Boorama: Ururka ARNA oo howlo lagu dardar galinaya dhismaha
waddooyinka bilowday.
Maamulka Ururuka wadooyinka ee ARNA ee gobolada Awdal iyo Salal ayaa
maanta faahfaahin ka bixiyay bilawga hawlihii wajigii labaad ee qaadhaan
ururinta ee lagu dayactirayay wadada u dhaxaya magaaloooyinka Dila iyo
Boorama.
Agaasimaha fulinta ee
ururkaas ARNA Md. Siyaad Cumar Cali Iyo Madaxa Qaadhaanka ee Ururkaas
Cabdirashiid Xirsi Cali ayaa sheegay in shalay oo ay bishan September
ahayd 20 ay dardar cusub oo lagu bilaabaabayo ururrinta qaadhaankii uu
ururku ku hawli gali lahaa la bilaabay, iyada oo ku talo galku yahay in
laami laga laga dhigo wadada 28ka km ah ee isku xidha Dila iyo Boorama
waxana ay intaasi raaciyeen in sanadkii hore ururku uu caro tuul dhigay
wadaasi sidaas awgeed qaadhaan ururintan ay maanta bilaabeen ay ka
bilaabatay gudaha xubnaha ka tirsan ururka taasi oo loogu talo galo in
ay tusaalo ku soo hirasho mudan ugu noqdaan bulshada inteeda kale.
Maamulku waxa kale oo ay intaasi raaciyeen in cid walba oo rabta in ay
ka qayb qaadato qorshaha hagaajinta jidadka ay soo dhawynayaaan isla
markaana raali ay kaga yihiin wax walba oo ay ku deeqaan kuna soo
qorayaan qofwalba waxa uu bixiyo websiteka ururkaas.
Masuuliyiintan laba ah ayaa waxa kale oo ay tilmaameen in sanadkii hore
dhaqaalaha ugu badan ay bixiyeen dadwaynaha ku nool dalka gudahiise
balse imika ay gacan wayn ka sugayaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee
dibadaha oo ay tilmaameen in ay lafdhabar u noqon karaan samaynta iyo
hagaajinta wadadaas oo la soo gaadhay waqtigii ay laami isku badali
lahayd. Waxana ay dadka dibadaha u xuseen in ay dhaqaalaha qaadhaanka ah
ku soo shubi karaan Acount-ka Dahabshiil ee uu lambarkiisu yahay DO589
ama shirkada xawalada ee qaran Account-ka nambarkiisu yahay 53. ilaa
hada waxa ay cadeeyeen in dhaqaalaha ugu badan ee soo ogaadhay ay
bixisay xukuumada Somaliland taasi oo ay kaga qayb qaadanayo hagaajinta
iyo bilicda wadadaas.
Gudoomiyaha ururkaas ARNA Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa isaguna mahadnaq u
jeediyay dadka sida fiican uga qayb qaatay hagaajinta iyo fikirka
noqoshada wadaadaas ee laamiga waxana uu xusay in uu ku rajo wayn yahay
in riyadiisii u rumawdo. Waxa kale oo uu gudoomiyuhu tilmaamay amaana u
soo jeediyay Agaasimaha Fulunta iyo Madaxa Qaadhaanka ee ARNA oo uu
farta ku fiiqay in ay yihiin dhalinyaro aqooon iyo xirfadba u leh
shaaqooyinka la qabanayo isla markaana mudadii ay hawsha ku gudo jireen
dadaal dheeraad ah muujiyay. Waxana uu Gudoomiyuhu ku tilmaamay
xubnahaas lafdhabarta xubnaha ururka ARNA.
Ridwaan Axmed Muxumed
Borama - Somaliland
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2008
Safiirka
Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti...
Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri...
Sept 22