SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maamulka kismaayo iyo Mawqifka Sheekh Ibraahim Shugri (Abu-Zaynab)

Asalaamu Caleeykum.

Dhamaan walaalaha Muslimiinta ah gaar ahaan ummada Somaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan leeyahay Ramaddan Mubarak. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu bishaan khayrkeeda noogu danbi dhaafo, in ilaahay dadka Somaliyeed dhex dhigo nabad caam ah oo waarta… aamiin… aamiin.

Sidaan wada ogsoonahay dhawaan waxaa magaalada Kismaanyo ka dhacay dagaal. Waxaa dagaalkaas uu bilowday wax yar kahor bilowgii bishaan barakaysan ee Ramaddan. Waxaa ku nafwaayay dad badan oo niyadooda ay kujirtay inay lasoomaan ehaladooda iyo xaasaskooda, balse waqtigu ku simiwaayay. Magaalada kismaanyo oo ah magaalo caalami ah ayaa waxaa kunool dad badan oo Somali ah oo qolo walba leh, waxaana dadkaan isugu jiraan muruqmaal, ganacsato, caruur, waayeel, iyo noocyo kale oo badan. Hadaba intii muddo ah ayaa waxaa magaalada Kismaanyo maamuli jiray Beesha Sade oo dadka qaarkood sheegaan inay tahay beesha ugu badan marka loo fiiriyo deegaan ahaan, dad ahaan, ganacsi ahaan iyo dhankastaba, wallow dadka qaar ay khilaafsanyihiin aragtidaas.

Waxaan filayaa in qof walba oo Somali ah ka dharagsanyahay xaalada magaalada Kismaanyo kahor intii aysan dagaaladu ka dhicin. Majirin cid kasocota DKM oo maamul ka haysay Kismaanyo, majirin Itoobiyaan lagu arkay ama lagu maqlay kismaanyo, majirin cid ka baxsan dadka deegaanka oo ksimaanyo joogtay. Ayadoo intaas oo dhan cadyihiin, ayaa uruurka Alshabaab iyo Maxaakiimtu weerar kusoo balaariyeen. Waxaa dhagaalkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, qax iyo barakac, hoog iyo haantaawilif. Dadkii ugu badnaa ee dhibaatadu soo gaartay ayaa ahaa shacabkii u dhexeeyay labada kooxood ee dagaalamayay. Maadaama oo dhibkaan dhacay yaan eeda dusha u saaraynaa oo ka masuul ah musiibadaan? Ma Barre mise qolada kale ee is garabsatay?

Waxaan filayaa in jawaabtu iska cadahay, ayna qaladka leeyihiin Alshabab iyo Maxaakiimtu maxaa yeelay waxay kusoo duuleen dad somaliyeed oo markaas nabad ku noolaa, waxay barakiciyeen maatidii, waxay daadsheen dhiig Somaliyeed. Intaas haday ku kaceen waxaa is waydiin mudan diinta Islaamka miyaa sidaan qabta mise sharciga u yaala shabaab iyo maxaakiimta ayaa qaba in la laayo oo la barakicyo dad somaliyeed oo daganaan ku jira?

Sida uu noo sheegay Nabigeenu (S.C.W) diinta islaamku maahan mid dagaal waa mid nasteexo, waano iyo wax isu sheeg, laakiin mar hadii wadaadii qoryo qaateen oo dhaheen dagaal ayaan wax ku raadinaynaa, qab qablayaashiina ay geedaha ku xiranyihiin oo laga yaabo inay markale shacabka kusoo fakadaan, bal dadoow yaa u maqan shacabka Somaliyeed qoladeese xaboodu qabowdahay oo ay raacaan (Hal nin guran kaxeeyay dhanna uma fiyooba).

Waayadii hore waxay dad badan sheegi jireen kooxaha islaamiyiintu inay yihiin iftiin soo baxay oo ka hufan, qabiil, qab qable, cadaalad darro, waxaana dad badan aaminsanaayeen inay yihiin kuwa ku salaysan cadaalad, dhex dhexaadnimo, tanaasul iyo waxyaabo badan oo wanaagsan, laakiin lamood noqonsawayday waxaa waayadaan danbe soo if baxday in qabiil walba oo kujira kooxahaas ay sharaxdaan hal nin oo matala si hadhow jago loogu magacaabo oo aysan u qarsoomin beeshoodu. iskama dhahayo hadalkaan ee waxaan u hayaa cadaymo badan, waxaan ugu danbeeyay oo aan hadda soo qaadan karnaa ninka lagu magacaabo Sheekh Ibraahim Shugri ( Abu-Zaynab) wuxuu dhiibay waraysi intii lagu gudajiray dagaaladii Kismaanyo, wuxuuna sheegay in hawshu sifiican u socoto shacab badana ay dhimanayaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in magaalada maamul loo dhisi doono si dhaqso ah. Ka dib, qolyihii meesha qabsaday oo uu ka mid ahaa Abu-Zaynab waxay u fariisteen sidii maamul loo dhisi lahaa. Waxaa soo baxay khilaaf baahsan oo ku aadan qaabka maamulka loo dhisayo waxaa loo kala baxay 3 qaybood oo kala ah... Maxaakiim… Alshabaab… iyo Beesha Sade. Qolo walba waxay codstay in meesha ugu koraysa loo magacaabo, waxay isu diideen inay istixgaliyaan, waxaa la waayay isu tanaasul, waxaa dhacay is qab qabsi iyo feer, ugu danbayntii rag badan ayaa ka kacay googashii.. dhamaan raggan ayaa nin walba u doodayaa qabiilkiisa waxaana mid kasta hal hays u ahaa “anoo ina hebal ah oo kasoo jeeda qolo helbo iima qalanto jagadaan”.

Sheekh Ibraahim Shugri ( Abu-Zaynab), wuxuu ka mid ahaa raggii dabada ka jaf jaftay ka dib markii uu u arkay in qoladiisii laga tug tug roonaaday. Ka bixitaankiisii kadib wuxuu la hadlay saxaafada gudaha isagoo sheegay inaan meesha maamul ka dhicin ee qolo gaar ah ay wax soo dhoo dhoobtay aysana ahayn wax lagu qanci karo taas. Khilaafkaan u dhexeeya kooxaha kismaanyo jooga waxaa laga yaabaa inuu isu badalo gacan ka hadal, maxaa yeelay waxaa soo shaac baxaysay waayadaan danbe in ayaga dhexdoodu is laayaan sidii hadda ka hor Jawar iyo meelo kalaba ay isugu laayeen. Hadaba mar hadii ayaga dhexdoodii ay isu goodinayaan, Barre Hiralana uu ciidan u aruursanyo siduu dib ugu qabsan lahaa, Cabdulaahi Yousufna uu qool gacanta ugu wato sidii Kismaanyo uu maamuli lahaa. Yaaa u maqan shacabka kismaanyo oo sadexdaas kooxood ay hadda ka dib usoo hub uruursanayaan?

Dagalaalka kismaayo wuxuu koox diimeedka ku ahaa dhabar jab waxay lumiyeed taageero dad badan, waxaa cadaatay inaysan waxoodu ahayn inay raadiyaan xalka Somaliya ee ay raadinayaa nacfi, waxaa cadaatay inay ku shaqeeyaan qabiil, waxaa cadaatay in hafakoodu yahay aan meel qabsano dadna aan layno, balse aysan ahayn sidee wax u maamulaynaa, waxaa cadaatay inay koox koox isu haystaan, waxaa soo baxay ceebo badan oo ay leeyihiin.

Hadaba waxaan dhihi lahaa waa la idiin sheegay inaad si qaldan ku gasheen Kismaanyo waxaa warbixino idiin soo diray dad badan iyo culumo awdiin badan oo ugu horeeyo Shiikh Shariif oo idiin sheegay sida ay uga xunyihiin dagaalkaas, laakiin waxba waad maqli wayseen, waxaana filayaa sal fudayd, is maqal la,aan iyo madax adayg inaad can ku tihiin. Laakiin tan hadda taagan wali waxay u baahantahay xal waxaan dhihi lahaa isu taga oo iskudaya inaad dhexdiinu heeshiisaan, inaad ilaalisaan midnimada, inaad wax iska maqashaan, inaad iska daysaan habka qabiilka oo aad ogtihiin in Somaliya waxay la dhismi la,dahay ay tahay arinta qabiilka oo meel xun kaga taal iyo inaad fiirisaan danta shacabka dhibaataysan.

Ugu danbayntii koleey Kismaanyo qolooyin badan ayaa mindiyaha u lisanaya ee hanoqonina kuwa ugu horeeya ee xabbada ka rida, taasna waxaad ooga gudbi kartaan adinka oo midooba oo khilaafka iska ilaaliya.

Wabi laahi towfiiq.

Maxamed Hassan Aden
maxamedcadde12@live.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 9, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS