SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baaqa Musharax Nuuradiin A. Dirie uu u dirayo bulshada reer puntland oo ku aadan dhawicii Gen. Gaani maxamud

www.nuradindirie.com 

18/09/08

BAAQ MURASHAX NUURADIIN

Waxan si wayn uga xumahay weerarkii lagu qaaday taliyaha booliska maamul goboleedka Puntland Jeneraal Gaani Max'ud iyo dhaawicii ka soo gaaray, anigoo jecel inaan halkan uga tacsiyeeyo jeneraalka dhibaatada soo gaartay Ilaahayna uga baryaya inuu caafiyo.

Weerarka lagu qaaday taliyaha booliska Puntland Jeneraal Gaani wuxuu calaamad u yahay heerka ay marayso nabadda Puntland taas oo ah mid aan looga baran intii uu jiray maamul goboleedka mar haddii inta xuma-doonka ahi ay u hunguriyoodeen madaxdii ammaanka.

Tallaabada noocaan ahi maaha mid saamynteedku ay ku kooban tahay cid gaar ah ee farriin iyo digniin loo jeediyay maamulka iyo dadwaynaha maamul goboleedka oo dhan maadaama falkaas uu ahaa mid lagu beegsaday nafsadda astaatna nabadgelyada iyo sugidda sharciga.

Maamulka gacanta ku haya talada Puntland waxaa la gudboon inuu dib u eego heerka ay taagan yihiin qiimaha iyo haybaddii dawladnimo si loo soo celiyo awoodda qaranka ee ku aaddan sugidda nabaddgelyada dadwaynaha.

Waxaan qabaa in wax badan laga qaban karo arrimaha nabadgelyada Puntland haddii laga daacad noqdo oo hay'adaha nabadgelyadu ay helaan xuquuqda ay maamulka ku leeyihiin ee isugu jirta xuquuqda dhaqaale, caafimaad, qalab, iyo gaadiid.

Dadwaynaha ku dhaqan maamul goboleedka waxa la  gudboon inay maamulka iyo masuuliyiinta  kala shaqeeyaan sugidda ammaanka gaar ahaana odayaasha, culimada diinta, ganacsatada, haweenka, iyo dhallinyarada.

Ugu dambaystii waxan jecalahay inaan halkan bogaadin uga diro dhammaan qaybaha  kala duwan ee ciimada Puntland ee har iyo habeen heeganka  ugu jira nabadda dhulkooda iyo dadkooda, waxan kula dardaarmayaa ciidamada Puntland  inay u dulqaataan duruufaha adag ee ay muddada ku soo jireen anigoo ku kalsoon inay maalin maalmaha ka mid ah ay heli doonaan xaqooda oo dhammaystiran.

Nuuradiin Aadan Diiriye

Murashaxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 21, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS