SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Suleymaan Colaad Rooble "Walaahi annaga way na dhibaysaa araga ninkaa iyo qolooyinka uu sheeganayaba mana rabno, inaan ku xadgudubno dowlada uu martida u yahay…"

Akh-ristaha sharafta leh waxaa inoo suura gashey inaan halkaan idiinku soo gudbiyo wareysi, jawaab u ah Waraysigii Safiirka Ethopia u jooga dalka Jabuuti ee aan hore idiinku soo gudbiney, waxaana inoo suura gashey inaan la kulano Md. Suleymaan Colaad Rooble oo ah xubin ka tirsan Xildhibaanada xorta ah, islamarkaana ah guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo wacyi-gelinta ee isbahaysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya, xubina ka ah guddiga wadajirka ee arimaha nabadgelyda ee shirka Jabuuti oo aan kula kulmey Hoteel Imperial ee caasimada dalka Jabuuti, waxna ka weydiiyey sababaha keena in mar walba ay shirka uga baxaan marka ay arkaan in Safiirka Ethopia iyo su’aalo kale ayaa isagoo ka jawaabaya Suleymaan Colaad Rooble wareysigii waxaa uu u dhacay sidan :-

S:- waxaad faah faahin naga siisaa sababaha keena in marwalba aad ka baxdaan shirka, marka uu soo fariisto safiirka Ethpia u jooga dalka Jabuuti.


J:- Ee shirkaan waxaa uu ku bilaabmay nidaam laysku waafaqsan yahay oo ah, inay daadihinayso Qaramadda midoobay, waxaana aad looga fogeeyay faragelino kale, marka ninkaan aad ka hadlaysana isaga maba soo dhawaan karo, wuxuuba ka mid yahay mushkiladaha xalka loo raadinayo, marka anaga nooma muuqato sabab uu meesha ku soo fariisto mida kale, noomana cuntamayso inaan hool isla fariisano qolooyinkaan aad sheegayso, waayo waxay na xusuusinaysaa aragooda, xasuuqii ay malayshiyooyinkooda ka geysteen dalka Soomaaliya, sidey ku suura galaysaa inuu anaga na soo horfariisto addeer taas waa dhib aan la qaadan Karin.

S:-Taas soo looma qaadankaro inaad ka baqaysaan, islamarkaana aad si cad wax ooga sheegtaan isagoo meesha fadhiya?

J:- Walaahi annaga way na dhibaysaa araga ninkaa iyo qolooyinka uu sheeganayaba mana rabno, inaan ku xadgudubno dowlada uu martida u yahay ee haddii goobta ay goob kale ahaan lahayd, wax kale ayaaba dhici lahaa xaalkana waa ka fogyahay sida aad u dhigayso, maxaa wacay waxaa meesha jooga dad aan ka bogsoon boogihii ay u geysteen ee xanuunka badnaa marka in cid magacaa leh iska ag mar marto ayaanba fududeen, laakiin waxaa nagu kalifaya dowlada uu martida u yahay.

S:-Isagu waxaa uu ku dooday inaan marna laga saari karin, shir ay soo qaban qaabisay Q.M isla markaana uu ka tirsanyahay Contcact Group oo markaa ayna ku casuumeen shirka?

J:- May may haddii Q.M ay casuutay si cad ayay u sheegi lahayd, oo waxay oran lahayd anaga ayaa ninkaan casuunay, fadhigiisuna waa shirci ee lama eryeen marka aan tusino inuu ku soo dhuuntay hoolka, marka adeer waan kuu shaaegay shirkaan ma ahan shirar goboleed iyo kuwii ay iyaga qaban jireen, shirka waxaa garwadeen ka ah Q.M, Tan kale anaga shuqul kuma lehin inuu xubin ka yahay Contcact Group, shirkana ma quseyso, inkastoo ay jirto inay halkaan shir ku yeesheen, isla markaana ay warbixino ka dhigeysteen horjoogayaalka wufuudeena, laakiin shirkaa iyo shirkan waa laba aan is lahayn, ninkaana caado ayuu ka dhigtay inuu mar-walba ilinka ka soo duso, iskana fariisto inta la arkaayo, mana xishoonayo oo waa qof weyn sida uu sheeganayo oo dublamaasi ah, kumana haboona in maalin walba luqunta la qabto oo dibada loo saaro.

S:-Isaga waxa uu ku doodey inuu yahay Safiir matalaya dowlad ka tirsan Q.M, ayna jin meel ku qoran shir Q.M ay soo qabanqaabisay in laga celiyo oo uusan ka qayb gali karain, bal ka waran arintaas.

J:-Aan u sheego halkaan maaha shirarkii Q.M ay yeelanaysay, anaga uma diidin kulamada Q.M ee waxaan u diidnay nalagana yeelay sida aad ka warqabtaba waa shir Soomaali aayaheeda looga hadlaayo, marka ninkaa odayga warkiisa meel iska dhig wax uu xaq uleeyahay oo mesha yaal majiraan.

S:-Safiirka mar aan wax ka weydiidayay ka dowlad ahaan, in aysan raali ka ahayn degenaashaha Soomaaliya, ayaa waxa uu ku dooday inay dowladiisu doonayso inay Soomaaliya xasisho, ayna dhibayso xasilooni darida ka jirta Soomaaliya kana xun yihiin ee bal ka waran, adiguna waxaad ku sheegtey in mushkiladaha ka jira dalka ee la xalinayo ayuu ka mid yahay baa tiriye.

J:-Taasi waa oraah aan wax micno ah sameynayn, Soomaaliya Ethopia maleeshiyadeeda markay ku duulaayeen nabad buuxda ayaa ka jirtay, waxaana soo laabtay xiligaas dib-u-dhiskii iyo shaqeyntii adeegyada bulshada sida Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Dekada weyn, ee hadday danaynayaan maysan burburiyeen oo kuma soo duuleen, ee si kastaba taariikhda aan u daayno wixii dhacay ee hadda ciidamdooda hakala baxeen, tan kale inta badan caqabada shirrarka hadda loo fadhiya ku yimaada dhamaan waxay ka yimaadaan Adis Ababa, waayo qoloyinkanaan wada shireyno markaan wax meel isla dhignoba, durba waxaa ku dhaca is-badel aan ku xisaabtamin oo inta badan aad garan karto meesha iyo halka ay ka yimaadeen marka waa iska hadal rasiiq ah hadalkiisa.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079 
Australia: Cop in murder probe 'threat'...
Read More...

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 24, 2008


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS