SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

NIN DHARBAAXO QUUDHEED DUGSADAY DHAQAYADEED MAALYEE.

HaldhaaMohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 

haldhaa35@hotmail.com


Waxaan maqaalkan caal waaga ah qorayaa iyadoo ay iga da’ayaan labada indhoodba illin kulul oo ciil iyo cadhaba ay iga keeneen. Inkaastoo aan ogaa ama aan idaacahada kala socday gumaadka aan loo kala aaboyeelayn ee lagu wado shacabka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa deggan caasimadda, ayaana haddana  oohin iyo ciil is celin kari waayay kadib markii aan ka daawaday tv-ga Universal sida loo gumaaday shacabkii masaakiinta ahaa ee joogfay suuqa Bakaaraha, isuguna jiray kuwo wax iibinayay iyo kuwo dukaamaysanayayba.

Waxaa halkaas ku dhintay in ka badan 12 ruux. dad badanna way ku dhaawacmeen. Xilligan duqaynta lala beegsaday suuqa Bakaaraha waa xilli ay dad badan suuqa u soo dukaamysi tagaan si ay ugu diyaar garoobaan dabaal degga ciidda soon fur. Allaah ha u naxriistee dadkaas gardarrada iyo dulmiga lagu laayay. Waxaaba aad ugu farxay dad badan oo Soomaaliyeed. Waxayan iigu darnayd markii uu isoo wacay nin soomaali ah isgoo eedda iyo xumaantaba dusha ka saaraya xoogaga iska caabbinta.

Haddaba markii aan in cabbaar ah markii aan ooyay, hiqdiina ana guray. Ayaan gartay arrimta inaysan ahayn mid laga ooyo ee ay tahay mid laga dagaalamo. Waa mid laga dhiidhiyo. Waa mid laga ficiloodo jawaab qummmanna laga bixiyo. Waxaana go’aan ku gaaray dagaalka inana ka billaabo marka hore qalinka. Si ana u guubaabiyo dadka damiirka leh ee Soomaaliyeed. Anigoo ku guubaabinaaya inay dagaalamaan. Jid kale oo dhibkan looga baxaana uusan jirin dagaal mooyaanee.

Dadka aan guubaabinaayo anigaba waan ku jiraa. Waxaan leeyahay ummadda Soomaaliyeed meeshaad joogtaba isu gargaara oo ka hor taga gumaysigan cadawga ah ee ana naxariista lahayn. Ka hortaga kuwa loo keenay inay dadka masaakiinta ah gumaadan. Haddaad maanta ka hortagi waysaan oo inta yar ee la dagaalamaysa garab siin waydaan berri idinkay idiin sondaan. Waa kuma yurub iyo waqooyiga Amerika joogee. Waxaan catoowgan kusoo gabagabeynayaa erayadii Salaan;-

Haddaad Dhimato Geeridu marbay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane

Dhadhan malaha aadmigu wuxuu kugu dhalliilaaye

Dheddigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele

Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye

Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abade

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
haldhaa35@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 25, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS