SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sheekh Ibraahin Cabdalla Aabihii 2-aad ee Halganka iyo Halgame aan ahilmaami doonin

Sheekh Ibraahin waxaa xilka Gudoomiyenimada ee Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya loo doortay 10 kii February 1992 kii, waxaana lagu doortay Shirwaynihii Koobaad ee Ogaadeenya ee ka dhacay magaalada Garbo 8-12 kii February 1992kii.

Sheekh Ibraahin iyo saaxiibadiisii halganka aabaha u ahaaba waxa ay halganka ufureen bog cusub oo halganka laga dhigayo mid gacanta loo galiyo mulkiilaha oo shacabka,1991 kii illaa sanadkii 1994 kii Shekh Ibraahin waxa si toos ah ufadhiistay Xaruntii Jabhadda ee Garigo'an waxa uuna marxalad kasta oo ay kujiraan laqaybsaday Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya oo xiligaa saldhigoodu ahaa Garigo'an.

Shrrkh Ibrahin waxa uu dhalintii halganka macallin ugu noqday mayal adayg uusan marna halganka kudayin lajiifiyaana-banaan illaa ay soo baxaan kawaadir ubisil meelmarinta iyo jihaynta hanaanka halganka.

Naftood hurayaasha Jabhadda iyo taageerayaasha halgankuba way jeclaayeen Sheekh Ibraahin,waxa ayna dadku kuyaqaaneen daacadnimo iyo isagoo mar walba jeclaa in jabhadda dhexdeedu wada tashato shacabkana wax laga waydiiyo masiirkooda.

Hadaba hadaan wax yar ka taabaano dhacdooyin taariikhiga ahaa ee lagu xasuusto sheikh Ibraahin Cabdalla waxaa kamid ahaa:-

1. Dabayaaqadii sanadkii 1993 kii ayuu alla ha unaxariistee Sheekh Ibraahin booqasho kuyimid magaalada Qabridaharre,hase ahaatee dhowr habeen kadib markii ay udhamaatay booqashadiisii ayuu usoo ambabaxay xaga Xaruntii jabhadda ee Garigo'an,markii uu magaalada kasi baxayay ayaa waxaa sii dhaweeyay dadwayne aad ubadan iyo booliskii magaalada,oo lasocday ilaa iyo koontaroolka magaalada ee Dhinaca Dhagaxbuur.

Tigreegii joogay Koontaroolka ayaa istaajiyay gaadhigii uu lasocdaySheekh Ibraahin waxa ayna usheegeen in ay baadhayaan gaadhiga,hase ahaatee Sheekh Ibraahin gaashaanka ayuu ku dhuftay in isagoo ah masuul ciidiisii jooga labaadho,arintii way adkaatay ilaa heer ay gaadhay in booliskii sheekha dhawaynayay iyo dadkiiba ay dagaal isu diyaariyaan,muddo markii la ismari la'aa ayay Tigreegii Koontaroolka joogay la hadleen masuuliintooda oo markaas loo sheegay in ay fasaxaan Sheekha iyo dadka lasocdaba.

Sheekhu markii uu buundadii inyar dhaafay ee uu taagan yahay meeshii ay dadku kaga hadhi lahaayeen ayuu qudbad dheer halkaas ka jeediyay,waxaa hadaladii uu halkaas kajeediyay kamid ahaa:- (Wadanka inagaa leh,go'aanqaadshadiisuna inaga ayay inaga go'daa,marka yaynaan ogolaanin in aynu madaxa foorarinno oo aynu qaayibno dulliga,nin Tigree ah oo ciidayda dulmi kuyimid in siduu rabo uu iga yeelo waa wax aan loo dul qaadan Karin, aynuna ogaano Kani-adaygu waa qayb halganka kamid ah).
Qudbadda Sheekha oo dheerayd intaas ayaan kusoo koobayaa,waxaa wadanka Ogaadeenya caan ka noqday kalmadii qudbaddan kujirtay ee ahayd (Kani-adaygu waa qayb halganka kamid ah).

2. Sheekh Ibraahin isagoo hoygiisu mudo sanado ah ahaa buuraha Garigo'an oo ka saahiday reerkiisii ayaa waxaa utimid Xaaskiisii,kadib hilibkii colobta ahaa ee ay waday ayuu dhex geeyay ciidanka oo loo qaybsaday sidii garaamadii Ciidanka,marar aad ubadanna way dhacday in waxyaalo Sheekha si gooni ah loogu keenay ama hadiyado uu la dhex gayn jiray ciidanka,markastana uu ahaa mid ciidanka waxlaqaba.
Dagaalkii Wardheer 22 kii February 1994 kii waxa uu ku bilawday,kadib markii ay Tigreegu xidheen Gudoomihii Xafiis Goboleedka jabhadda ee Wardheer oo magiciisa la odhan jiray sheikh Ibraahin,sidaas daraadeed ayuu Shekhu armay in qasab lagu soo daayo.

Sidii ayay noqotay oo si qasab ah ayaa laga soo qaaday xabsigii Tigreega,markaas ayay xabadiina qaraxday,hogaamiyayaashii jabhadda ee dagaalku waxa ay marwalba Sheekh Ibraahin Cabdalla kazoo qabanayeen safka hore ee dagaalka isagoo aan gabanaynin.
Maalin iyo habeen markii uu gadaalku socday ee ay rasaastii gabaabsi ka noqotay ciidankii jabhadda ayay dagaalgaliyayaashii jabhaddu amar kusiiyeen Sheekh Ibraahin in uu fuulo gaadhiga oo markaas dagaalka laga boxo,sheekha oo aad urabay in uu meeshaa ku shihiido ayaa hadna waxa uu garawsaday in ay gar tahay in uu adeeco amarka taliyayaasha dagaalka oo iyagu amarka leh wakhtiga dagaalka,sidaas ayaana dagaalka lagaga baxay, Sheekh Ibraahin Gobolka Doollo waxa uu ahaa gobolka uu ugu jeclaa ogaadeenya,dadka reer Dooloodka ahna waxa ay ahaayeen dadka uu ugu jecelyahay sheekhu
3.

4. Markii ay jabhaddu dagaalka ubaxday 20 kii April 1994 kii ayaa Tigreegu waxa ay bulshada ku dhexfidiyeen hadal ah in sheekhu yahay Seef-labood,taasoo ay aad usii wadwadeen kuwo cadaw kalkalkaal ah ayaa marar badan soo noqnoqday,sidaas daraadeed ayaa maalin maalmaha kamid ah si toos ah sheekha ay qolo ugu tidhi (sheikh waxaad tahay seef labood),markaas ayuu sheekhu ugu jawaabay (war hadaanan seef la boodin ma bakeeribaan la boodi lahaa) oo macneheedu yahay ninka dhacani in uu hub laboodo waa wax laga sugayo laakiin in uu xagga nacfiga uleexdo waa xumaan.

5. Shirwaynihii 2aad ee jabhadda ee dhacay 1998 kii ayuu Sheekh Ibraahim xilka kaga dagay,sidaas daraadeed Sheekh Ibraahin oo lagaga guulaystay doorashadii madaxtinimda jabhadda ayaa yimid Nairobi,sida caadada Soomaalidu tahay isbadal kasta oo maamul ku dhaca waxa uu la imaan jiray qaybsanaan iyo garbo ismucaarada,shakhsiga xilka laga qaadayna waxa inta badan laga filan jiray in uu yidhaahdo xilka qaadista kuma qanacsani oo waa musuqmaasuq.sidaas daraadeed maadaama oo isbadalkan 1998 kii dhacay uu ahaa kii ugu horeeyay ee jabhaddu samayso waxa ay dadku filayeen in halkaas ay kazoo bixi doonto qaybsanaan madaxda jabhadda dhexdeeda ah,Sheekhi isagoo aan kazoo bixin wadanka dhexdiisa ayaa waxaa magaalada Nairobi aad la isu dhex qaadsiiyay in Sheekhu falaagoobay oo uusan ku qanacsanayn sida wax udheceen.

Hadaba markii Sheekh Ibraahim uu yimid Magaalada Nairobi dhabcan ayna soo gaadh-gaadhayeen sheekooyinka suuqu ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa ka codasaday in uu qado usameeyo mid kamid odayaasha reerka,hase ahaatee Sheekhu waxa uu qadada kuxidhay shuruud ah in ay yimaadaan odayaasha Nairobi ee Wadanka unasab sheegta,ninki arintaas wuu ka ogolaaday,waxa uuna sameeyay qado aad ubalaadhan oo ay kasoo wada qayb galeen dadkii uu quseeyay halganka Ogaadeenya badankood.

Markii laqadeeyay ee cuntadii laga faraxashay ayaa waxaa furmay kulan balaadhan oo xogwaraysi iyo haasawe ah,sheekha waxaa laga waraystay wadankii iyo xaaladiisa,deegaanta iyo sida ay ahayd,cadawga iyo heerka waxyeelooyinkiisa,sheekooyinkan oo dhan waxa ay ahaayeen hordhac ee yoolkii dhabta ahaa ayaa la guida galay,nin ayaa Sheekha waydiiyay su'aal ah:- Sheekh Ibraahin waxaan maqalay in doorashadii ay udhacday si aadan ku qancin,warar badanina way nasoo gaadhayeen maalmahan ee bal side ay wax udheceen nooga waran?

Shekhu waxa uu kujawaabay :- (Hadii aad arki jirteen madaxtinimo lagu dagaalmo oo garabyo samysmaan,JWXO arintaas way ka horumartay,doorashadu si xaq ah ayay udhacday,waana la igaga guulaystay,hadaan tusaale idin siiyo Ninka ila Tartamayay ee ku guulaystay waa reer Dahagaxbuur,hadana dhamaan N/hurayaashii iyo taageerayaashii reer Dahagaxbuur aniga ayay ii codeeyeen,waxaanu ka xorownay waxa layidhaahdo qabiilka iyo xiljacaylka,wakhti badan ayaanu hawsha soo wadnay halgankuna wuu ubaahan yahay in dhiig cusub lagaliyo,marka Maxamed Cumar Cismaan soo dhowow baan leenahay,si jabhadnimo leh ayaanuna ula shaqayn doonaa,waxaana idiinku bishaaraynayaan in doorashii jahaddu ay udhacday si lamid ah sida ay isu doortaan wadamada horumaray)

Intaas markii uu Sheekhu yidhi ayay odayaashii shirku aad ufarxeen oo ay kala badbateen,waxay arintu kunoqtay mid ayna inta badan arki jirin,markaas ayay sheekha si aad ah ugu duceeyeen,sida daacadnimada leh ee uu ugu adeegayo umadiisa.

Sheekh Ibraahin waxa uu can ku ahaa in ayna dhibi jirin in dadkiisu siyaabo kala duwan ay ula hadlaan,wuxuuna aad u aaminsanaa in fikirka laga doodo,la isku qanciyo,qofnana aan fikirkiisa lagula yaabin laguna ceebaynin,waxaa kale oo Sheekh Ibraahin lagu yaqaanay meel kasta oo Ogaadeenya kamid ah waxa ay ahayd meeshiisii oo makala xigin dhulka Ogaadeenya iyo dadkuba.

Iskusoo wada duuboo Shekh Ibraahin Cabdalla Maxamed waxa uu ahaa abihii labaad ee halganka Ogaadeenya,waxa uu ahaa geesi mayal adag oo ay ka qalin qaateen boqolaalan kaadir oo maanta caynaanka uhaya halganka 24 Jirsaday ee Ogaadenya

Mukhtaar Gundid
gundid@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 21, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS