SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Taliyihii Booliska G/J/Dhexe Ee DFKMG ah oo maanta Xilkii iska Casilay

Taliyihii Policeka Gobonlka Jubada Dhexe DFKMG ah Ee Soomaaliya Xasan Qeyre Axmed oo manta gaaray Degmada Bu’aale Ee Xarunta Gobolkaasi ayaa Shaaca ka qaaday in uu iska Casilay xilkiisii uu dowlada Uga Hayay Gobolkaasi.

Gaashaanle dhexe Xasan Qeyre Axmed oo iigula Soo Xiriiray qadka Telefonka ayaa Waxaa uu si Toos ah Shaaca uga Qaaday in uu ka tanaasulay masuuliyadii uu ugu magacownaa ee taliyaha Qeybta Police-ka Gobolka.

Xasan Qeyre Axmed aya Tilmaamay in Dowlada Ay tahsatay Waxqabad la’aan uuna Go’aansaday in uu shaqada Isaga Tago maadaama aysan Jirin wax dhaafsiisan Magacaabis Afka ah.

Xasan Qeyre Axmed Mar aan Hordhignay Su’aasha ah waxa Xiligan ku soo begay Iscasilaadiisa iyo in ay Jirto hujuun iyo Cabsi kaga Timid Kooxaha Islaamiyiinta ayaa Waxa uu yiri “waxaa igu Qasay Xiligan In aan Katanaasulo Jagadii aan Dowlada u hayay, mudadii aan ku maga cawnaa wax aan bulshada u hayay oo arimihii aan ugu magacownaa aan wax taabasho leh qaban”.

Iscasilada Taliyahay oo uu dhowaanahanba ku dhumanayay Deegaano ka Tirsan Gobolkaasi ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili deegaanada Jubooyinka ay la wareegeen gacan ku heyntiisa Xoogaga islaamiyiinta taas oo noqoneysa Iscasilaadan mid Horay u dhacday islamar ahaantaasina aan noqoneynin mid aan ku cusbeen Deegaankaasi .

Horay ayaa waxaa xilkii isaga casilay xubno ka tirsan Maamulada Gobolada Koonfureed ee Gobolada Dalka Soomaaliya kuwaas oo ay ku jiraan xubnihii maamulada magaalada Baladweyne iyo Deegaano farabadan oo ay ku jiraan Shabeelooyinka taas o inta badan Dadka Soomaaliyeed ay u fasirtaan cabsi iyo hujuum kaga yimaada kooxaha Islaamiyiinta oo aalaaba ku qasba in xubnahaasi xilalkooda ay iska Casilaan .

Max’ed Gaarane Aadan
Baardheere /GEDO

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 21, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS