SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nin adduun joogoow aragti ayaa kuu laaban!

marka hore waxaan salaan usoo gudbinayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed marka labaad waxaan u mahad celinayaa bahda warbaahinta somalitalk oo inoo suurta geliyey in aan si xur ah fikirkeena ugu soo gudbino intaas kadib.

arin ay wargeysyada uganda ay aad u qorayaan oo ah (Gabadh Somaliya oo ka baadigoobeysa kampala askari Ugandheysa oo Muqdisho wiil kaga dhalay).

waxaan rabaa inta aan usoo gudbin maqaalkeyga in aan ugu sheekeeyo dhacdo aan lakulmay oo waxaa jiray yar saaxiibo nahay oo la dhaho joefrey oo ugandheys ah waxayna arintan igu qabsatay kampala waa beryihii ciidamada ugandheyska loo daabulayey moqdisho waxaa ku jira ciidamada UPDF(UGANDA PEOPLE DEFENSE FORCE) wiil ay walaaalo yihiin oo la dhaho opio yarka aan sxbda aheyn ayaa ibaray wiilkan askariga ah oo igu dhahay "wuxuu usocdaa soomaaliya ee muxuu kala kulmi karaa?" waxaan ugu jawaabay "somaliya xabad ma ogiyee wax uu kasoo dheefaayo ma jhirtee ee waxaan ugu talin lahaa in uu iska jooga" waxaa soo booday kii aan sxbda aheyn oo tusaale iigu soo qaatay mar ay uganda ciidan u dirtay gongo oo ay ka soo wateen gabdho fara badan ay uganda la yimaadeen tookadaana ay rabaan in ay gabdho soomaaliyeed ay soo wataan waxaan aniga jawaabay in aysan dhici karin arintaas oo gabdhaheenu yihiin kuwa afrika ugu fiican ayna soo raaceen qof wadankeeda xoog ku qabsaday maxaa yeelay uganda maxaa ka doontay soomaaliya meeshaas ayaan ku kala tagnay anigana waan xanaaqay waana ka tagay goobtii ay dooda nagu dhexmartay yarkii doraad ayuu isoo wacay oo wuxuu igu salaamay "hello do u know niino?: aniga waan xanaaqay telkii ayaan ku jaray.

Gabadhan niino la dhaho waa gabar muqdisho katimid oo askari ugandheys ka baadi goobeyso kampala waxaa dhacday oo ay wargeyska u sheegay in uusan wax nikaax dhexmarin sidoo kale waxay wadataa cunug yar oo afar bilood jira wargeysyada waxay ciwaan usoo qaadanayeen

"Somali mother looks for her UPDF lover " macnaheedu ah"hooyo soomaaliyeed oo baadigoobeysa jaceylkeeda askari ugandheys ah"

sidoo kale waxay wareysi siisay wargeyska new vision oo ku cataabeysa sida ay u jeceshahay askariga ugandheyska ah “I love the father of my boy. All I need is to get in touch with him for assistance. I need him that is why I came. My child is a Ugandan but I feared being killed due to this act. I am safer here,” she said. oo ay dhahayso "waan jeclahay wiilkayga aabihiis.waxaan u baahanahay caawinaadiisa.waan rabaa waan waxaan u imaaday halkan.cunugeygu waa ugandhiis waan cabsooday in la i dilo maxaa yeelay arintan aan ku jiro darteed laakiin halkaan waa amaan."

waxaa markii danbe qaabilay afhayeenka ciidanka uganda oo niino la wareegay markii danbe waxaa la kulansiiyay askarigii cunaga ka dhalay saas ayeey ula midowday afaheeda.

laakiin waxaa iga qoslasiiyay wargeyska daily monitor qeybtiisa fikirka iyo aaraada la isku weydaarsado ayaa waxaa iga qosolsiiyay maqaal uu qoray akhriste oo ah "our soldiers is not peacekeepers but is baby makers." oo micnaheedu yahay "ciidankeenu ma ahan ciidan nabad ilaalineed ee waa ciidan ilma sameeya". wuxuu kala jeeday anagu muqdisho nabad in aan ilaalino uma tagin ee waxaan utagnay waa in aan soo helnaa naago.

waxaan ku talin lahaa aniga asad ahaan gabdhaha soomaaliyeed waan ay dhooraan hidaheena waa wax ceyb ah in gabar soomaaliyeed in ay meyreysato wadan kale warbaahintuna ay ku dabadhigtaan oo dhahaan waxay raadineysaa saaxiibkeed iyo wax la mid ah waxaan ogeyn gabdhaheena in ay lahaayeen sharaf oo ay ka xishoon jireen waxyaabaha sumcadooda hoos u dhigaya hada aniga waan yaabanahay! soomaaliyeey is daba qabta.

wabilaahi towfiiq.

asad cali

asad70@live.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 9, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS