SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ambassador Axmed Walad Cabdallah warqad qoraal ah oo uu kula hadlayo Soomaalida dibada oo soo gaartey Somalitalk.

Qoraal aanu ka helney Ambassador Axmed Walad Cabdallah oo ah Wakiilka Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda soomaaliya oo fadhigiisu yahay Nayroobi, islamarkaana uu kula hadlayo Soomaalida dalka dibadiisa joogta, si uu warbixin uga siiyo halka ay marayaan hawlaha shirka dibu-heshiisiinta uga socdey dhinacyada TFG iyo ARS-ta caasimada dalka Jabuuti ayaa isagoo jooga Newyork wuxuu qoraalkiisa ku sheegey

“hadda waxaan joogaa Newyork si aan uga qaybgalo kulamo taxana ah oo heerkoodu sarreeyo, kuna saabsan arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo bini’aadinimada ee Soomaaliya., Waxaan kulamo la yeelanayaa Wasiiro ka socda Ururka Midnimada Afrika, Mareykanka, Norway, Sweden, Ingriiiska, Talyaaniga iyo waddamo kale oo muhiim ah,. Madaxda adduunka haatan waxay joogaan Newyork si ay uga qaybgalaan dood sanadeedka Golaha Guud ee Qaramadda Midoobay, anaguna waxaan ku hawshoo nahay sidii aan arrinta Soomaaliya agendada meel sare uga gelin lahayn” ayuu ku yiri qoraalkiisa Amb:- Axmed Walad Cabdallah.

Waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku xusey Ambaasadoorka “.Arrinta muhiimka ah ee hadda loo baahanyahay in ay hadda hirgasho waxay tahay; arrinta khusaysa bixitaanka Ciidammada Ethiopia; taasoo mabda’ahaan si cad ugu qeexan heshiiskiii Jabuuti,. Guddiga Wadajirka ah ee Arriamaha Nabadgelyada, weli si buuxda uma soo bandhigin faah faahin dhamaystiran,, laakiin wuxuu kulimi-doonaa 15-ka maalmood ee soo socota gudahooda si wax la taaban karo u soo saaro. Inkastoo ay jiraan dad yar oo qaswadayaal ah oo doonaaya in ay waddada toosan ka weeciyaan geedi socodka nabadda, haddana waxaa la gaaray horumar muddo ka yar lix bilood marka laga eego bilawgii geedi socodak nabadda, Bulshada Caalamku waxay sii wadaysaa taageerada ay u heeyso Soomaaliya” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

“waxaa farxad nagelinaya inaanu la shaqeyno walaalahiina Dowlada Jabuuti, kuwaasoo ehel iyo saaxiibo dhab ah u ah Ummadda Soomaaliyed, Soomaaliya waqti dhow dib ayey u hanandoontaa sharafteedii, xurna ay ka noqodoontaa fowdada iyo deggenaan la’aanta, Waxaana ku rajaweynahay in aan la kulmi doono bilaaha soo socda xubno badan oo ka mid ah Jaaliyadda waddanayiinta ah, si aan shakh-si shekh-si uga wada-hadalno dhammaan arrimaha taagan, waxaana u safridoonaa dalka Sweden bisha Oktobar 2008 si wadahadalladaas u suuragalaan, Mar labaad, waxaan idiin ka rejeynaynaa inaad sii waddaan taageeridiina ku aadan geedi socodka nabada Soomaaliya, Waxaan idiin kaga mahad celinayaa dadaalka adag ee aad ugu jirtaan sidii Soomaaliya ay u noqon lehayd meel nabad iyo kala dambeyn ka jirto, Dhammaan waxaan idiin rejeynayaa guul iyo nabad” ayuu qoraalkiisa kusoo gebagebeeyey Ambassador Axmed Walad Cabdallah. Oo ku sugan xarunta Q.M ee Newyork.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com,+253624079

 

..
XAFIISKA QARAMADDA MIDOOBAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADDA SOOMAALIYA 
 
 Warqad ku socota Soomaalida dalka dibadiisa ku nool. 

Newyork, 22ka Sebtembar 2008 

Asalaamu Aleykum 

Ramadaan Kariim 

    Waxaa markale warbixin idin ka siiyayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ku wajahnaa nabad iyo kala dambeyn ku soo celinta waddankiina qaaliga ah. Hadda waxaan joogaa Newyork si aan uga qaybgalo kulamo taxana ah oo heerkoodu sarreeyo kuna saabsan arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo bini’aadinimada ee Soomaaliya. Waxaan kulamyo la yeelanayaa Wasiiro ka socda Ururka Midnimada Afrika, Mareykanka, Norway, Sweden, Ingriiiska, Talyaaniga iyo waddamo kale oo muhiim ah. Madaxda adduunka haatan waxay joogaan Newyork si ay uga qaybgalaan dood sanadeedka Golaha Guud ee Qaramadda Midoobay, anaguna waxaan ku hawshoo nahay sidii aan arrinta Soomaaliya  agendada meel sare uga gelin lahayn. 

    Sida aad wada ogsoon tihiin, waxaan usbuucii hore Jibuuti ku qabanay isaraggii labaad ee Guddiga Heerka Sare ee Arrimaha Siyaasadda  iyo kan Wadajirka ah ee Arrimaha Nabadgelyada kaasoo ay ka soo qayb galeen Bulshada Caalamka. Guddiyadu waxaa dhex maray dood waxtar leh kuna wajahan sidii wax la taaban karo ay uga soo saari lahayeen isaraggooda. Guddiyaduna waxaa ka go’an in ay iska kaashadaan nabad sameynta Soomaaliya.  

    Waxaan si gaar ahaan ah, raali uga noqday in guddidiyadu ku heshiiyeen in ay sii wadaan wada shaqeyntooda ayagoo u maraaya guddi hoosaadyadooda, kana wada shaqeynaya qodobo badan oo ay ka mid yihiin, destuurka, xaaladaha Bini’aadinimada, dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Guddiga Wadajirka ee Nabadgelyada, wuxuu ka dhageystay warbixin kooban ee wax ku ool ah xafiiska Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Hawlaha Nabad Ilaalinta, guddiguna isla markiiba wuxuu soo bandhigay talooyin waxtar leh.

    Arrinta muhiimka ah ee hadda loo baahanyahay in ay hadda hirgasho waxay tahay; arrinta khusaysa bixitaanka Ciidammada Ethiopia; taasoo mabd’ahaan si cad ugu qeexan heshiiskiii Jibuuti. Guddiga Wadajirka ah ee Arriamaha Nabadgelyada, weli si buuxda uma soo bandhigin fah’faahin dhamaystiran, laakiin wuxuu kulimi-doonaa 15ka maalmood ee soo socota gudoohoda si wax la taaban karo u soo saaro. Inkastoo ay jiraan dad yar oo qaswadayaal ah, kuwaas oo la wada oggosoon, in ay doonayaan in ay waddada toosan ka weeciyaan geedi socodak nabadda, haddana waxaa la gaaray horumar muddo ka yar lix bilood marka laga eego bilawgii geedi socodka nabadda. 

    Markii dhinacyadu Mabd’ahaan isafgarad iala gaareen, waxaa laga mamaarmaan noqotay inaan kasoo tago Jibuuti si aan uga qayb galo shirka ka dhacaayo Newyork. Xaflada xiritaan shirkana waxaa ka hadlay Raiisul-wasaaraha iyo Sheikh  Sharif. 

    Bulshada Caalamku waxay sii  wadaysaa taageerada ay u heeyso Soomaaliya. Guddiga Caalamiga ah ee la Xariirka Arrimaha Soomaaliya, oo annigu aan shir guddoominaayey ayaa shir ka yeeshay  arrimaha Soomaaliya 16kii Sebtembar 2008, shirku wuxuu ka dhacay Jabuuti si ay fursad ugu helaan xubnaha guddigu Soomaalida ka tirsan laba guddi iyo madaxda TFG-da iyo tan ARS-ta. Shirka waxaa kale oo ka qeybgalay wakiilo ka socday  waddamo muhiim ah iyo Urur Goboleydada. Xubnaha Guddiga Sare ee la xariirka arrimaha Soomaaliya  oo kawada yimid magaalo madaxyada dalalkooda iyo Nairobi, waxay ugu baaqeen dadweynaha Soomaaliyed ee dalka iyo dibeddiisa jooga in ay si buuxda u taageeraan Heshiiska Djibouti. Sidoo kale, waxay ku gubaabiyeen dhammaan qaybaha ay arrintan khusayso in ay ku soo biiraan geedi socodka siyaasadda. Sida caadadu tahay, waxaa farxad nagelinaya inaanu la shaqeyno walaalahiina Djibouti kuwaasoo ehel iyo saaxibo dhab ah u ah Ummadda Soomaaliyed. 

    Mar labaad, waxaan idiin ka rejeynaynaa inaad sii waddaan taageeridiina ku aadan geedi socodak nabad Soomaaliya. Waxaan idiin kaga mahad celinayaa dadaalka adag ee aad ugu jirtaan sidii Soomaaliya ay u noqon lehayd meel nabad iyo kala dambeyn ka jirto, taas oo aan rumaysanahay in Soomaaliya ay waqti dhow dib u hanandoonto sharafteedi, xurna ay ka noqodoonto fowdada iyo deggenan la’aanta. Waxaan ku rajaweynahay in aan la kulmi doono bilaaha soo socda xubno badan oo ka mid ah Jaaliyadda waddanayinta ah si aan si shaqsi ah uga wada-hadalno dhammaan arrimaha taagan, waxaana u safridoonaa dalka Sweden bisha Oktobar 2008 si wadahadalladaas u suuragalaan. 

    Waxaan rejeynaynaa inaan markale idiin ku soo wargelino wixii horumar ah ee la gaaro. 

    Dhammaan waxaan idiin rejeynayaa guul iyo nabad. 

    Walaalkiina, 
     

    Ahmedou  

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 25, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS