Afrika: Koonfur Afrika Dal Ku Dayasho Mudan
Dalka Koonfur Afrika oo leh taariikh dheer muddo dheerna ka talinayey caddaan
tiro yar oo dhowr boqol oo sano ka hor soo degay, waxayna muddo dheer madaxa ka
heysteen oo siyaasadda iyo dhaqaalaha ka soomiyeen dadka tirada badan ee
waddanka u dhashay, waxaa dalkaas hadda ku nool dhowr iyo afartan million oo qof
oo midabo badan kala leh, madowgu ha ugu badnaadee.
Malaha marka la maqlo Koonfur Afrika waxaa qof kasta madaxiisa ku soo dhacaya
NELSON MANDELA iyo AFRICAN NATIONAL CONGRESS ( ANC), waxay siyaasaddii guracneyd
ee midabtakoorka(APARTHEID) soo gebagebowday 1989kii markaas oo madaxweyne
P.W.BOTHA oo uu bedelay F.W.De KLERK uu xabsiga ka soo daayey Nelson Mandela 27
sano kadib. Waxaana la qoray dastuur cusub, iyadoo 1994kii doorashooyin xisbiyo
badan ay ku tartameen ay dalka ka dhaceen waxaana si weyn guuleystay xisbiga
ANC, waxaana maxweyne dalka ka noqday Nelson Mandela oo uu uga dambeeyey THABO
MBEKI.
Taariikh Kooban
Sida magaca dalkaba ku xusan, waddanka Koonfur Afrika waa Dalweyne dhacdiida
Afrikada gacankeeda Koonfureed. Dhinaca galbeed waxa kaga yaalla badwenta
Atlaantikada, dhinaca koonfur barina Badweynta Hindiya. Dalkanu wuxu daris la
yahay wadamada Naabiibiya (woqooyi galbeed), Zimbabwe iyo Botoswaana (woqooyi);
Moosambiik iyo Swaziland oo ka xiga dhinaca woqooyi bari.
Boqortooyada laysku yidhaahdo Lesooto ayaa waxay dahaadh ku samaysaa koonfurta
bari ee dalka K/Afrika, taasi oo sida la sheegey ku fadhida dhul weyne
ballaadhan oo ku dhawaad saddex jeer ka badan midda gobolka California ee USA ku
fadhiyo .
Cidhifka koonfureed ee ugu shisheeya Afrika waa Cape Agulhas, oo ku yaala
Galbeedka ‘Cape Province’ ilaa qiyaas dhan 100 mi (161 km) dhinaca koonfur bari
ee ‘Cape of Good Hope’.
Xiligii Gumeystaha
Qabiilka loo yaqaanno ‘San’ ayaa ahaa dadkii ugu horreeyay ee sal dhiga dalka
K/Afrika; waxana ku xigay qabiilooyinka Khoikhio iyo Bantu. Dadkii ugu horreeyay
ee dhinaca Yurub uga yimidday Koonfur Afrika ayaa iyaguna waxay ahaayeen Dutch
oo markii ugu horreysay kusoo degay gobolka ‘Cape of Good Hope’, markii sannadku
ahaa 1652, kuwaasi oo bilaabay gumaysi dhammaadkii qarnigii 18 naad, iyagoo
tiradoodu kaliya dhammayd 15,000 .
Hadaba kooxdaasi Dutchka ahayd ayaa waxa loo yaqaanay Boers ama Afrikaaners.
Waxayna ku hadli jireen lahjad Dhaj ah oo loo yaqaanay Afrikaans. Afrikaans
waxay isku dayeen wakhti sidaas u sii hooreeyay sida sannadkii 1795kii inay
sameeyaan jamhuuriyad xor ah.
Heliddii Dheemmanka ee sannadkii 1867 iyo Dahabka oo isna ka danbeeyay sagaal
sannadood ayaa misna wuxu keenay inay kusoo aguugaan dul ka socoto badani isla
dhulkaasi. Taaasina waxay ku kalliftay Ra’siisal Wasaarihii Cape Colony, Cecil
Rhodes inuu soo saaro xayiraad lagu xakamaynayo dadkaasi. Qorshihii Ra’iisal
Wasaare Rhodes ku damacsanaa inuu ku jabiyo dadka uu ugu yeedhay jabhadaha dul
ka socotada ah, ayaa waxa u xil saarnaa ciidamo militari oo hoos yimada Leander
Starr.Jameson. Sannadkii 1895 Jameson oo ujeedadiisu ahayd inuu wax bad-baadiyo
ayaa gefay marinkiisii, taasi oo ku qasabtay inuu is casilo Ra’iisul wasaare
Rhodes.
1936kii dadka madoow ee codeeya (Black Voters) waxa laga saaray diiwaankii cod
bixiyayaasha. Ilaa iyo kala badh qarnigii ku xigayna, wixii an ahayn dadka
midabkoodu caddaanka yahay waxa si awood sheegasho leh looga saaray inay ku
noolaadaan dhulka loo qoondeeyay dadka caddaanka ah. Qodobka loo yaqaano ‘The
Group Areas Acts of 1950 and 1986’ ayaa loo cuskaday in dad ka badan Hal Milyan
iyo nus (1.5 Million) oo afrikaanka madoow ah laga saaro magaalooyinka waaweyn
lana geeyo daabiyadaha iyo hayjadaha duleedka ama duleedka magaalooyinka.
Dadkaasina waxay halkaas ugu abaadeen sharci darrada xaaraanta ahayd oo
dhaxalsiisay inay ku noolaadaan cawa daranta nolosha ee cidlo iyo ciirsi
la’aanta ahayd, nolol aad iyo aad u foolxun una qallafsan ayay ku qaateen.
hadaba sannadkii 1961 ayaa dalka Koonfur Afrika caddeeyay inuu yahay Jamhuuriyad
xor ah, wuxuna dhaawac u geystay xidhiidhkii uu la lahaa ururka loo yaqaano
Barwaaqo Sooranka (Common Wealth), oo iyagu si weyn u diidanaa qawaaniinta
dalkaasi ee cunsuriyaysan. Balse taasi waxba kama badalin in Ururka Caddaanka
Waddaniyiinta Awoodda Sare (The White Supremacist National Party) uu dalkaasi
kusii golomoso soddonkii sanadood ee xigay.
Sannadkii 1960ii waxa qudha laga wada jaray 70 qof oo madoow, kuwaasi oo
magaalada Sharpesville ku samaynayay mudaharaad nabdoon. Isla sannadkaasina waxa
la mamnuucay Ururkii waddaniyiinta dadka madoow ee ka hor jeeday midab kala
sooca, ururkasi oo ahaa ANC. Afar sanadood (1964), ka dibna waxa jeelka loo
taxaabay hogaamiyhii weynaa ee ururka ANC Nelson Mandela, oo lagu xukumay
cimrigaa haku furto (Xabsi Daa’im)
Kacdoonka dadka madoow
Bilowgii kacdoonka dadka madoow ayaa dabadeedna sii xoogaystay oo ayaanba
ayaanta ka danbaysa sii kordhayay. Sannadkii 1976 Kacdoonkii dadka madoow ee ka
bilaambay magaalo madawda Suweeto ayaa ku fiday magaalooyinka kale ee dadka
madoow, wuxuna geeystay qasaare xooggan oo ay ku qudh waayeen dad tiradooda lagu
qiyaasay 600. Marka laga bilaabo 1960kii ka hortaga midab takoorka heer caalami
aad ayuu usii kordhayay. Qaramada Midoobay (UN) waxay saareen cunaqabatayn,
waddamo kale oo badanina waxay cilaaqdkoodii ka goosteen Xukummadda Koonfur
Afrika.
Cunsiriyaddii midabtakoorka (Aparatheid) ee dalka Koonfur Afrika, waxa u
bilaabmay inay awoodeedii yaraato kadib markii jagada madaxweynimmo uu ninkii la
odhan jiray F.W de Klerk ka badalay P.W. Botha. De Klerk wuxu xayiraaddii ka
qaaday ururkii ANC isla mar ahaantaana wuxu jeelka kasoo daayay Nelson Mandela,
oo muddo dhan 27 sanadood cimrigiisa ku dhammaystay jeelkaasi. Xusbigii uu
hogaaminayay Buthelezi ee loo yaqaanay Inkata Freedom Party oo loo aanayn jiray
inuu ahaa xisbi cilaaqaad la leh cunsuriyada ayaa isaguna wakhtiyadaas ku
hawlanaa, iska hor imaadyo uu kaga hor tego xusbiga ANC
I991 ayaa koox jinsiyo badan (multiracial) ay hogaaminayaan Modnela iyo
de-Klerk, qabteen shirkii Diimuqraadiga Koonfur Afrika (Convention Democratic
South Africa – CODESA), waxayna bilaabeen inay dib u qoraan Distoorka dalka.
1993 ayaa waxay ku guulaysteen in lasoo saaray Distoorkii dalka oo mamnuucaya
cunsuriyada, xoojinayana isku jirka jinsiyada (multiracial), isla mar ahaantaana
taageeraya awooda dadka tirada bata (majority rule).
I994 ayaa waxa loo dareeray doorashadii ugu horreeysay ee jinsi kasta oo dalka
Koonfur Afrika ahi ka qayb qaato, ahaydna doorashadii ugu xiisaha iyo xamaasada
weyneeyd ee ka dhacda adduunweynahan. Doorashadaasina waxay ku dhammaatay guul
ballaadhan oo usoo hoyatay xusbiga ANC, iyo hoggaamiyahadoo haybadda badnaa ee
Nelson Mandela. Madaxweyne mudane Mandela wuxu sameeyay dawlad cusub oo ka
koobnayd 6 wasiir oo ka socda xusbiga waddaniga ah ANC, iyo saddex ka socda
xusbiga Inkata. Distoorkii dalkana dibaa loo habeeyay waxana la dhaqan galiyay
1996.
1997kii, mishanka Runta iyo dib u heshiinta (The Truth and Reconciliation
Commission) oo uu hor kacayo wadaadka Desmond Tutu ayaa bilaabay inay
dhegeystaan dacwadihii ku saabsanaa xadguub yadii Binu-Aadanimmo ee midab
takoorka Koonfurta Afrika ka galeen waddaniyiinitii dhulka u dhashay ee
madoobaa, muddooyinkii u dhaxeeyay 1960 – 1993. Sanadkii 1998, F.W .de Klerk,
P.W, iyo hogaamiyaasha ANC ayaa hor yimidday Komishankan. Dadweynhuna way ku
diirsadeen balse mararka qaarkood waxay keenaysay kala qoqobasho qarankani soo
korayi aanu qaadi kareen.
Mudane Madaxweyne Mandela oo adduunweynuhu u aqoonsanyahay inuu yahay
hogaamiyihii ugu fiirada dheeraa (most farsighted) uguna deeqsinnimada iyo
daacadnimada badnaa ee dhinaca siyaasadda ee adduunkan soo mara ayaa
wakhtigiisii xafiisku dhammaaday 1999. Mondela si sharaf badan ayuu xukunka
dalka u sii daayay 1999, ruqsadna kaga qaatay siyaasaddii dalka. 2,June, 99)
ayaa kadibna waxa la doortay madaxweynaha Thabo Mbeki, oo ahaa madaxweyne
xigeenki Mandela iyo hogaamiyihii ANC.
Gunaanad
Waxaa dhowaan jagadii maxweynennimo ee dalka iska casilay Mr: THABO MBEKI oo
muddo 50 sano ah ka tirsanaa xisbiga ANC, inkastoo gudaha xisbiga uu cadaadis
kaga yimid hadana wuxuu muujiyey biseyl siyaasadeed iyo waddaniyad, waxaa lagu
eedeeyey in uu fara geliyey baaritaan dacwadeed (CRIMINAL INVESTIGATION) oo u
dhaxeysa isaga iyo ninka la filayo in uu jagada uga dambeeyo ee JACOB ZUMA,
labada nin oo uu hardan hoose uu ka dhaxeeyey.
Waxay aheyd in uu Thabo Mbeki xafiisaka sii joogo inta laga gaarayo doorashada
sanadka 2009ka markaas oo la filayo in uu Jacob Zuma Madaxweyne noqdo madaamaa
uu madaxtinnimadii Xisbiga ANC uu mar hore kaga guuleystay Mr: Mbeki. Maalmo yar
ka hor ayey aheyd markii uu heshiisiiyey oo aad uga shaqeeyey dhibaataddii dalka
ZIMBABWE, dalkaas oo dawlad xumo iyo sicir barar kan ugu sareeya dunida ay la
degeen.
Mbeki intii uusan xafiiska ka tagin ayaa waxaa uu qudbad qiiro leh oo is
casilaad u jeediyey qaranka taas oo uu si cad ugu qirrey in uu baneeyey kursiga
madaxweynenimada dalka, sidoo kale wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr isagoo si toos
ah usoo fariistey talefishanka qaranka ee channel SABC2 dadkoo dhanina ay si
weyn loo sugayay, Mbeki ayaa hadalkiisa ku bilaabay go’aankii ay ANC gaartay ee
ahaa in xilka uu isaga tago, wuxuu yiri “55 sanno ayaan kasoo mid ahaa ANC,
iminkana waan ka mid ahay, waanan ka mid ahaan doonaa, daacad ayaanan u ahay
xisbiga, sidaasi darteen waxaan aqbalay baaqii ay iisoo jeediyeen ee ahaa in aan
is casilo, warqada iscasilaadayda waxaan ku wareejiyey gudoomiyaha Baaralamaanka
Mrs. Baleka Mbete, waxayna dhaqan galaysaa marka baarlamaanka uu soo doorto
qofkii I badalli lahaa Mbeki ayaa sidoo kale iska fogeeyey in uu waligiis wax
farogalin ah ku sameeyey nidaamka xeer beegtida qaranka, wuxuu soo hadal qaaday
in xukunkii xaakimka maxkamada sare ee ahaa in uu farogalin siyaasadeed ku
sameeyey dacwada Zuma loo heystey ay ahayd arrin aanan sax ahayn.
Wuxuu sidoo kale shacabka ka codsaday in ay is dajiyaan, noloshooda sii wataan,
isaga oo kaliya uu xilka ka tagayo, dowlada inteeda kalane ay usii shaqaynayso
sidii caadiga ahayd.
Ugu dambeyntii waxa uu qaranka ku macsalaameeyey 11-ka luuqadood ee dalka looga
hadlo, isagoo ku celcelinaya “waad mahadsantihiin”.
Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in dhamaan wasiiradii madaxweyne
Mbeki ay is casileen iyadoo markii hore la islahaa waxa xafiiska ku haraya oo
kale nin ka u qaabilsan maaliyada oo aan isagu soo gudbin is casilaadisa balse
markii danbe ku dhawaaqey inuu is casilay isaga iyo xog hayntiisa sidaasna ay
isku wada casileen wasiiradii madaxweyne Mbeki
Balse ANC ma ahan wax ay dooneyso in ey wasiirada is casilaan, iyo
barasaabyadaba, mana dooneyso in dalka ay ka dhacdo xasilooni darro siyaasadeed
iyo mid dhaqaale oo horseedi karra in ANC ay lumiso aqlabiyada doorashada soo
socota.
Dhamaan xisbiyada mucaaradka ayaa si weyn u dhaleeceeyey ceyrinta Mbeki, kuna
tilmaamay arrin qalad weyn ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay ay ugu horeyso
xisbiga ay madaxda u tahay Democratic Alliance Party heweynayda la dhaho Hellen
Zille waxaa sidoo kale ka mid ah xisbiyada dhaleeceeyey United Democratic Party
(UDM) oo uu madax ka yahay Bantu holimisa, iyo IFP oo uu madaxka yahay
Mangazuthu Buthelezi oo ah suldaanka beesha Zulu-ga. Dhamaantoodna waxay ku
timameen inay aad uga xunyihiin is casilaada madaxweyne Mbeki iyo wasiiradiisa
Runtii waa arrin ku dayasho iyo xusidba mudan sida uu THABO MBEKI isugu dhejinin
xafiiska, Hadaba, is bedelkaas u dhacay si nabdoon ee lagu sameeyay dal soo
maray marxaladihii ugu xumaa, looguna badalay Diimuqraaddiyad islaaxda oo
heshiis lagu yahay, ayaa waxa loo aqoonsanyahay inay tahay dhacdooyinkii ugu
xusidda mudnaan doono adduunka ee qarniga 20naad iyo bilowga qarniga 21 aad.
sanadkii 1993, Mandela iyo De-Klerk ayaa waxa si wada jir ah looga dhaxaysiiyay
billada sharfta badan leh, ee loo yanaano Nobel Peace Prize.
Xaalada maanta dalka Koonfur Afrika marayo, xasiloonni darro haba ugu horreysee
iyo xaaladihii uu soo maray ee aynu taariikhdiisa kusoo koobnay, marka lays
garab dhigo. Wali waxad moodaa oo muuqanaysa inaanay dadka Madoow ee dalksaasi
ku cibaaro qaadan wixii soo maray xanuun iyo xasilooni darro. Wixii iyaga xasuuq
lagu samaynayay ee lagu takoorayay jinsiyadooda, dhaqankooda iyo hidoohada, ayaa
waxa la moodaa inay aayar uun isaga ilaaween, maadaama ay iyaga laftarkoodu kula
dhaqmayaan xanuunkii soo maray mid la mid ah, dad kale oo la diir iyo dub ahba.
Sidoo kale waxaa Su’aalo badan oo ku saabsan xaaladaha nabad-gelyo,
dhaqan-dhaqaale, caafimaad, iyo ijjimaaci, layska weydiinayaa mustaqbalka dalkan
Koonfur Afrika …?
Sikastaba ha ahaatee waxaa la is dhihi karaa waxaa ka jirta wali diimuqraadiyad
aad loogu faani karo, tusaalana lagu qaadan karo dalkan Koonfur Afrika,
bilxaqiiqatan way ka hir gashay, oo waa astaan Qaaradeed. Ilaahayna wuxu u
bixiyay hogaanno caadil ah oo haybad iyo karaamo gooniya uu siiyay, sida Nelson
Mandela, ninkaas oo jiritaanka dhan ee dalkaba, ka sokow Ilaahay, isaga abaal
loogu hayn karo. Hase yeeshee waxay sheekadan ku soo beegantay iyadoo madaxda
soomaalida ee maanta ( Dawlad iyo Mucaarad ) ay ku kala dareereen shirkii
Djabuti uga socday oo dadka Soomaaliyeed oo 18 sano dagaalo dhiig badani ku
daatay iyo saboolnimo la kacaa ku faya wax uun rajo ah ka qabeen, mase arki
doonaa hoggaamiyeyaasha Somalia oo u turaya dadkooda u turayaan uga tanaasula
xafiiska iyo jagada .
Waxa idiin soo diyaariyay, isku soo dubba riday, soona ururiyay
Mohamed Ismail
mismacil@Live.co.za
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2008
Safiirka
Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti...
Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri...
Sept 22