Muqdisho iyo Maalinta Caalimiga ee Nabadda Aduunka
21-ka sebtember 2008.
Baaq ku aadan nabad dhisid iyo higsasho horumar
Sawirada Halkan ka daawo......
Maanta oo ah 21-ka Sebtembar 2008, waxay ku beegan tahay Maalinta Caalimiga ee
Nabadda, taaso oo ay qeexday Qaramada Midoobey Sanadkii 2001. Waxaana halkaan
isugu imaanay in aan qiimeyno maalintaan astaanta u ah in dunidu u baahantahay
nabad ka islaaxda qarammada , ummadaha iyo bulshooyinka dhexdooda.
Xilliga hadda lagu jiro, ummadeenna waxay baahi xad dhaaf ah uqabtaa nabad in ay
hesho, kuna naalooto. Xasiloonidu waxay dalkaan ka billaabatay in ay xumaato
markii jabhado ku kaceen dowladdi hanti-wadaagga ahayd horaantii 1980-dii
Tan iyo dhicitaankii dowladdi dhexe billowgii 1990-dii waxaa joogto iyo caadiba
noqday xassilonidarro iyo nabad la’aan. Arrintaas oo soo jiitaamaysay in ka
badan labaatameeyo sano, waxay galaafatay nolol fara badan iyadoo gaysatay
qasaaro hantiyeed oo baaxad leh.
Innagoo ka faa’idaysanayno fursadaan, waa in aan diirada saarnaa waxa ka
shisheeyo amniga iyo xasiloonida oo ah horumar qaran iyo wax-uqabasho bulsho. Si
kastaba ha ahaatee ammni iyo xasillooni waara haddii aan la helin lama gaari
karo horumar la taaban karo, misna waara.
Dadka ku nool Soomaaliya haddi aanu nahay waxaa naga luntay fursad qaali ah oo
lagu hergelin lahaa barnaamijka loo yaqaan Higsashada Gaariista Yoolalka
Millanyumka (Millennium Development Goals – MDGs) . Kuwaas oo si caalami ah
loogu hishiiyay markii la saxiixay Baaqa Mallanyumka bishii Sebtambar 2000.
Soomaaaliya waxaa u saxiixay Mudane Dr. Cabulqaasim Salaad Xassan, oo Madexweyne
ka ahaa Dowladdii KMG ahayd xilligaas.
Nabad la’aan ayaa ummadenna ku khasabtay in ay hirgelin wayso yoolasha ka kooban
8-da oo kala ah in La Ciribtiro Saboolnimada iyo Gaajada Baahsan, la Xaqiijiyo
in Waxbarashada Asaasiga ah Tahay Caalami, Kor Loo Qaado Sinnaanta Jinsiga iyo
Awoodsiinta Dumarka iyo in la Yareeyo Dhimashada Dhallaanka. Sidoo kale in la
Horumariyo Caafimaadka Hooyada, lala Dagaalamo HIV/AIDS-ka, Duumada, TB-da iyo
Cudurrada Kale ee Halista ah, la Hubiyo Deegaanku ahaado Mid Waara lana
Xannaaneeyo iyo Dhisidda Isbahaysiga Horumarinta.
Waxaan aad uga fognahay in aan gaarno bartilmameedyada la go’aansaday, iska daa
in la gaaro Yoolasha la Higsanayo. Shan meelood meel uun baa wax ka bartaan
dadkeennna, kuwaas oo gabdho ka yihiin seddex dalooloo, hal. Su’aashu waxay
tahay: Sideebaan ku heli kareynaa xirfadleyaal iyo aqoonyahnno haddi aan ku
soconno waddo abuureeyso kuwa aan waxba akhrin karin ama waxba xisaabin karin,
taas oo weliba laga dheehan karo sinnan la’aan xagga jinsiga.
Waxa sax ah ciddi tiri Gabar Waxbar Waa Qaran Waxbar . Waxaanse ku sii
adkeeynayaa Gabar Iyo Wiilba Waxbar Waa Ummad Toosi.
Xaddiga dhimashada caruurta xoogaa horumar ah ayaa laga gaaray sida diiwaannadu
qabaan, waxaase la ogyahay in ku dhowaad 140 caruur shan-jir ka yar iyo ku
dhowaad 90 kuwa dhowaan-dhaladka ah, ay ka geeriyoodaan 1000-ki nolol ku
dhalata. Kuwaas oo waxa ay sababsadaan ka mid tahay, nafaqo darida.Daryeelka
caafimaadka hooyada ayaa sido kale liita, sababaha waxa ka mid ah in aanay heli
karin xaruumo hagaagsan ee daryeelka hooyada iyo dhalaanka (Mother & Child
Health Care- MCH), taas oo maqanaashaha umulisooyinka xirfado fiican leh u dheer
tahay.
Jiritaanka cudurrada sida HIV/Aids, Duumada, TB-da iyo kuwo kale oo halis ah
ayaa cimri deg-deg ku rida dad badan, isla markaana saameyn ku yeesha
waxsooraarkii xoojin lahaa nolol wanaagsan. Waxaan wada ognahay xumaashaha ku
socda bay’addeenna, gaar ahaan iyado uu berigii sii xaalufayo oo weliba sii
noqonayo lama-degaan iyo baddii oo iyana sii beeleeyso khayraadkii. Isla markaa,
waxaan jirin talaabooyin siyaasadeed oo lagu saxayo isticmaalka gaaray in ka
badan 99% ee dhirta iyo dhuxusha, sodoo kale dhoofka xaddhaafka ah ee dhuxusha
kuwaas oo horsed ka ah baaba’a bay’ada.
Dagaalada iyo amniga sii xumaanayo waxay ummaddaan ka hor istaageen in ay la
jaanqaaddo Dhisidda Isbahaysiga Horumarinta taas oo u dhexeeyso ummadaha
dunidan. Waxaan go’doon ka nahay horumarka baaxadda leh oo laga sameeynayo
ganacsiga, nidaamyada lacagaha iyo ka qaybqaadashada teknoolajiyada casriga ah
sida kuwa isgaarsiinta iyo kuwa loo yaqaan Biya Teknolojiyada. Dayn qaran oo
gaaraysa ku dhowaad US$ 3 bilyan oo runtii ah culays dusha ka saaran ummaddan
waxa sii xumeynayo iyadoo ay jiraan xaalaado aan saamaxayn in ay carigan soo
gaaraan deeqo rasmi ah (Official Development Assistance - ODA) oo wax tar fiican
u lahaan lahaa qarankan gaarayo illaa 10 million oo dad ah.
Xaaladaha liita oo kor lagu soo macneeyay ayaa horseeday in ku dhowaad 44% dadka
Soomaaliyeed ay ku noolaadaan qofkiba wax ka yar Hal doolar-ka Mareykanka ( ama
Sh. So. 35,000) maalintii. Taas oo horseedeeyso saboolnimo iyo gaajo xaddhaaf
ah, oo keeneyso in dad badan aanay heli karin in ay quutaan cunto dhaalitiran
xitaa laba jeer maalintii.
Waxaan ka dalbanayna dhammaan dadka Soomaaliyeed oo talinta iyo saamayntaba leh
iyo inta-aan Soomaalida ahayn oo doorka ku leh hirgelinta Yoolalka Mallanyumka
(MDGs) in ay dib u eegaan qorshayaashooda iyo siyaashadahooda.
Waxaan si rajo iyo niyadsaami ku jirto u xuseynaa mar kale in nabaddu fure u
tahay xasiloonida, horrumarka, iyadoo hirgelinta Yoolalka Mallanyumka qeyb mug
leh ka tahay higsashada horukaca.
Nasan mayno illaa tallabo muuqato laga qaado Dhisidda Nabadda, hirgelinta
Yoolalka Mallanyumka, iyo Ciribtirka Saboolnimada iyo Sinnaan La’aanta.
Insha Allah,
Wabillahi Towfiq
Guddiga Fududeynta GCAP Soomaaliya: FPENS, SSWC, CSIA, SOCDA & OSPAD
GCAP Somalia Secretariat
SOCDA (Somali Organisation for Community Development Activities)
Off Lenin Road, K4 Area, Hodan District, Mogadishu Somalia.
TEL: +252-1-216188/+252-5-930625
Emails: socda@globalsom.com/socdasom@hotmail.com
WEBSITE: www.socda.org
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666