SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamo Farabadan oo la soo dhoobay Soodinta Soomalia Iyo Kenya Kaddib Shaki Amaanka Ah

Ciidamadaasi militeriga Kenya Oo Tiradoodu ay gaareyso boqolaal askari ayaa lagu soo waramayaa in la soo dhoobay soodinta Magaalooyinka Baladxaawo Ee gobolka Gedo iyo Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya oo jaar ah .

Waaberigii hore Ee saaka ayaa lagu arki karay xuduuda dheer Ciidamadaasi Meel Hal mail u jirta xadka Soomaaliya waxaana dhaqdhaqaaqyo ku aadan dhamaan goobahaas soodinta ku dhow ay ka wadaan aagagaasi .

Dad farabadan oo u badan haween duudka Wax ku qaada ganacsato Dad doonaya in ay dukaameystaan iyo Arday ayaa laga Hor istaagay in ay halkaasi ka tilbaan taas oo saraakiisah Kenyanku ay ka hor istaageen .

Inkasto aan la ogeyn sababta rasmiga ah Ee ka dambeysa howlgaladaasi ayaa misana Warar laga Helayo ilo ku dhow dhow saraakiisah Kenyanku waxay sheegayaan in xaaladahani ay ka dhasheen cabsi balaaran oo ay sarakisha kenyaanku ay ka qaban abaabul ciidan oo deegaamadaasi ka socda kaas oo maleeshiyooyinka lagu aruurinayo isla mar ahaantaasina uu deegaankaasi ku sugan yahay xildhibaan Hiiraale .

Xiritaanka sodinta labada dal aya waxay ku soo beegmeysaa xili lagu gudajiro bisha barakeysan Ee Ramadaanka taas oo inta badan Dadweynuhu ay ka dukaameystaan labada Magaalo .
Sikastaba ha ahaatee Dowlada Kenya ayaa albaabada u laabta soodinteeda kadib markii ay dareento cabsi iyo shaki ku aadan amaanka Maadaama Dalka Soomaaliya uu noqday mid ay daashadeen dagaalo iyo colaado sokeeye .

Max’ed Gaarane Aadan
gaarane68@hotmail.com

Baardheere/GEDOFaafin: SomaliTalk.com |  Sept 22, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS