Hanjabaadda Axmed Walad Cabdalla: Sharci mise Sheeko
Baraleey?
Ahmed Ali M.Khayre
Waxa ay ahayd laba maalmood ka hor, markii ergayga gaarka ah
oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya,
Axmed Walad Cabdalla, uu soo saaray hanjabaad xoog badan oo ku
saabsan in qofkii ama kooxdii diidda waxa ka soo baxa shirka
Jabuuti ka socda uu halis ugu jiro in maxkamad caalami ah la
horkeeni doono. Qormadaan gaaban waxaan ku lafaguraynaa, in
hanjabaaddaasi wax qiil ah ka heli karto qawaaniinta caalamiga
ah oo uu cuskanayey ergaygu.
Maxkamada Dambiyada Aduunka oo ku taalla magaalada The Hague
iyo maxkamadaha kale oo khaaska ah sida tan Yugoslavia, Ruwanda
iyo Sierra Leone waxaa la horgeeyaa eedaymaha ku saabsan
dambiyada caalamiga ah sida isir-sifeynta dambiyada dagaalka iyo
dambiyada ka dhanka ah bani’aadanimada. Dambiyadaas waxaa si
wanaagsan loogu sharraxay
Hashiiska Rome oo lagu unkay Maxkamadda Dambiyada Adduunka
(Qodobada 5 illaa 8).
In la diido ama laga horyimaado heshiis ma ahan dambi caalami
ah oo laysku maxkamadayn karo. Waa arrin mar walba dhacda in
marka kooxo ama waddammo la wada hadashiiyo in koox walba ay
fiiriso danta ay matalayso, haddii ay dantaas ka dhex arki weyso
heshiiskana ay diiddo. Arrinka Soomaaliyana, dadka Soomaaliyeed
waxa ay dagaal xaq ah kula jiraan ciidamada Itoobiya oo si
sharci darro ah ugu soo duulay dalka Soomaaliya, kana gaystay
dambiyo caalami ah. Waxaan filayaa in ergayga gaarka ah uu
arinkaas ogyahay ama ay tahay in uu ogaado.
Labaatankii sano oo lasoo dhaafay, Soomaaliya waxaa ka dhacay
dambiyo caalami ah oo siweyn loo diiwaangeliyey, ilaa haddana
qofna maxkamad looma soo taagin. Dambiyadaas waxaa ugu dambeeyey
uguna waaweynaa dambiyada dagaalka iyo kuwa ka dhanka ah
bani’aadanimada oo kuwa ugu badan ay ciidamada Itoobiya iyo
malayshiyada Dowladda Kumeel Gaarka ah ka gaysteen Soomaaliya.
Dambiyadaas waxaa si weyn u diiwaangaliyey hay’sadaha u dooda
xuquuqda aadanaha sida
Amnesty International,
Human Rights Watch iyo hay’ado kale oo caamali iyo wadani
iskugu jira. Haddaba ayada oo ay jiraan dambiyo caalami ah oo
Soomaaliya ka dhacay maxaa keenay in ergayga gaarka ah ee QM u
qaabilsan Soomaaliya, Walad Cabdalla, in uu soo jeediyo
hanjabaad uu ogyahay in ayna qiil helayn? Hanjabaaddaan oo kale
waxaa horay u soo jeediyey waqtigii uu socday shirkii Mbagaati,
Kiplagat oo ahaa ninkii daadihinayey shirkaas. Marka Kiplagat
hanjabaada jeedinayey waxaa shirka fadhiyey inta daban
qabqablayaashii dagaalka Soomaaliya oo lagu eedayayey in ay
gaysteen dambiyo caalami ah. Ayada oo ay taasi jirto, waxa uu
doortay in uu u hanjabo qofkii diida waxa ka soo baxa heshiiskii
eedeysaneyaasha lagu boqrayay.
Hanjabaada ergayga gaarka ah, Axmed Walad Cabdalla, waxaa loo
fasiran karaa siyaabo kala duwan:
Tan koowaad, in shirka meesha ka socdaa uu yahay maaweelo oo
hadallada kale oo uu sheegana ay yihiin kuwo aan macne lahayn oo
lamid ah hanjabaaddaan oo kale.
Tan labaad, waxaa laga yaabaa in uu la kulmay dad badan oo
Soomaaliyeed oo iska raaca hadalka uu soo jeediyo, una haysta
sharci, oo uu markaas u qaatay in Soomaalidu ay dhammaan kuwaas
la mid yihiin, waxkasta la marsiin karo. Midda ay noqotaba,
waxaa hubaal ah in aan qaabkaas xal looga gaari karin arrimaha
cakiran ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la gudboon ergayga gaarka ah iyo
ciddii kale oo danaynaysa arrimaha Soomaaliya in dadka
Soomaaliyeed lagu caawiyo in maxkamad la horkeeno dadka ka galay
dambiyada caalamiga ah oo aan markaan loo baahnayn in lagu
hadaaqo hadallo aan waxba ku fadhin, oo u macno eg: sax iyo
khalad saan rabo yeel, haddii kalena waa maxkamad !. Waa xaqiiqo
in ay muhiin tahay in heshiis laga gaaro ariimaha Soomaaliya,
lakiin khubaro badan ayaa qabta in maxkamadaynta dadka dambiyada
galay, ay qayb weyn ka tahay xal u helidda dhibaatada daba
dheeraatay ee Soomaaliya.
Ahmed Ali M. Khayre
aakhayre@hotmail.com