WARSAXAAFADEED KU SABSAN XASUUQII UGU DAMBEEYEY EE
SUUQA BAKAARAHA. IYO GOOBO KALE OO MUQDISHO KA MID AH.
Isbahaysiga dibu xoreynta Soomaaliyeed waxa uu
cambaareynayaa Madafiicdii, ciidamada Gumeysiga ee Ethiopia iyo kuwa la
shaqeeya ay ku garaaceen maanta Qaybo badan oo ka tirsan magaalada
Muqdisho oo uu ka mid yahay suuqa weyn ee Bakaaraha iyo xaafado kale oo
ka tirsan magaalada Muqdisho.
Falkan iyo kuwo oo ka xun oo ay hore u geysteen
ciidamada gumeysiga ee dalka qabsaday iyo kuwa gacanta ku siiya ee TFG
ayaa noqday kuwo si joogto ah loogu xasuuqo shacabka aan waxba galabsan
ee Soomaaliyeed oo ciidamada cadawga ay markasta kula kacaan xasuuq aan
loom eel dayin.
Xasuuqii u danbeeyay ee maanta waxa si cad
loogu laayay dad fara badan oo soomaaliyeed oo u badan haween iyo caruur
waxaana ku nafweysay madaafiicdaas ay cadawgu soo rideen in ka badan 50
qof halka dhaawacuna uu ka badan yahay 100 qof oo qaar badan oo halis ah
ay ku jiraan waxaana ay cadawgu la eegteen xiliga ay duqeynayeen suuqa
goor dad badan ay ka dukaamaysanayeen iyaga oo isku diyaarinaya
Munaasabadda Ciiddul Fidriga ee foodda nagu soo haysa.
Isbahaysiga dib u xoreynta Somalia waxa uu
ogeysiinayaa Beesha Caalamka Gaar ahan Q.M Midowga Afrika,Jaamacadda
Carabta, OIC, EU,iyo dalalka kale ee daneeya Arimaha Somalia in iyada oo
lagu jiro heshiisyo nabadeed oo lagu doonayo in lagu joojiyo Colaadaha
Somalia hadana ay ciidanka Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya sii wadaan
xasuuqa joogtada ah ee ay u gaysanayan shacabka aan waxba galabsan
taasna waxaan u arkaynaa fal muujinaya sida ay ciidanka Ethiopia uga soo
horjeedaan nabad iyo xasilooni ka dhalata Somalia ayna ku sii
baneysanayaan dhiigga dadka shacabka ah ee taagta daran oo ay kula
kacayaan falal isugu jira DIL,BURBUR HANTIYEED BARAKICIN IYO XARIG
JOOGTO AH IYO KUWO KALE OO NAXARIIS DARRO AH.
Shacbiga Soomaaliyeed waa iney dulqaad la
yimaadaan islamarkaana meel uga soo wada jeestaan sidii looga gudbi
lahaa xasuuqqa joogtada ah ee ay gaysanayaan ciidamada gumeysiga ah ee
dalka qabsaday iyo kuwa la shaqeeya waxaanna ILAAH uga baryaynaa inta
dhimatay inuu naxariistiisa siiyo inta dhaawacantayna caafimaad Degdeg
ah.
Ugu danbayntii Isbahaysiga Dib U xoreynta
Somalia waxa uu ugu Baaqayaa Beesha Caalamka in ay ku cadaadiyaan
Dowladda Ethiopia in ciidamadeeda cadawga ah ay kala baxdo Somalia
islamarkaana ay u diiwangeliyaan xasuuqa joogtada ay u gaysanayaan
shacbiga Soomaaliyeed si loogala xisabtamo faldanbiyeedyada ay
gaysanayaan.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta (ARS)
Jabuuti.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2008
Safiirka
Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti...
Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri...
Sept 22