SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Nolol Xumo Soo Wajahday Beeralayda G/GEDO

Beeraleyda inkabadan 50 tuulo oo hoostagta Degmada baardheere ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha Nololeed kadib sicirka Shidaalka Iyo quutul daruuriga o kor u kacay .

Tuulooyinka Buuloweyn, shimbiroole, iyo buulo fuur ayaa ka mid ah goobaha ay beeraleydaasi Qatar ku heysato.

Qaar ka mid ah beeraleydo oo nololxumo darted isaga soo cararay goobihii ay degenaayeen ayaa ii sheegay in xaladoodu ay mareyso meeshii ugu xumeyd .

Xuseen Cali Barow oo aan la sheekeystay ayaa xaaladahaasi murugsan ku tilmaamay kuwo ah Afka Gacanta ii Geli “inkastoo aan matooro iyo Biyo aan heysano hadana majirto wax lagu kiciyo aaladahaasi maadama uu shidaalkii noqday mid circa isku shareera” ayuu yiri .Ninkaasi odayga ah ayaa ku eedeeyay Burcad badeeda Soomaaliyeed in ay qeyb ka tahay sicirka shidaalka Ee Shareda u socda .
Beeraleydaasi oo ku tiirsanaa shirkada taas oo qeyb ahaan hal qof uu bixinjira qarshka ku baxaya Halka kakalena uu xoogiisa maali jiray ayaa sheegay in shiradihii lacagta bixinjiray ay dhicisoobeen sababo la xiriira qasaare la soo dersay

Dhibaatooyinka beeraleydaasi heysta ayaa ah kuwo kasbady wax soosaarkii o yaraaday taas oo keentay beraley badan ay soo wajahaan xaalado bin aadan nimo.

Isku soo wada duub oo ma ahan markii ugu horeysay oo cabashooyin iyo qeylo dhaan ceynkani ah ay ka soo yeerto beeraley ku dhaqan deegaano ka tirsan degmada baardheere .
Waxayna beeraleydu ay ka codsadeen hay’adaha samafalka in ay la soogaaran kaalmo deg deg ah .

Max’ed Gaarane Aadan
Gaarane68@hotmail.com

Baardheere/GEDO
Australia: Cop in murder probe 'threat'...
Read More...

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 24, 2008


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS