SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shirkii Jabuuti oo Qarka u saran inuu burburo

Shirkii u dhaxeeyay kooxaha isku haya siyaasada dalka Soomaaliya ee ka socday dalka Jabuuti ayaa maraya meel xasaasi ah, kadib markii la rabay wada hadaladii u socday Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo dowlada ku meel gaarka inay saxiixan ayaa waxaa ka biya diiday ergadii ka socotey TFG-da kadib markii culays kaga yimid dowlada Ethopia.

Gudiyada Siyaasada iyo kan Amniga ayaa sadax maalin kadib shir uga socday Hotel ku yaal dalka Jabuuti isku raacay qaabka ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya gabi ahaan ay kaga baxayaan kadib isla soo saarey warqad ay ku qoran tahay waxyaabihii ay isku raaceen labada gudi, hasayeeshee markii la rabay inay si rasmi ah u saxiixaan ayaa waxaa dib u gurasho ka sameeyay sida wararka nagu soo garayaan Ahmed Abdi Salaan oo ka mid ah ergayda uga qayb galaysa wada hadalada TFG-da, isla markaana saaxiib weyn la ah Gen.Gabre.

Ergayga wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane Ahmed Wallad Abdalla ayaa isna shaaciyay in lagu heshiiyay in ciidamada Ethopia ka hor ciida ay gabi ahaan ka baxaan magaalada Muqadisho kadib dalka oo dhan 30 cisho gudahood uga baxayaan sida ku xusan heshiiskii 19 Agoosto ee 120 maalmood.


Isbahaysiga dib u xoreynta ayaa sheegaya in guddiga Amniga ee arimahaan loo saarey mar hore ku heshiiyeen in ciidamada Ethiopia ka baxaan magaalooyinka oo dhan balse markii dambe qodobkaa TFG-du dalbadeen in ciidamada Ethiopia ka baxaan meelaha shacabka dagan yihiin kaliya wajiga hore kadib ciidamada Ethopianka fariisan ka dhigtaan Wasaarada Gashaandhiga Soomaaliya, arinkaas oo ay ka biya diideen ARS.


Warar rasmi ah oo aan ka helnay dalka Jabuuti ayaa sheegaya in markii hore labada dhinac ay isla meel dhigeen waxyaabihii ay ka wada hadlayeen dhamaan laakiinse markii dambe ay soo ifbaxday in Safiirka Ethopia u fadhiya dalka Jabuuti uu ku qasbay inaysan saxiixi karin waxyaabaha ku qoran warqada ergada TFG-da, hadii ay yeelana in dowlada Ethopia ciidamadooda ay 24 saac gudahood uga bixi doonaan dalka Soomaaliya, arinkaas ku abuurtey TFG-da inay dib u gurasho ka sameeyaan waxyaabihii ay aqbaleen markii hore.


Ergayga Xoghayaha guud ee QM Mudane Ahmed Wallad Abdallah ayaa ka dhoofay dalka Jabuuti isla xalayna gaarey dalka Kenya, iyadoo la filaayo inuu u kicitimo xaruunta QM ee New York si uu uga qayb galo shir ka dhacaya xaruunta QM ee looga hadlaayo arimaha Soomaaliya.


Raisal Wasaaraha dowlada Ethopia Atto Meles Zenawi ayaa sabtidii la soo dhaafay mar uu wareysi siiyay wargays ka soo baxa dalka Ethopia ( Ethopian Herald) ku sheegay inaysan ciidamadooda dalka Soomaaliya kala baxaynin, si uu u carqaladeeyo wada hadalada ka socda dalka Jabuuti.

Meles Zenawi ayaa diidan in warqada lagu qoro si cad ciidamada Ethopia inay ka baxaan dalka Soomaaliya balse doonaya in lagu qoro ciidamada ajanabiga ah ee jooga Soomaaliya, halka Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay ugu adkaysteen in lagu qoro jadwalka bixitaanka ciidamada Ethopia ee haysta Soomaaliya.

Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa isna sidoo kale qaadacsanaa biloowgii shirka Jabuuti isla markaana xiriir dhinaca Telefoonka la soo sameeyay madaxwaynaha dalka Jabuuti iyo Ergayga Xoghayaha guud una sheegay inaysan wakiil ka ahayn Col,Nur Cade iyo Axmed Abdi Salaan, isagoona ku tilmaamay shirka ka socda dalka Jabuuti shir beleed, halka gabagabadii shirka markii la rabay in lagu kala saxiixdo waxyaabihii ay isku afgarteen ergada Dib u xoreynta Soomaaliya iyo TGF-da uu Axmed Abdi Salaan la mowqif noqday Claahi Yusuf, madaama Ethopia ku qanacsanayn qaabka uu u socdo shirka.


Warar kale oo aan ka helnay xubin ka tirsan ergada TFG-da oo iga codsaday inaan magaciisa shaacin ayaa ii sheegay inay isku khilaafeen Col.Nur Cade iyo Axmed Abdi Salaan in heshiiska la saxiixo iyo in kale, ugu dambayntiina Axmed Cabdi Salaan uu ka baaqsaday inuu ka soo qayb galo shirarka, waxaana la filayaa in Axmed Cabdi Salaan uu ku laabto magaalada Muqadisho si loogu magacaabo Raisal Cusub halka Col. Nur Cade la filaayo inuu xaruun ka dhigto magaalada Nairobi kadib markii dowlada Ethopia iyo xubnaha ay ku adeegato ay isla fahmi waayeen qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta Soomaaliya.


Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa moodaa inay ka soo hoyeen guul wada hadalada ka socda dalka Jabuuti, markaa eegto qaabka markii hore loo dhigay go’aamadii la isla gaarey intii aysan dib u gurasho ka samaynin Col.Nur Cade iyo Axmed Abdi Salaan xubnihii ay hogaaminayeen saxiixida heshiiska Jabuuti ee sida cad u qeexayey in ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya uga baxayaan.

Kooxda Afawerki ayaa iyana ku faraxsan inuu burburo shirka Jabuuti si ay u sii wadaan qalalaasaha ka socda Soomaaliya, iyagoo fulinaya danaha dowlada Eritareeya, halka shacabka Soomaaliyeed ee geedaha hoos fadhiya ay sugayaan in xal loo helo ka bixitaanka ciidamada cadawga ah ee haysta dalka Soomaaliya looga saari lahaa.

W D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com


Tobanka Dambe ee Bisha Ramadaan
Fadliga laylatul Qadriga

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 22, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS