SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalo ka dhacay Muqdisho iyo Duqeyn loo geystey Suuqa Bakaaraha

Muqdisho: Hooyo iyo 6 carruur ah oo ay dhashay oo madfac ku habsadey.....

Waxaa saqdii dhexe ee xaley (Sept 22, 2008) qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ka bilowdey dagaalkii ugu cuslaa oo lagu qaado Ciidamada AMISON waxaana weerarakas ay ka dhaceen Xeradii hore ee Xalane iyo Km 4 waxaana dagaalkaas la isku adeegsadeyy qoryaha waaweyn iyo kuwa cuslus waxaana si aad looga maqlayey qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dagaalkii ka dhacay xeradii hore ee Xalane waxaa la sheegay in ay ka qaybqaateen ilaa iyo 20 gaari oo Tekniko ah oo ay lahaayeen dagaalyahaniinta ururka Al- Shabaab waana markii ugu horeysey ee weerar lagu ekeeyo xeradaas oo fariisin u ah ciidamada Uganda , intii uu socdey dagaalkas ayaa ciidamada Uganda waxay magaalada ku rideen Madaafiic aad u xoogan taasi waxay keentey in dad rayid ah ay ka soo gaarto waxyeelo kuwaas oo isugu jirey dhimasho iyo dhaawac, waxaana masiibadii ugu xumeyd ay ka dhacdey guri ku yaala xaafada Siigaale ee Degmada Hodan waxaana gurigaas ku geeriyoodey Hooyo iyo lix Caruur ah oo ay dhashey , sidoo kale hoobiye ku soo dhacay Xaafadda Kaasa Balbalaare ayaa iyana waxaa ku geeriyoodey ilaa 4 qof oo isku qoys ahaa.

Afhayeenka ciidamada AMISON Col .Bahuko ayaa qirey in xaley lagu soo qaadey dagaalkii ugu cuslaa ee lagu soo qaado balse wuxuu meesha ka saarey in aysan wax khasaaro ka soo gaarin ciidamadooda sidoo kale wuxuu dafirey in ay Madaafiic la dhaceen dad rayid ah.

dhanka kale Urur Al-Shabaab ayaa sheegtey in uu ka dambeyey weerarkaas isagoo sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeeyn ciidamad Uganda balse ma sheegain wax gaarey dhinacooda.

Iyadoo weli ay dadka ka sheekeynayaan wixii dhacay xaley ayaa saakey waxaa Garoonka soo fariisatey Diyaarad aan la shaacin cidda lahayd , waxaan markiiba lala beegsadey hubka hoobiyaha ah waxaana lagu tuurey ilaa dhowr iyo labatan hase yeeshee Ciidamda AMISON ayaa ku soo jawaabey Madaafiic oo ay la beegsadeen Suuqa Bakaaraha oo maalamahan ku mashquulsanaa diyaargarowga Ciidul Fidriga waxaana hoobiyayaashaas ay ku dhaceen bartanka suuqa gaar ahaan halka lagu magacaabo Cabdalla Shideya waxaana hal goob ku geeriyoodey ilaa 12 qofod sidoo kale hoobiyayaal ku dhacay hareeraha suuqa ayaa lagu waramey in dad fara badan waxyeelo ka soo gaartey.

Dagaaladaan iyo duqeyntan ayaa ku soo beegantay xili uu fashil ku yimid shirkii dib u heshiisiinta ee ugu socdey Jabuuti Isbahaysiga Dib u Xoreynta iyo Dowladda Federaalka ka dib markii la isku afgaran waayey qaabka bixitaanka ciidamada Itoobiya.

Dagaladaan ayaa lagu waramey in ay kiciyeen Barakac aad u baahsan waxaana haatan dadka ay ka barakacayaan xaafada Taleex , Hareeraha wadada Maka Al- Mukarama , Buulo Xuubey iyo agagaarka Garoonka Diyaaradaha oo maalmahan Bartilmaameed u noqotey Kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Shisheeye iyo kuwa Fedraalka kadib markii ay amar ku bixiyen in aan wax Diyaarad ah ka soo deign Garoonkaas.

Dhinaca kale Dagaalada ayaa iyana waxay ka bilowdeen Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah baarlamaanka waxaana habeen hore Madaafiic lagu garaacay Guriga uu deggan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo la sheegay in ay ku dhaceen ilaa shan Hoobiye.

Isku soo wada duuboo waxaa dagaaladaan bulshada u dheer Sicir Barar iyo nabadgelyo xumo waxaana laga yaabaa in ay ugu si daraan xaalada soomaaliya.

Nin Jarmal iyo Xaaskiisa oo Lagu Afduubay Boosaaso oo xorriyadoodii helay

Waxaa xorriyadoodii helay nin Jarmal ah (oo Muslim ah) oo lagu afduubay magaalada Boosaaso iyo xaaskiisa oo ah Soomaali.

Afduubayaasha ayaa Abu-Bakar Ibnu Cabaas oo u dhashay Jarmalka iyo xaaskiisa Aamina Ducaale Faarax waxay shalay (Sept 21, 2008) ka qafaasheen Boosaaso, iyagoo la aadey buuraha xeebta Mareero oo dhanka bari ka xiga magaalada Boosaaso. Waxaana lagu guulaystey in ay xorriyadooda helaan iyagoo bedqaba.

Waxaa wararku sheegeen in soo deynta ay ka qayb qaateen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka iyo Booliska Gobolka Bari.

W/D Amin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Australia: Cop in murder probe 'threat'...
Read More...

Daawo Sawirada: Dariiqyada Muqdisho oo dhiig iyo Meydad buuxiyeen

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 22, 2008


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22


axmadXoghayaha Dibu-heshiisiinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Sheekh Axmed "mana ahan waxa ay Soomaalidu ka fileysey, in aduunku gacmaha ka laabto" wareysi Sept 7

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS