SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Press release (WAR SAXAAFADEED)   Bosaso, 23rd September 2008 
 

HORN RELIEF OO GARGAAR LACAGEED OO DHAN 670,000 USD U QAYBISAY 4460 QOYS OO KU TABAALAYSAN GOBOLKA SANAAG. 
 

Hay’adda samafalka ee Horn Relief ayaa waxay gaarsiisay gar-gaar lacageed oo dhan 670,000 USD oo ah dollarka maraykanka 4460 qoys oo u dhiganta qiyaastii 31,220 qof oo ku tabaalaysnaa gobolka Sanaag. Lacagtan ayaa waxaa hay’adda Horn Relief ka qaybisay 41 meelood isugu jira magaalooyin waaweyn iyo tuulooyin ka tirsan Sanaag muddadii u dhaxaysay 13/09/2008 ilaa 22/09/2008. 

Mashruucan ballaaran ee gar-gaarka lacageed ah ayaa waxaa maal-geliyey hay’adda Oxfam Novib iyo UN-ta qaybta Humanitarian Response Fund (HRF). Mashruucu wuxuu kadambeeyey kadib markii hay’adda Horn Relief ay in muddo ah qiimaynaysay islamarkaasna isha ku haysay xaaladda bani’aadannimo ee dadka ku dhaqan mandaqaddaas oo si gaar ah ay wax u yeeleen arrimaha ay ka mid yihiin: saddexdii xilli roobaad ee ugu dambeeyey oo aan ama la helin ama aan hanaqaadin, dhibaato baahsan oo la xiriirta xagga maciishadda iyo sicir barar circa isku shareerayey muddooyinkii dambe, cuntadii iyo daruuriyaadkii oo la goosan waayey, reer miyi badan oo xoolihii dhaafeen iyagoo eersaday baad iyo biyo la’aan, dayn fara badan oo dadka dan-yarta ah lagu yeeshay, ganacsatadii yar-yarayd oo kacday ama suuqa ka baxday iyadoo dad badani shaqo ka heli jireen kuna noolaayeen ganacsiga noocan ah. 

Mashruucan oo qorshihiisu socday ilaa shan bilood ayaa hadda lagu guulaystay hase yeeshee waxaa cad inaan dadka wax la gaarsiiyey iyo baahidu marna isu dhaweyn oo baahidu badantahay. Sidaa awgeed, Horn relief waxay ugu baaqaysaa hay’adaha kale inay iyaguna doorkooda ka qaataan oo ay gargaar gaarsiiyaan dadka weli tabaalaysan. 

Horn Relief waxay mahad u celinaysaa Oxfam Novib iyo UN HRF; sidoo kale shaqaalaha Horn Relief oo hawshan adag muddo dheer ka shaqaynayey; waxaa iyaguna mahad balaadhan leh bulshada reer Sanaag oo si habsami leh Horn Relief ugala shaqeeyey taabbogelinta mashruucan, gaar ahaan guddiyadii degaannada lacagta laga bixiyey, cuqaasha iyo ururrada bulshada.

###

Wixii Faahfaahin ah oo dheeraad ah fadlan kala xiriir

Bashir M. Hussein (Country Director), Tel. 796076, email: bhussein@hornrelief.org

Abdullahi Sufi (Project officer), Tel. +252 90 644889 ama

Ali Abdullahi Logistics and Information Manager, Tel. +252 90 799080

Australia: Cop in murder probe 'threat'...
Read More...

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 24, 2008


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS