SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ma laguugu dhibaa xuduudaha ama garoonada dayaaradaha ee USA? Ma laguugu yiraahdaa waxaad ku jirtaa liisaska sida “No fly” ama “watch list”?

Anigoo halkaygii ka sii wadaya in aan u soo gudbiyo macluumaadkii aan u soo gudbin jirey bulshadayda Soomaaliyeed ayaa maanta waxaan go’aan saday in aan soo gudbiyo warbixin aan isleeyahay kuwaan ogaynna ha ogaadaan kuwa ogna kuwa kale ha u sii gudbiyeen. Xogtan oo ku saabsan waxa uu samayn karo qofka lagu dhibo goobaha laga soo galo USA.

Dad badan oo soo gelaya dalka marayka ama ka baxaya waxaa ay la kulmaan daahitaan badan ama xarig waqti gaaban ama sharaf dhac badan. Waxaa samaysmay kelmado ay ka mid yihiin DHS TRIP, misidentified, no fly list, watch list. Dad badan oo jinsiyad walba leh oo weliba leh rag iyo dumar ama caruur saqiir ah iyo waayeelba waa ay saamaysay. Haddaba qofkii ay la soo deristo dhibaatadan oo kale Department of Homeland Security oo ogsoon dhibtan waxaa ay diyaarisay hab dadka dhibtaan ku dhacdo ay magacooda ku nadiifiyaan oo uga baxaan takoorka.

Nasiib darro habkan waxaa uu noqday mid ay ka faa’iideystaan dadka isticmaala internetka oo keliya. Inkastoo uu socdo dadaal dhinaca congresska oo la doonayo in airporada laga furo goob la isku magac nadiifiyo loona yaqaan - one stop shop-haddana ma suurtoobin.

Haddaba haddii aad dhibtaan la kulanto haddii aad doonayso booqo webka hoose

DHS TRIP
http://www.tsa.gov/travelers/customer/redress/index.shtm 

ka dibna guji
Make inquiry online

Ka dibna guji
Step 2 - how to use DHS TRIP

Ka dibna ku dhufo
Click here file a complaint


Hadii aad aqriso shabakadahan waxaa kale oo suurto gal ah in aad ogaato macluumaad kale oo la xiriira arrintan.

Maxmuud Nuur Wadheere
mnwardere@yahoo.com
Australia: Cop in murder probe 'threat'...
Read More...

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 23, 2008


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS