir sifeynta ah ee ay wadaan kuwa aadan barin saaxiibada lasoo halgamay,waxaa Dalkaada ku Aasan Afar Boqol oo Wiil oo Soomaaliya,miyey kula tahay in ay noogu fadhiyaan qiima Kiish Bura?,miyaadan ogeyn Afartaa Boqol ee aad Xasuuqdeen in ay Geesinimo darteed ku filan yihiin kumanyaalo Xabashiya.

Mandeela shacabkadu waxey uheystaan in ay Xoryihiin waxeyna ku Ciyaarayaan abaalka danbe, waxeyna inoola dhaqmayaan sidii in aanu nahay Cadaanka kor iyo hoosba ka heysta Dalkaada,waxaad Aduunka ku leedahay magac aad looga heybeysto waxaadse Dalkeena kala ag dhowdahay Xabashida nagu soo duushay ee Malaz hormuudka ka yahay, Madaxweyne Mandeela waxaan kuu heynaa Abaalka Gumaadka ee aad noo geysaneyso xiliga adag ee aanu dhana kala Halgameyno Cadowga Gumeysi baradka ah dhana Dowlad la`aanta iyo Faqriga.

Madaxweyne Mandeela ogow ma`murugooneen hadaan heleyno meel Shacabkadu nagu barto sida aan ulaba lisno kuwa doqomoobay una barno in aanu nahay Dhuuxooda oo socda, mana kula lihin Xuduud aan kaasoo gaarno Ergo Nabadeed ahaan, waxaanse ka gubanaa sida aan kugu lisnay iyo sida aad noogu abaal gudeen,Madaxweyne waxaad harsaneysaa xiligan hooska Boogta Ceebta adigoo og qiimaha Afrikanimada leedahay in badana xabsi ugu soo jiray.

Qorra iyo Saxafi. Maxamed Barre Haaji 'Fiyoore'
fiyoore@hotmail.com

AKHRI: TAARIIKHDA MANDELA

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 25, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS