SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gabdhaha Suxufiyiinta WOJA iyo Maamuuska maalinta Caalamiga ee Nabadda Aduunka.

Sawirada Halkan ka daawo

Munaasabad lagu xusayay 21-ka September oo ku began Maalinta caalamiga ah Nabadda, ayna ka qeybgaleen Culumaa’udiin, Ururada Bulshada Rayidka ah, Madax ka socotay Dowlad Gobaleedka Puntland iyo madax ka socotay dalalka daneeya arrimaha Somalia.

Fardowsa “Korea” oo ah Gudoomiyaha ururkan WOJA ayaa qudbadii furitaanka aheyd lagu soo dhaweeyay iyadoo baaq u dirtay bulshada Somaliyeed in ay Nabadda taageeraan. Dhan kalle Fardowsa waxa ay ummada Somaliyeed soo xasuusisay in nabadu ay tahay lagama maarnaan

Munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen Hablaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Women Journalist in Action (WOJA) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan Hotelka Barakat ee xaafadda Somalidu ay ku badantahay ee islii ku dhaxyaal. 

Munaasabaddani oo ay ka soo qeybgaleen Wariyayaal, fannaaniin, Ururrada Bulshada Rayidka, Ardayda Jaamacadaha, Hay’ado iyo safaaradaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa dadkii ka hadlay ay tilmaameen in nabaddu xilligan loogu baahi badan yahay Soomaaliya. 

Maamulaha Mac-hadka Simad ee Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud oo hadallo uu ugu talagalay maalinta nabadda halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in xilligii uu wax soo bartay uu heli jiray waxyaabo badan oo u fududeynayay waxbarashadiisa, kuwaasoo aanu helin ardayga Soomaaliyeed ee maanta wax barta, “Marka sidaas la isku barbardhigo waxaa kuu soo baxaya qiimaha nabadda” ayuu yiri Xasan Sheekh. 

Wuxuu tilmaamay in dalka Soomaaliya aan xoog nabad looga dhalin karin, ee xalku uu ku jiro iyadoo ay Soomaalidu is aaminaan, “Mushkiladda Soomaaliya waxaa xallin kara Soomaalida, caalamkuna taageero un buu ka geysan karaa” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaa ku daray “Nabadda haddii aanay anaga naga imaan, dibadda noogama imaan karto”.

Dhan kale waxaa halkaasi hadalkaasi hadal aad loogu wada qoslay ka soo jeediyay Jilaaga weyn ee Somaliyeed Sanjoola oo dhamaan dadkii iskugu yimid munaasabada ka wada farxiyay Somali iyo ajaanib intaba.

Peggy Crawford oo ah coordinator of the Association for better living +Education kenya good will tour ayaa sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay isla markaana ay sharaf u tahay in ay xuska maalintan caalamiga ah ee Nabadda kala qeyb qaadato dad Soomaali ah kala soo qeybgalaan, “Maanta waxay muhiim u tahay Soomaalida sidii ay nabad u heli lahaayeen” ayay tiri Peggy.oo sida sheegtay in ay Somalida la jiraan sidii ay nabad u heli lahaayeyn.

Dadka ku nool Soomaaliya haddi aanu nahay waxaa naga luntay fursad qaali ah oo lagu hergelin lahaa barnaamijka loo yaqaan Higsashada Gaariista Yoolalka Millanyumka (Millennium Development Goals – MDGs) Kuwaas oo si caalami ah loogu hishiiyay markii la saxiixay Baaqa Mallanyumka bishii Sebtambar 2000.Soomaaaliya waxaa u saxiixay Mudane Dr. Cabulqaasim Salaad Xassan, oo Madexweyne ka ahaa Dowladdii KMG ahayd xilligaas.  
 
Nabad la’aan ayaa ummadenna ku khasabtay in ay hirgelin wayso yoolasha ka kooban 8-da oo kala ah in La Ciribtiro Saboolnimada iyo Gaajada Baahsan, la Xaqiijiyo in Waxbarashada Asaasiga ah Tahay Caalami, Kor Loo Qaado Sinnaanta Jinsiga iyo Awoodsiinta Dumarka iyo in la Yareeyo Dhimashada Dhallaanka. Sidoo kale in la Horumariyo Caafimaadka Hooyada, lala Dagaalamo HIV/AIDS-ka, Duumada, TB-da iyo Cudurrada Kale ee Halista ah, la Hubiyo Deegaanku ahaado Mid Waara lana Xannaaneeyo iyo Dhisidda Isbahaysiga Horumarinta 

Wasiirka Xiriirka Caalamiga ee Maamul Goboleedka Puntland, Cali Cabdi Awaare oo halkaasi ka hadlay ayaa yiri, “Nabad baa noogu gaaja weyn maanta” isagoo sheegay haddii dadka Soomaalidu ay ka xoroobaan qabyaaladda in la gaarayo horumar iyo nabad. 

Dhammaan dadkii halkaasi ka hadlay waxay tilmaameen in nabadda Soomaaliya ay ka soo bilaaban jirtay gees hoostiis, iyagoo ku baaqay in tobanka dambe ee bishan Ramadaan Soomaalidu ay duceystaan si uu Alle uga qaado dhibaatada dul saaran. 

Sahra Maxamuud Koronto ayaa faahfaahin ka bixisay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, iyadoo sheegtay in sannadkii 1981kii ay Qaramada Midoobey u calaamadeysay maalintan in loo aqoonsado (International Day of peace), taasoo looga gol lahaa in adduunka laga dhigo meel ka caagan qalalaasaha, “Waxaan dhihi karnaa Soomaaliya waa meesha ugu liidata adduunka ee ay nabadgalyo darri ka jirto” ayay tiri Sahra Keyf.

Waxaan si rajo iyo niyadsaami ku jirto u xuseynaa mar kale in nabaddu fure u tahay xasiloonida, horrumarka, iyadoo hirgelinta Yoolalka Mallanyumka qeyb mug leh ka tahay higsashada horukaca.  
 
Nasan-mayno illaa tallabo muuqato laga qaado Dhisidda Nabadda, hirgelinta Yoolalka Mallanyumka, iyo Ciribtirka Saboolnimada iyo Sinnaan La’aanta. 

Nabad la’aan waa nolal la’aan. Waxa dalkeena Somalia ka socda ayaa inoo wada ah tusaale aan u baahneen in aan faahfaahin ka bixino. 


Tobanka Dambe ee Bisha Ramadaan
Fadliga laylatul Qadriga

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman” 
 

Nairobi-kenya.

sayfudiin@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 22, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS