SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Uruka Canadian Somali Congress waxay shir la qaateen Wasiirka Gaashaandhigga Canada

Uruka Canadian Somali Congress waxay shir la qaateen Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Peter Mackay si ay u taageeraan goa’anka Dawladda Canada oo u diraysa Maraakiib ilaaliya Maraakiibta macaawsimada qaadda.

Canadian Somali Congress iyo wariyayaal ka socoda saxaafadda Soomaalida Canada ayaa dhowaan shir laqaatay Wasiirka Gaashaandhigga Peter Mackay.Wasiirku wuxuu ka hadlay sida ay uga goantahay Dawladda Canada sidii ay burcad badeedda uga daafici lahaayeen maraakiibta dalka u sidda cunnada iyo salabka kale oo macaawimafda ah.

Wasiirku wuxuu ka hadlay baahida degdega ah oo loo qabo in Somaaliya lala gaaro cunto iyo gargaar bini aadan nimo, wuxuuna tilmaamay in Canada arrintaas iska xilsaartay iyada oo ka jawaabeysa codsi uga yimid Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Ururka NATO. Mudane Mackay wuxuu sheegay in Canada tahay Dawladda saddexaad ee macaawimada ugu badan siisa World Food Program iyada oo weliba dadka Canadianka ahi ay xafiikliisa la soo xiriiriaan si ay u muujiyaan taageeradooda ku aaddan dadaalka macaawimadaas ballaaran ee biniadamnimo. Wuxuu Wasiirku ka hadlay in Canada aysan Taarikh u lahayn Gumeysi iyo Imperialism sidaas darteed waxay mudantahay in la aamino sida ay daacad uga tahay macaawimada ay u geysato dadyowga adduunka ee tabaalaysan. Wasiirku wuxuu muujiyey sida uu uga xunyahay dhacdadii uu ku dhintay muwaadinkii Soomaaliyeed Shidane Arone taasoo raad xun ku reebtay sumcadda Askarta Canada. Wuxuu sheegay in siyabaha ay labada shacbi uga gudbi karaan dhacdadaas ay ka mid tahay in Canada ay ka caawinto dadaalka Somalia ugu jirto dibudhiskeeda iyo dibheshiisiinteeda.



Wasiirka kaddib,Canadian Somali Congress(CSC) waxay hadalka ku soo dhoweysey Mark Persuad, la taliyaha ururka CSC. Mr. Persaud wuxuu Wasiirka uga mahadceliyey arrinta uu ku dhawaaqay iyo shirka uu la yeeshay Jaaliyadda Somaalida ee Canada iyo saxaafaddooda. Guddoomiyaha CSC, Ahmed Hussen wuxuu uga mahadceliyey Wasiirka tilaabada muhimka ah ee Somaalia wax loogu qabanayo. Hussen, issaga oo ku hadlaya magaca ka qaybgalayaasha shirka, wuxuu Wasiirka warsaday in Canada sii ballaariso waxqabadkeeda ku aaddan ilaalinta maraakiibta macaawimada. Mr. Hussen wuxuu wasiirka ku wargeliyey, Canadian Somali Community inay ku tageeri karto Canada khibrad wax ku ool ah oo tala ka siisa Canadianka sida ugu habboon oo ay wax ugu qabankaraan shacabka soomaalida. Khibraddas waxay wax ka taraysaa sidii Dawladda Canada u horumarinlahayd sumcadda ay ku leedahay dalkaas. Si hadafkaas loo gaaro, Mr. Hussen wuxuu Wasiirka weydiiste inuu shir kale la yeesho CSC si xubnaha jaaliyaddu u soo bandhigaan siyaabaha ugu fiican ee Canada wax uga qaban karto somaaliya. Arrimaha ay Canada wax ka qabankarto waxaa ka mid ah inay xoojiso heshiiska nabadeed oo ka dhexsocda TFG iyo xubnaha mucaaradka ah. Wasiirku waa balanqaaday inuu shir kale dhaqso la yeelandoono CSC iyo Odayaasha iyo shaqsiyaadka u dooda danaha Soomaalida.



Xubnaha Canadian Congress Mohamed Abukar, Burhan Warsame Abdi iyo Omar Mohamed waxay wasiirka uga mahadnaqeen shirka uu la yeeshay jaaliyadda iyo tallaabadaas muhimka ah oo ay ku cawimayaan Somalia.

-30-

For further information contact:

Ebyan Farah
Director of Communications
Canadian Somali Congress

Tel: 613-523-2656

Email: ebyanf@gmail.com

Website: www.canadiansomalicongress.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 9, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS