SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maamulka Puntland oo gabi ahaanba xidhay Warshada Kaluunka Qaboojisa oo Ku taalay gudaha Bosaaso

Bosaaso:-Maamulka Puntland ayaa gabi ahaanba xidhay warshad Qaboojin jirtay Kaluunka taasi oo ku taala Gudaha Magaalada Bosaaso, masuuliyiinta warshadaasi oo nala soo xidhiidhay ayaa sheegay inay shaqadii Warshadasi ka socota Gabi ahaanba si toos ah loogu Amaray in la xidho.

Warshadaasi oo lagu magcaabi jiray East Afrika Fishing Company ayaa masuuliyiinta iska leh waxa noo sheegeen inaanay jirin wax danbi ah oo xagooda looga tirinayo Xukuumada Puntland.

Eng. Amed Daahir Maxamuud oo ka mid ah masuuliyiinta warshadaasi oo haatan ku sugan Dalka China ayaa warbaahinta u sheegay inay warshadaasi haatan xidhnayd mudo dhan 5- Bilood taasi oo ay wadaagaan buu yiri Ganacsato Ajaanib ah iyo kuwa Somali ah.

Eng-ka ayaa sidoo kale sheegay in markii warshada la xidhay ay shaqaalihii Ajaanibka ahaa ka dhoofeen dalka taasi oo ayuu ku sheegay wax aad looga naxo.

sawirka mid kamid ah Mulkiilayaasha wershedda la xiray

Masuulkaasi ayaa dhanka kale sheegay in warshada 60% ay maalgashi ku samayteen Ganacsato Ajaanib ah oo badankoodu ka soo jeeda Dalka China, kuwaasi oo waday Mashruucaasi balse ay taasi is hor taageen qaar ka mid ah masuuliyiinta Puntland oo ay badhitaarayaan shakhsiyaad Somali ah.

Sidoo kale Axmed Daahir ayaa xusay inay Safaarada Somaliya ee Pakin ay ka socoto dawad khusaysa Amuuraha warshadaasi taasi oo ay wadaan Ganacsatadii Warshadaasi laga xidhay, isaga oo farta ku fiiqay inay dhawr jeer la hadleen Madaxwayne Cade Muuse kuwaasi oo kala hadlay sidii ooda looga qaadi lahaa warshadaasi.

Maamulka Puntland ayaan ilaa haatan dhankooda ka soo saarin wax jawaab ah oo khuseeye xidhitaanka warshadaasi, iyada oo ay falkaasi xidhnaanshada ah ay canbaareeyeen Ganacsatada Somaliyeed kuwaasi oo Maamulka Puntland ugu baaqay inay arinkaasi ka fiirsadaan.

Mashaariicda Warshadaha ayaa ku soo badana Gobolada Puntland kuwaasi oo ay keenayaan Ganacsato Somaliyeed oo iyagu doonaya inay Dalkooda maalgashi ku samaytaan.


Jaamac AYaanle Feyte
Somalitalk.com Bosaaso-
Feyte37@hotmail.com

Australia: Cop in murder probe 'threat'...
Read More...

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 23, 2008


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS